Xaqa ka
dhaxeeya LAMAANAHA MUSLIM KA AH
Qaybta 1AAD
كتاب النكاح
فصل القسم والنشوز
Maqaalkan kooban waxaan si
faahfaahsan ogaga hadli doonnaa waxyaabo ku saabsan Axkaamta Sharciga ah ee ka
dhaxaysa lammaanayaasha muslimiinta ah kuwaas oo midba midka kale xaq ugu lee yahay,
kuwaas oo kala ah:
1. U Caddaalad samaynta Raga ee dhinaca dumarka.
(القسم
2. Addeecid
la’aanta dumarka ee raggooda (النشوزة)
Qodobka hore ee ah ALQASMA, caddaalad samaynta waxaa laga rabaa ragga,
halka qodobka dambe oo ah NUSHUUZA laga
rabo addeecada dumarka, laakiin mararka qaarna ninku NUSHUUZ waa noqon karaa.
Si aan u fahano labadaas qodob
ee aan kor ku soo xusnay ayaa waxaan si faahfaahsan uga hadlaynaa Axkaamta
Sharciga ah ee ku soo aroortay iyo Ciqaabta ama cuqubada ka dhalanaysa haddii
midba mid kale ka waayo wixii uu xaqa ugu lahaa:
CADDAALAD SAMAYNTA RAGGA DHINACA WAKHTIGA
Sida ay qabto Shareecada Islaamku waxaa ku waajib
ah ninka ragga ah marka uu guursado
bixinta nafaqada xaaskiisa iyo carruurtiisaba, waxaa kale oo laga rabaa haddii uu
xaasas badan guursadana in uu u caddaalad sameeyo xagga nafaqada, hoyga iyo
wakhtiga, intubana waa waabjib sharci ah oo ninka saaran, waxaana aad loo sii
adkeeyey u caddaalad samaynta dumarka la isla qabo, sida ku cad Suuradda NISAA,
ayaadda Sadexaad. Allah SWT waxa uu lee yahay ka guursada dumarka Labo, saddex ama afar laakiin
haddii aad ka baqdaan in aad u caddaalad samayn weydaan mid kaliya ku gaabsada
iyo addoomaha ay gacantiinu mulkiday.
Nafaqada iyo hayga inta badan
waxaa dhici karta in aad ilaaliso laakiin dhinaca wakhtiga ayaan bal
iftiimindonaa insha Allah. Ugu horrayn waa in aan isla garanaa wakhtiga la
qeybinayo sida uu noqonayo. Sida aan wada og nahay shaqooyinka wey kala
duwanyihiin, waxaana u kala qaadaynaa sidan hoos ku xisidoono, waxaa kale oo
aan tusaaloyin ka bixinaynaa ragga xaasaska badan qaba iyo kuwa halka xaas qaba,
labadaba:
Shaqooyinka waxaan u kala qaadaynaa sida soo socota:
1. Nin
shaqeeya maalintii sida caadiga ah, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waa habeenkii,
maalintuna wey raacaysaa, haddii uu fursad helo iyo haddii kaleba – midkan habeenkii
ayaa asal ah maalintuna waa farac.
2. Nin
habeenkii shaqeeya sida waardiyaha oo
kale, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxa uu noqonayaa maalintii, habeenkuuna waa
uu raacayaa -midkana maalinta ayaa asal u ah habeenku waa farac.
3. Nin
shaqeeya habeen iyo maalinba, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxa uu noqonayaa
wakhtiga uu firaaqo helo - midkana wakhtiga uu firaaqada helo ayaa asal ah
waktiyada shaqaduna waa farac.
TUSAALAHA 1aad
Ninka hal xaaslaha waxaa xaq loogu
leeyahay afartii habeenba habeen ka mid ah, waana darajada ugu hoosaysa, haddii
uu san jirin cudurdaar sida safar, xaanuun, ama shaqo IMW in uusan cidlayn
xaaskiisa ayada oo laga tusaale qaadanayo. Haddii uu afar dumar ah qabi lahaa
saddex habeen markuu ka mqanadaba habeenka afaraad wuu imaan lahaa haddii ka sii
badiyana waa sidii la rabay, ajarkiisa ayaa u sii badanaya sida uu tilaamaya
xadiiska saeexa ah ee Nabiga laga waariyey .
TUSAALAHA 2aad
Ninka xaasaska badan qaba sida:
2, 3 iyo 4, sida Shareecada Islaamkuba ay qabto, waa sida aan kor ku soo
sheegnay, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxay ku xiran tahay ninka shaqadiisa,
sidaa darteed, haddii Faarax shaqdiisu tahay maalin, xaasaska uu qabaana ay
yihiin laba oo kala ah : Ruqiya iyo Faadumo, waxa uu siinayaa midba habeenkeeda,
waxbana kama dhimi karayo haddii aysan imaan laba arimood midkood: 1. XAAJA(
danyar ) adeegga ama arrin kale uu
dhacday darteeda IWM. 2. DARUURA (wax lagama maarmaan ah) sida xaalada degdeg
ah oo ku imaaday xaaskiisii kale sida xanuun IWM. Haddii xaajo timaaddo, maalintii
waa uu u tagi karaa xaaskiisa kale wakhtiga faraca ah oo ah maalintii, laakiin
haddii ay DARUURO timaaddo labada wakhtiba waa u tagi karaan wakhtiga asalka ah
iyo midka faraca ahba.
Si aan labadan u kala fahanno, aan tusaalooyin
ka bixinno. Tusaale Faarax xalay waxa uu la joogay Ruqiya, shaqadii ayuu saaka
aaday laakiin fasax ayuu ka soo helay, suuqa ayuu soo maray, waxa uu ka soo
iibiyey adeeg uu ugu talagalay xaasaskiisa, waxaa uuna ku hormaray Faadumo,
adeeggii ayuu qeybteedii siiyey wuuna ka soo tagay, ku leexashadaas Faadumo waa
ay bannaantahay, haddii uusan samayn arrimahan midkood: waa in uu wakhtiga uu
la jogaa Faadumo uu san ahaanin mid dhee, waa in uusan samayn wax kulan ah (
Galmo ah). Haddii uu wkhiga uu la joogo Faadumo dheeraado, waa uu soo
magdhabayaa maalinta kale ee ay Faadumo
leedahay (soo qalayn), haddii uu Faadumo wax kula ah la sameeyana, Xaqii Ruqiya
ayaa dayacmaaya oo waa uu dambaabay waana XAARAAM KULAN KAASI.
LA SOCO QAYBTA XIGTA ....

No comments:
Post a Comment
waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda