Monday, July 11, 2022

DIGAAGADII QAADIGA QISO CAJIIB AH!

DIGAAGADII QAADIGA ( QISO CAJIIB AH) 
دجاجة القاضي!
FASAADKA GARSOOR XUMADA! 
--------------------------------------------------------------------------

Ninbaa maalin maalmaha ka mid ah waxa u soo galay Meel digaaga lagu iibiyo isagoo wata digaagada gawracan( Qalan)  oo uu rabay inuu meesha ku jarjarto, ninkii meesha lahaa ayuu u dhiibtay oo ku yidhi Digaagadan ii sii hay waxyar ka dib ayaan kugu soo laaban oo aan kaa qaadane. Wax yar markuu sii maqnaaba waxaa goobtii soo maray qaadigii magaalada , wuxuuna nin weydiiyey Digaagad mahaysaa? Nin meesha lahaa wuxuu ugu jawaabay maya Qaadi kaliya waxaan hayaa hal Digaagad oo waliba Gawracan oo nin  socota ahi mardhawey ii dhiibtay wax yar ka dibna uu qaadan rabo, Qaadigii ayaa nin ku yidhi iyada isii ninkii markuu ku imaadana waxaad ku dhahdaa wey duushay Digaagadaadii! haduu kula sii murmana aniga ii keen (yacnihii Qaadiga magaalada ayaan u tagaynaa si uu inoo  kala saaro ku dheh), adiguna haba isku dhibin arintaas aniga igudaa!  Waayahay ayuu ninkii yidhin, Qaadigii Digaagadii waa qaatay waanu ka tagay, ninkii lahaa Digaagada ayaa u imaaday ninkii, wuxuuna  ku yidhi Digaagadii isii? Wuxuuna ugu jawaabay Digaagadaadii wey duushay! Wuxuu ugu warceliyey  siday ku Duulikartaa Digaagada aan ku dhiibay iyadoo qalan ( la gawracay)! Miyaad waalantahay wax caqligu qaadan karo sheeg  Isla markiiba ninkii Goobta digaaga lahaa ayaa ku yidhi ina wadi waxaa ina kala saaridoona Qaadiga magaaladee! Haye waayahaye ina wadi ayuu yidhi !

Intii ay wadada ku sii jireen ayaa wadada waxay ku arkeen laba nin oo midna muslimyahay Midna Yahuudi yahay oo is Dagaalaya, wey ku leexdeen si ay u kala qabtaan, iyagoo kala qabanaya ayaa ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa  ninkii Yahuudiga ahaa Isha farta ka galiyey ka dibna ishiibaa ka soo dhacday! Dadkii goobta ka ag dhawaa ayaa isku soo ururay(xoomay)  waxayna qabteen ninkii Goobta digaaga lagu iibiyo lahaa si ninkan uu Isha ka riday looga xaqo, ninkii hore , midkii dambe iyo dadkii meesha joogayba  waxay isu raaceen Qaadigii magaalada! Markay waxyar u sii jiraan goobtii maxkamadda ayaa ninkii labada kiis loo haystay isku dayey inuu baxsado! Wuuna baxsaday dadkii iyo ninkii Digaagadaada lahaa ayaa eryaday ( caydhsaday, bursaday) waxay eryadaanba Masaajid ayuu galay wey ka daba galeen minaaradii masaajidka ayuu fuulay wey ka daba fuuleen wuu ka soo dhacay! Wuxuuna ku duldhacay wadaada Da' ah oo minaaradda masaajika hoos fadhiyey! wadaadkii Da'da ahaa wuu dhintay wiil uu dhalay odaygii dhintay ayaa soobaxay wuxuuna magtii aabihii isana u qabsaday ninkii markii horebaDambiilaha ahaa! 

Hadda xaalku wuxuu marayaa sadex kiis oo loo haysto ninkaas waxaana la Isla soo aaday Qaadigii magaalada, Qaadigii marka la Isla soo gaadhay ayaa waxa uu arkay ninkii isaga ahaa ee ay arinta Isla ogaayeen wuuna qoslay! laakiin kama warqabo inuu ninkani sadex arimood oo kala dardaran ku eedaysanyahay! 
 1. Digaagadii
 2. Ishii uu ka diray ninkii yahuudiga ahaa iyo
 3. Dilkii ninkii Da'da ahaa 
Ka dib markuu ogaaday kiisaska ninka loo haysto ayuu madaxa qabsaday wuxuuna guda galay inuu fakaro, muddo ka dib ayuu guda galay inuu kiisaskii mid mid u dhagaysto, midkii ugu horeeyey ayuu weydiiyey Cabashadiisa wuxuuna u sheegay siduu wax u dhacay, 
DACWADII 1AAD: Qaadi cabashadaydu waxaytahay siday ku dhacaysaa inay Duusho Digaagad la gawracay! Qaadigii ayaa ninkii dacwada qabay ugu jawaabay:  ADIGU ALLAH SWT MA RUMAYSANTAHAY? Ninkii Haa Qaadi, QAADIGII MIYAADAN MAQLIN QAWLKA EEBE
 يحيي العظام وهي رميم
  ( EEBE waxa uu nooleeyee lafo iyagoo waliba caro noqday, boodh noqday ) istaag oo iska bax waxba kuma lihid ninkaane! 

DACWADII 2AAD: 
Ninkii Yuhuudiga ahaa ayaa isna sheegtay arintiisii in Ninki isha ka soo riday! QAADIGII: 
العين بالعين السن بالسن.
 Oo uu macnaheedutahay isha ilbaa mag u ah iligana iligbaa mag u ah,  laakin waxaan ku sheegayaa ninka Muslimka ah iyo midka aan muslimka ahayni  laakiin muslimiinta ku dhaxnool (ehlu dimiga ah) isku mag ma ahan sidaa darteed maadaama magtaadu isaga magtiisa badhkeed ay tahay ishiisu waxay u dhigantaa labadaada ilood marka waa in adiga hadda isha kalena lagaa ridaa ka dib isagana mid laga ridaa sidaa weeye Xukunkiinu hadii aad ku qanacsantahay Soo istaag! Askartiina Soo diyaar garooba Ayuu ku dhahay Qaadigii! NINKII intuu candhuuftiisii dib u liqay ayuu meeshii isaga cararay! 

DACWADII 3AAD:
 Waxaa isna loo yeedhay wiilkii uu dhalay odaygii Da'dada ahaa wuxuuna yidhi Mudane Qaadi Ninkani Aabahay oo Minaarada Masjidka hoos fadhiya ayuu ku soo dul dhacay sidaa ayuuna ku dhintay waxaan rabaa inaan Cadaalad helo qaadi! Qaadigii ayaa ugu jawaabay xukunkiinu ma cada si aan u cadeeyana waxaad tagaysaan isla meeshii aabahaa ku dhintay adiguna waxaad fadhiisanaysaa halkii aabahaa fadhiyey Ninkanina wuxuu fuulayaa Minaaradii uu ka soo dhacay! Ka dib wuu kugu soo duldhacayaa! Maxaayeelay in arintaas lagu dhiman karo iyo in kale ayaan ogaanaynaa!  ka dib ninkan Diyadii aabahaa Ayaa laga qaadaa! Wiilkii: qaadi hadaan dhintana? Taasi dhibaato ani ii taala ma ahan!  Adigay ku qusyasaa!   Wiilkii Ayaa intuu isku naxay  Qaadigii ugu jawaabay qaadi maya maya Waxba marabo kiiska Aabahay halkaas ku xidh waan iska baxayaa! 

Hadaba maxaytahay xikmadda ku jirta sheekadan?
Jawaabtu waxay tahay marka Cadaaladdu xumaato xuquuqduna wey dayacmaysaa halkaasna waxaa ka soo baxaya wax aan lamahadinayn! 

TURJUME: Hashi Nur Abdulkadir 

Xigasho: 

#توفيق_الحكيم 
 من مسرحية مجلس العدل

No comments:

Post a Comment

waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...