Tuesday, March 25, 2025

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON?


15,Agosto, 2021. Afganistan!


Asharf gani Oo ahaa Ma liibaane lagu liibaanay ayaa ka Dalkiisa ka caray isaga oo ay dalkiisa Jogeen in ka badan 20 wadan ciidankood iyo boqolaal kun oo ciidan oo loo dhisay isaga laakiin Waxba maysan Tarin taasi Maxaayeelay waxaa meesha ka maqnaa Rabitaankii shacabkiisa ay u  Qabaan maamulkiisii Magac u yaalka ahaa, ugu danbayna isagii xitaa waa badbaadin waayeen kuwii la joogay 20 ka sano  oo dalalka dariska ah ayuu u cararay ugu dambayn!!!!.



8, December 2024 Suuriya!


Bashaar Al- Asad 


Dhiigyacabkii dadkiisa ina  Xabsiyada ku Halaagay ina qoxootiga ka dhigay ugu dambayn markii dantii laga lahaa laga gaadhay ayaa lagu Dul shaxay ilaa uu ugu danbayn ku hantaatacay  kaliya in asaga iyo qoyskiisa la badbaadiyo oo maganda galiyo qoxooti la siiyo, ugu damayna Qoxooti ku noqday.


■ Ujeedadaydu ma ahan siyaasadaha ama kooxaha la wareegay dalalkaas oo aan soo tilmaamay ee waxaa weeye ujeedadu meelaha aynu isaga egnahay Dalalkaas iyo waxa dhici kara.


Hadii aan wax la iska weydiin Dhawrkan qodob ee Soo socda ogow waa wax dhici kara arimahaas kuwa u eg:


1.Ku tiirsanaanta Ciidamada shisheeye ee u jooga wadanka inay ku mushahar qaataan kaliya.

2. Ku tiirsanaanta dhaqaale ee shisheeye taas oo inoo horseeday gunimo iyo inaynaan Taladeena u madax bananaanin.

3. Kalsooni darada Shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Dawlada Somaaliyeed oo aan gaari wali halkii loo baahnaa, waana mida ugu muhiimsan oo u baahan in wax laga qabto.

4. Siyaasada gudaha ee is jiidjiidka ku dhisan oo aan mar heshiis waara laga gaadhin IWM.



Xalka muxuu ku jiraa? 

Xalku waxa uu ku jiraa kaliya Qodobka saddexaad oo xal buuxa loo  helo ka dib inta kale oo dhan isaga ayey ku dabranyihiin aragtidayda Gaaban.



■ FIIRO GAAR AH:  Labada koox ee wadamada aan kor ku soo xusay la wareegay Xukukooda  Haba kala duwanaadaane Fakar ahaan iyo siyaasad ahaane Shacabkooda ayaa kaalin weyn kulahaa Oo soo dhaweeyey taageerana siiyey, laakiin Umalayn maayo dadka Soomaaliyeed Inay taas ka suurowdo maxaayeelay Moriiyaan Diimeedku Xukun iyo xaltooona uma socdaane Dabar Goynta Diinta iyo dadka ayey u Socdaane,  Dawlada Soomaaliyeed waxaan leeyahay Wali fursad ayey haysataaye Ha ka faa'iidaysato SHACABKA SOOMAALIYEED.


Saturday, January 4, 2025

TAARIIKHDA WAXAA KU SUGAN WAX KU QAADASHO.

 ابن الأثير رحمه الله يقول: في كتابه الكامل للتاريخ


 "فالله ينصر الإسلام والمسلمين نصرًا من عنده فما نرى في ملوك الإسلام مَن له رغبة في الجهـاد ولا في نصرة الدّين بل كلٌّ منهم مقبِلٌ على لهوه ولعبه وظلم رعيته وهذا أخوف عندي من العدوّ".


(تاريخه = الكامل ٤٩١/١٠).


Ibnul Athir oo ka mid ahTaarikhyahanada Ugu Caasan ee Taariikhhada Islaamka wax ka qoray ayaa wuxuu ku qoray kitaabkiisa AL KAAMIL ," Allah SWT umadiisa Islaamka iyo Muslimiintaba wuu u gargaari gargaar xagiisa ka ahaaday, laakiin wuxuu leeyahay maanaan arag Madaxda islaamka iyagoo danaynaya Jihaadka iyo Diinta u hiillinteeda, iskadaa inay Sameeyaan taase, waxay badankoodu Ku dhaqaaqaan oo ay ka doorbidaan raacida Hawadooda iyo Dulminta Kuwa ay Masuulka ka yihiin ee Xukunkooda hoos jooga, wuxuuna ku soo gabagabeeyey TAAS AYAANA AGTAYDA IIGA CABSI BADAN CADAWGA ISLAAMKA.


AL KAAMIL MUJALADKA 10AAD BOGGA 491.


Talow ma wuxuu ogaa xaqiiida maanta Islaamka haysata arinta oo uu sheegay Taakhriyanku kaas oo dhinta 630 Hijriyadu markay ahayd,, hadii qaringiisii Madaxdii islaamka ee xiligaas noolaa uu sidaa ku tuhmayey, maanta muxuu ka qorilahaa kuwa Islaamka madaxda u ah ee Diracyada xidha, diidmo iyo Yeelid midna aan lahayn.

Sunday, June 23, 2024

GORFAYN BUUG.

GORFAYN BUUG.
   ---------------------------------------------
                     Buugga

MALDAHAADII MAASOONIDDDA 

Waa buugii 3aad ee arimaha Maasooniyada ka hadlaya oo aan akhriyo runtii waxyaabo badan oo aan markii hore sheekooyin ahaan ku maqli jiray,  run ahaashahoodana aan saluugi jiray ayaan ogaaday inay xaqiiqoyihiin bal hal iyo labo aan ka sheego.

1. CALANKA ISRA'IL: waxay dhammaan buugta aan akhriyey iyo waliba sheekooyinkii aan horay u maqli jiray ay isku raacsanyihiin in alifaada calanka oo ka kooban labo xariiq oo buluug ah, xidigta lixda gees leh ee Astaanta  u ah Maasooniyadda iyo midba cad ee marada. Waxaana looga jeedaa macna ahaan ayey leeyihiin Qoraayaasha buugaagtaasi sida soo socota:

Labada xariiq ee buluuga ah oo loola jeedo labada wabi ee   دجله و  زفرات (Dajla iyo Furaat) iyo xidigta oo u taagan sixir iyo arimo shaydaan oo kale .

Waxayna mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba ku fakaraysaa Isra'il inay qabsato labadaas wabi iyo wixii ku xeeraysan. 

2. Waxaa kale oo aan ogaaday tirada 666 oo aan marar badan oo aan arkay ku wareeray, sida caadiga ah waa iska Tiro caadi ah lakiin iyaga waxay ugu fadhidaa waxybaabo cajiib ah waxayna u yaqanaan magacyo gooni ah sida: "THE NUMBER OF THE BEST  IYO رقم ولو حش " oo macnaheedu yahay Tiradii Dugaaga .
 
Macna ahaa waxay leeyihiin waxay ka wadaan waxyaabo sixir ah sida meerayaasha sida SATURN oo ah meeraha 6aadmagac ee meerayaasha marka laga tiriyo dhinacaaga qoraxda, maalmaha magacyadooda SATURDAY oo ah maalinta 6aad marka laga eego tirsiga gaalada. ROOMAN oo ah sanam ay caabdudaan yahuudu iyo waliba Cibaado gaar ah oo ay la xiriirinayaan Masiixu Dajaal مسيح دجال  waxaa kale oo sii dheer waxyaabo afgarasho,  iyagana u gaar ah.

Ugu damabayn waxaan u mahadcelinayaa Qoraaga Buugga  saaxiibkay CABDIKHADAR CABDULAAHI KHADAR  oo kismaayo mar aan isku aragnay ii hadiyeeye Buugga. 

Dadka xiiseeya akhriska waxyabaha la xiriira Maasooniddda waxaan dhihi lahaa si waafi ah halooga digtoonaado shartooda iyo shaydaan caabudkaado. 

W/Q Xaashi Nuur Cabdiqaadir ( Khaliifka)

Friday, February 17, 2023

باب أمر من ذكر عنده النبي صلى الله عليه وسلم بالصلاة عليه والتسليم صلى الله عليه وسلم

باب أمر من ذكر عنده النبي صلى الله عليه وسلم بالصلاة عليه والتسليم صلى الله عليه وسلم.

روينا في كتاب الترمذي عن أبى هريرة - رضي الله عنه - قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: [رغم ألفُ رَجُل ذكرت عنده فلم يصل على] ، " قال الترمذي : حديث حسن.
 وروينا في كتاب ابن السنى بإسناد جيد عن أنس - رضي الله عنه - : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : «مَنْ ذكرْتُ عِندَهُ فيصل على ، فإله من صلى على مرة ، صلى الله عز وجل عليه عشراً (١).

 وروينا في كتاب الترمذي عن على - رضي الله عنه - قال : قال رسول الله صلى الله عليه وسلم [ البخيل من ذكرتُ عِندَهُ فَلَمْ يُصل علي]. (٢)
  قال الترمذي : حديث حسن صحيح .

 ورويناه في كتاب النسائي (٣) من رواية الحسين بن علي - رضي الله عنهما - عن التي صلى الله عليه وسلم . قال الإمام أبو عيسى الترمذي (٤) عند هذا الحديث : يروى عن بعض أهل العلم قال : إذا صلى الرجل على النبي صلى الله عليه وسلم مرة في المجلس أجزاً عنه ما كان في ذلك المجلس.
---------------------------------------------------------
 (١) ابن السنى : باب ما يقول إذا ذكر عنده النبي صلى الله عليه وسلم ، ص ١١٥) رقم ۳۸۲) ، والنسائي في عمل اليوم والليلة ، باب ثواب الصلاة على النبي صلى الله عليه وسلم (ص ۳۸ رقم (٦١) ، وانظر بقية أحاديث الباب .
(٢). سنن الترمذي: كتاب الدعوة ، باب قول الرسول صلى الله عليه وسلم رغم أنف رجل...
(٣). النسائي في عمل اليوم و الليلة، باب من البخيل؟ 
(٤). سنن الترمذي.

كتاب الأذكار لنووي رحمه الله
ص ١٦٧

Sunday, September 4, 2022

HESHIISKII ABEESADA IYO JIIRKA! SHEEKO!

HESHIISKII ABEESADA IYO JIIRKA! SHEEKO!

hada ka hor baa waxaa dab weyni ka kacay kayn weyn, ka dib xawayaankii ku nolaa kaynta ayaa naftoodii kala baxsaday, intii kala cararku socday ayaa waxaa dhankii loo cararayey waxaa isku arkay abeeso iyo Jiir ( Dooli) labadoodii oo midba dhiniciisa u haraadsan ayaa abeesadii baa aragtay jiirkii ka dib isagiina waa arkay ka dib aad buu u naxay jiirkii! abeesadii ayaa u gacan haatisay oo ku dhahday waxba ha iga cararin dhibaato ayaa ina wada  haysata adiga iyo nagabee amaan baad iga helaysaa, ee isoo dhawoow, jiirkii waa istaagay ka dib waxa uu ugu jawaabay MA FAHMIN waxaad dhahday! 
intay ku soo dhawaatay ayey waxay ku dhahday waxaan ku dhahay waad iga badbaadaysaa inta dhibtani ina haysato waliba waxaan rabaa inaan kaa dhigto saaxiib, kaliya waxaad asxaan igu samaysaa aad baan u oomanahaye biyo ii raadi, jiirkii haye waayahay isoo raac, ka dib  waa is raaceen ABEESADII iyo JIIRKII waxayna ugu dambayn gaareen guri jiirku kulahaa meel kaynta gubanaysa ka baxsan,  ka dib biyo ayuu u raadiyey muddo ka dib ayuu ku soo laabtay isagoo biyo u sida, biyihii markay cabtay ee ay oonbaxday ayaa waxay ku dhahday jiirkii hurdaa i haysa ee meel aan seexdo oo dagan ma leeyahay gurigaagu? Haa ayuu yidhi 
meel ay seexatana waa siiyey,  saacado ka dib ayey soo kacday waxayna ku dhahday waryaa i dhagayso! waxaan rabaa inaan aniga iyo adigu HESHIIIS KU WADA GALNO INAAN GURIGAN KU WADA NOOLAANO SI NABAD AH ! oo midkeena midka kale aanu ku xad gudbin!  jiirkii talo waa ku cadaatay oo wax uu sameeyo garan la'yahay isagoo heshiiska ka meer meeraya ayuu HAA iska yidhi! Ileen wadiiqo kale uma furnee.  
mudo ka dib markii heshiiskii dhacay abeesadiina gurigii isku hubsatay ayuu jiirkii waxa uu ku dhahay ABEESADII waxaan rabaa inaan wax aynu cuno banaanka inoogu raadiyo,  haye waayahay ayey dhahday laakiin ha soo daahin ayey ku dhahday!  ka dib jiirkii markuu afaafka (iridda) gurigiisa gaadhay ayuu intuu dib u soo fiiriyey ku yidhi NABAD GALIYO DIB KUGU SOO LAABANMAAYO ALLE HA KU BARAKEEYO GURIGAYGANA, NOLOSHAYDA AYAA KA MUHIIMSAN GURIGANE! waanuna isaga dhaqaaqay.

ABEESADII ayaa u dhawaaqday oo ku dhahday maxaad ka cabanaysaa weynuba isku cusubnahaye ma inagaaba gaadhnay wakhti aynu kala shakino, JIIRKII  Waxa uu ku jawaabay: “Kani waa heshiis dhex maray xoog badane iyo taag darane, ee ma aha heshiis! Wax awood ah oo aan ku diido ama aan ku yeelo ma lahayn, laakiin waxaan kugu aqbalay cabsi aan adiga kaa qabay! Noloshayduna wey kaa badbaaday hadda ee nabaday! 

XIKMADDA SHEEKADA KU JIRTA: 
Heshiisyada  qaar ee u dhaxeeya tabar yare iyo tabar weyne ma damaanad qaadayaan xuquuqda midka tabarta yar, ee  waa in aynu caqli badnaannaa sida jiirkaas oo kale, haddii aanu heshiisku ina ilaalinayn waa in aynu is ticmaalnaa hab kale oo Ina damanaad qaadi kara.

Ugu dambayn: Taariikhda inta la ogyahay ma dhicin heeshiis dhaxmaray tabar yare iyo tabar weyne oo guul laga gaadhay kolba midka xooga leh ayaa siduu doono ka yeelay Tusaalaha ugu fudud ee aynu ku fahmi karo FALASTIIN iyo YAHUUDA heshiisyada ay wada galeen  hadaan mid iyo laba ka xusno:
1.  Shirkii Nabadda ee Madrid 1991
2.  Ku dhawaaqida Heshiiska Mabaadi'da (Oslo 1993)
3. Axdiga Paris (Protocol) (1994)
4.Heshiiskii Gaza-Jericho 1994
5.Heshiiskii Taba (Oslo II) 1995
6. Hab-maamuuska Dib-u-dejinta (Hebron) 1997
intaas iyo ka badan oo heshiis oo dhacay wax ka fulay ma jiro mar kastana yuhuuda unbaa ka baxda.
inaga soomaaliya ahaan meeqa heshiis oo aan galnay inagoon awood u lahayn baan maanta u dulmanahay bay kulatahay?! midka ugu yar ee aan xasuusano waa 15 jirsaday waana soo galitaankii Ciidamada shisheeye AMISOM oo hadda loo badalay ATMIS mana filaayo inay bixi donaan 30 ka sano ee soo socota hadaan sidan wax laga badalin.

Xitaa Ururada Aduunka Ka Jira ee ay Ugu weyntahay: UN Cid gaar ah ayey u dhisanyihiin oo warkoodu Ka fulaa mana dhacdo arimhooda in la keeno Golayaashaas aan sheegnay maxaayeelay ninkii xoogweynbay xaajo u taas taa.

Hashi Nur Abdulkadir

Monday, July 11, 2022

DIGAAGADII QAADIGA QISO CAJIIB AH!

DIGAAGADII QAADIGA ( QISO CAJIIB AH) 
دجاجة القاضي!
FASAADKA GARSOOR XUMADA! 
--------------------------------------------------------------------------

Ninbaa maalin maalmaha ka mid ah waxa u soo galay Meel digaaga lagu iibiyo isagoo wata digaagada gawracan( Qalan)  oo uu rabay inuu meesha ku jarjarto, ninkii meesha lahaa ayuu u dhiibtay oo ku yidhi Digaagadan ii sii hay waxyar ka dib ayaan kugu soo laaban oo aan kaa qaadane. Wax yar markuu sii maqnaaba waxaa goobtii soo maray qaadigii magaalada , wuxuuna nin weydiiyey Digaagad mahaysaa? Nin meesha lahaa wuxuu ugu jawaabay maya Qaadi kaliya waxaan hayaa hal Digaagad oo waliba Gawracan oo nin  socota ahi mardhawey ii dhiibtay wax yar ka dibna uu qaadan rabo, Qaadigii ayaa nin ku yidhi iyada isii ninkii markuu ku imaadana waxaad ku dhahdaa wey duushay Digaagadaadii! haduu kula sii murmana aniga ii keen (yacnihii Qaadiga magaalada ayaan u tagaynaa si uu inoo  kala saaro ku dheh), adiguna haba isku dhibin arintaas aniga igudaa!  Waayahay ayuu ninkii yidhin, Qaadigii Digaagadii waa qaatay waanu ka tagay, ninkii lahaa Digaagada ayaa u imaaday ninkii, wuxuuna  ku yidhi Digaagadii isii? Wuxuuna ugu jawaabay Digaagadaadii wey duushay! Wuxuu ugu warceliyey  siday ku Duulikartaa Digaagada aan ku dhiibay iyadoo qalan ( la gawracay)! Miyaad waalantahay wax caqligu qaadan karo sheeg  Isla markiiba ninkii Goobta digaaga lahaa ayaa ku yidhi ina wadi waxaa ina kala saaridoona Qaadiga magaaladee! Haye waayahaye ina wadi ayuu yidhi !

Intii ay wadada ku sii jireen ayaa wadada waxay ku arkeen laba nin oo midna muslimyahay Midna Yahuudi yahay oo is Dagaalaya, wey ku leexdeen si ay u kala qabtaan, iyagoo kala qabanaya ayaa ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa  ninkii Yahuudiga ahaa Isha farta ka galiyey ka dibna ishiibaa ka soo dhacday! Dadkii goobta ka ag dhawaa ayaa isku soo ururay(xoomay)  waxayna qabteen ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa si ninkan uu Isha ka riday looga xaqo, ninkii hore , midkii dambe iyo dadkii meesha joogayba  waxay isu raaceen Qaadigii magaalada! Markay waxyar u sii jiraan goobtii maxkamadda ayaa ninkii labada kiis loo haystay isku dayey inuu baxsado! Wuuna baxsaday dadkii iyo ninkii Digaagadaada lahaa ayaa eryaday ( caydhsaday, bursaday) waxay eryadaanba Masaajid ayuu galay wey ka daba galeen minaaradii masaajidka ayuu fuulay wey ka daba fuuleen wuu ka soo dhacay! Wuxuuna ku duldhacay wadaada Da' ah oo minaaradda masaajika hoos fadhiyey! wadaadkii Da'da ahaa wuu dhintay wiil uu dhalay odaygii dhintay ayaa soobaxay wuxuuna magtii aabihii isana u qabsaday ninkii markii horebaDambiilaha ahaa! 

Hadda xaalku wuxuu marayaa sadex kiis oo loo haysto ninkaas waxaana la Isla soo aaday Qaadigii magaalada, Qaadigii marka la Isla soo gaadhay ayaa waxa uu arkay ninkii isaga ahaa ee ay arinta Isla ogaayeen wuuna qoslay! laakiin kama warqabo inuu ninkani sadex arimood oo kala dardaran ku eedaysanyahay! 
 1. Digaagadii
 2. Ishii uu ka diray ninkii yahuudiga ahaa iyo
 3. Dilkii ninkii Da'da ahaa 
Ka dib markuu ogaaday kiisaska ninka loo haysto ayuu madaxa qabsaday wuxuuna guda galay inuu fakaro, muddo ka dib ayuu guda galay inuu kiisaskii mid mid u dhagaysto, midkii ugu horeeyey ayuu weydiiyey Cabashadiisa wuxuuna u sheegay siduu wax u dhacay, 
DACWADII 1AAD: Qaadi cabashadaydu waxaytahay siday ku dhacaysaa inay Duusho Digaagad la gawracay! Qaadigii ayaa ninkii dacwada qabay ugu jawaabay:  ADIGU ALLAH SWT MA RUMAYSANTAHAY? Ninkii Haa Qaadi, QAADIGII MIYAADAN MAQLIN QAWLKA EEBE
 يحيي العظام وهي رميم
  ( EEBE waxa uu nooleeyee lafo iyagoo waliba caro noqday, boodh noqday ) istaag oo iska bax waxba kuma lihid ninkaane! 

DACWADII 2AAD: 
Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa isna sheegtay arintiisii in Ninki isha ka soo riday! QAADIGII: 
العين بالعين السن بالسن.
 Oo uu macnaheedutahay isha ilbaa mag u ah iligana iligbaa mag u ah,  laakin waxaan ku sheegayaa ninka Muslimka ah iyo midka aan muslimka ahayni  laakiin muslimiinta ku dhaxnool (ehlu dimiga ah) isku mag ma ahan sidaa darteed maadaama magtaadu isaga magtiisa badhkeed ay tahay ishiisu waxay u dhigantaa labadaada ilood marka waa in adiga hadda isha kalena lagaa ridaa ka dib isagana mid laga ridaa sidaa weeye Xukunkiinu hadii aad ku qanacsantahay Soo istaag! Askartiina Soo diyaar garooba Ayuu ku dhahay Qaadigii! NINKII intuu candhuuftiisii dib u liqay ayuu meeshii isaga cararay! 

DACWADII 3AAD:
 Waxaa isna loo yeedhay wiilkii uu dhalay odaygii Da'dada ahaa wuxuuna yidhi Mudane Qaadi Ninkani Aabahay oo Minaarada Masjidka hoos fadhiya ayuu ku soo dul dhacay sidaa ayuuna ku dhintay waxaan rabaa inaan Cadaalad helo qaadi! Qaadigii ayaa ugu jawaabay xukunkiinu ma cada si aan u cadeeyana waxaad tagaysaan isla meeshii aabahaa ku dhintay adiguna waxaad fadhiisanaysaa halkii aabahaa fadhiyey Ninkanina wuxuu fuulayaa Minaaradii uu ka soo dhacay! Ka dib wuu kugu soo duldhacayaa! Maxaayeelay in arintaas lagu dhiman karo iyo in kale ayaan ogaanaynaa!  ka dib ninkan Diyadii aabahaa Ayaa laga qaadaa! Wiilkii: qaadi hadaan dhintana? Taasi dhibaato ani ii taala ma ahan!  Adigay ku qusyasaa!   Wiilkii Ayaa intuu isku naxay  Qaadigii ugu jawaabay qaadi maya maya Waxba marabo kiiska Aabahay halkaas ku xidh waan iska baxayaa! 

Hadaba maxaytahay xikmadda ku jirta sheekadan?
Jawaabtu waxay tahay marka Cadaaladdu xumaato xuquuqduna wey dayacmaysaa halkaasna waxaa ka soo baxaya wax aan lamahadinayn! 

TURJUME: Hashi Nur Abdulkadir 

Xigasho: 

#توفيق_الحكيم 
 من مسرحية مجلس العدل

Sunday, June 5, 2022

المسلمون الذين لا يهتمون السياسة يحكمهم سياسيون الذين لا يهتمون بالإسلام؟

 المسلمون الذين لا يهتمون السياسة يحكمهم سياسيون الذين لا يهتمون بالإسلام؟


Muslimiinta aan Danayn Siyaasada waxaa xukumidoona siyaasiyiin Aan danayn Islaamka(Diinta)   waxa uu inooga digaayey kuwa maanta ina haysta Ee Diin laawayaasha iyo Daba dhilifyada u badan 


الزعيم التركي الإسلامي نجم الدين اربكان رحمة الله 


Waxaad maqlaysaa Sheekh hebel Muxuu Siyaasada oga hadlay muu muxaarada iyo masaajidka ku ekaado! Waxay rabaan in Juhalada Casrigan ee maadiga ku koobay Aqoontoodii inay na xukumaan.


Miyaanay ka warqabin In AMBIYADII ALLAH SWT ummadaha u soo diray ay siyaasiyiin ahaayeen dadka Arimahooda Diimeed iyo Dunawiba u Hagaajiyaan,  sida uu inoo sheegay Suubanuhu SCW

وعن أَبي هريرةَ  قَالَ: قالَ رَسُول اللَّه ﷺ: 

كَانَت بَنُو إسرَائِيلَ تَسُوسُهُمُ الأَنْبياءُ، كُلَّما هَلَكَ نَبِيٌّ خَلَفَهُ نَبيٌّ، وَإنَّهُ لا نَبِيَّ بَعدي، وسَيَكُونُ بَعدي خُلَفَاءُ فَيَكثُرُونَ...) متفق عليه


Macnaha Xadiiska:  Reer Banuu Israa'iil waxay ahaayeen kuwa Siyaasadooda Ay Ambiyadii loo soo diray Ay maamulaan markii mid La Oofasadana Midka kale Ayaa Loo soo diraayey  Anigase Dabaday Nabi ma ahaan doono, ee Khulafo ayaa ahaan doonta Weyna Farabadnaandoonaan.... ) 


SIYAASIGA MAANTA: Maanta in badan oo dadkeena Ka mid ah hadii ay maqlaan qofkaas ama Hebal waa siyaasi Isla markaaba waxaa  maankooda ku Soo degdeyaaga KHAYAANO, BEEN IYO TUUGNIMO, siyaasi waa Tuug kalmadda ah ayaana Agteena caan Ka noqotay . Laakiin xaalku sidaa ma ahee inagaa qofba kii uu Ka liitay wax aanu ehel u ahayn qoorta u galinay, hadii Qofba kuu Ka fiicanahay aynu Wax u dhiiban lahayn xaalkeenu sidan ma ahaadeen waaqaceeninu wuu is badali lahaa runtii. 


Ugu badanbayn Sawirka hoose: Haddi SUURIYA xiisadi ka curato maalin maalmaha ka mid ah waxaad ogaataan in arintaasi aysan Suuriya ahayne Turkiga loo socdo!   1993 Ayuu hadalkaas sheegay!


Dadka kuwa ugu ildheerbaa Ugu Ayaan daran Bey murti Soomaaliyeed ahayd. ( Hees) 


Hashi Nur Abdulkadir


WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...