GORFAYN BUUG.
---------------------------------------------
Buugga
MALDAHAADII MAASOONIDDDA
Waa buugii 3aad ee arimaha Maasooniyada ka hadlaya oo aan akhriyo runtii waxyaabo badan oo aan markii hore sheekooyin ahaan ku maqli jiray, run ahaashahoodana aan saluugi jiray ayaan ogaaday inay xaqiiqoyihiin bal hal iyo labo aan ka sheego.
1. CALANKA ISRA'IL: waxay dhammaan buugta aan akhriyey iyo waliba sheekooyinkii aan horay u maqli jiray ay isku raacsanyihiin in alifaada calanka oo ka kooban labo xariiq oo buluug ah, xidigta lixda gees leh ee Astaanta u ah Maasooniyadda iyo midba cad ee marada. Waxaana looga jeedaa macna ahaan ayey leeyihiin Qoraayaasha buugaagtaasi sida soo socota:
Labada xariiq ee buluuga ah oo loola jeedo labada wabi ee دجله و زفرات (Dajla iyo Furaat) iyo xidigta oo u taagan sixir iyo arimo shaydaan oo kale .
Waxayna mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba ku fakaraysaa Isra'il inay qabsato labadaas wabi iyo wixii ku xeeraysan.
2. Waxaa kale oo aan ogaaday tirada 666 oo aan marar badan oo aan arkay ku wareeray, sida caadiga ah waa iska Tiro caadi ah lakiin iyaga waxay ugu fadhidaa waxybaabo cajiib ah waxayna u yaqanaan magacyo gooni ah sida: "THE NUMBER OF THE BEST IYO رقم ولو حش " oo macnaheedu yahay Tiradii Dugaaga .
Macna ahaa waxay leeyihiin waxay ka wadaan waxyaabo sixir ah sida meerayaasha sida SATURN oo ah meeraha 6aadmagac ee meerayaasha marka laga tiriyo dhinacaaga qoraxda, maalmaha magacyadooda SATURDAY oo ah maalinta 6aad marka laga eego tirsiga gaalada. ROOMAN oo ah sanam ay caabdudaan yahuudu iyo waliba Cibaado gaar ah oo ay la xiriirinayaan Masiixu Dajaal مسيح دجال waxaa kale oo sii dheer waxyaabo afgarasho, iyagana u gaar ah.
Ugu damabayn waxaan u mahadcelinayaa Qoraaga Buugga saaxiibkay CABDIKHADAR CABDULAAHI KHADAR oo kismaayo mar aan isku aragnay ii hadiyeeye Buugga.
Dadka xiiseeya akhriska waxyabaha la xiriira Maasooniddda waxaan dhihi lahaa si waafi ah halooga digtoonaado shartooda iyo shaydaan caabudkaado.