Soomaalidu qabiil iyo Qaranka keebay qadariyaan
Taarikhda
nolosha bani’aadamka waqtiba waqtiga ka sii danbeeya waxay u gudbaysay marxalad
horumar sare ah ama waxa looyaqaano (higher development stage. )
talaabadii ugu horeasay ee bani’aadamku xaqiijiyey waxay ahayd markuu baratay
ugaadhsiga. Hadana waxa uu gaaray heer wax soosaar beereed. Kolki laga gudbay
marxaladii daganansho la’aanta oo loogudbay daganaansho ayey , dhasheen
tuulooyin, iyo magaalooyin, ilbaxnimaduna bilabatay.
Hadaba
qofka oo horay u ahaa xubin ka mid ah qoys, waxa uu noqday xubin ka mid ah koox
(qabiil) , hadana horumarku wuxuu keenay in qofku noqdo xubin ka mid ah
bulsho. Himiladii ugu horaysay ee qofka bani’aadamka ihi leeyahay waxay tahay in uu ka nabad galo
dhibaato sida: adoonsi, dil, dhcagumaysi, xarig, midabtakoor,
ihaano, yasid, iyo dhiigmiirad, oo uu helo, liibaan
iyo manfaco.
Nidaamka
ugu casrisan ee bulsho meel ku wada
nolaan kartaana waa dawladnimo taas oo
dhawrta qofkasta maslaxadiisa, midda khaas ah iyo midda caamka ahba taas
oo ka dhalato wax is dhaafsi (services ) , oo ah wax kala iibsigii iyo
waliba waxyabihii kale ee loo baahnaa sida Waxbarshadii, cafimaadkii, wada
nolanshihii , dadkii bulshada u adeegi lahaa iwm. Dawladu waa qaran leh shicbi,
dhul, madaxbanaani (Sovereignty ) , laguna yaqaan astaab , calan u gaar
ah waana halka kaliya ee la isu wafajinkaro danta guud ee bulshada iyo mida gaarka
ah ee qofka qabiilkuna waa ka soo horjedaa arintaas mana ogola qodobada aan kor
ku soo xusay dhamaantood marka laga reebo danta shaqsiga iyo qabiilka .
Qabiilku
waa dad sheegta in ay isku abtirsi yihiin qabyaaladduna dhinac ku hayso waana
habdhaqan salka ku haya dhaqaale haraa ah. Waana marxalad dunidu soo wada
martay . sida ay qabto diinteenu qabiilku waa wax jira laakiin qabyaalada ayaa
bi,isay. Dabdeedna ka gudubtay hormarka aqoonta iyo dhaqaalaha oo is badalay
dartiis. Soomaaliduse wali kama gudbin siyaabo jira awgeed sida aqoonta oo
inagu yar, dadka oo aan fahmsanayn nidaamka dawliga iwm. Hadii qabiilku ka
gacansareeyo qaranimada, hay’adaha dawladda ayaa awooddoodu wiiqanataa,
dabadeedna waxaa bata boobka, hantida qaranka, ku tumashada xuquuda qofka.
Midaasina waxay dhashaa fowdo iyo daganansho la’aan siyaasadeed, waana arinta
aan manta ku jirno runtii.
Tusaale
hadii aan ka bixiyo qofkasta oo soomaali ah ruuxdiisa waxaa ku loolamaya 3 sadex dareen oo kale ah : 1. kelinimo
(individualism) , 2. qabyaalad, (taribalisam), 3. waddanimo
(nationalisam), sadexdaa dareen kolba mid ayaa xoogaysata. Xiligii
gobanimadoonka waddanimada ayaa xoogroonaatay , xiligii musumashuqa qabyaaladda
ayaa xoogroonaatay, xiligii dalwdana wadaniyada ayaa xoogroonaatay. Hadaba waxaan qormadan ku afmeerayaa waano ku
socota bulshada soomaaliyeed taas oo odhanaysa waad ku dasheen qabyaalade ka
wardoona qaranimo. Sida heestii kooda
Deegaan ee odhanaysay “ qaxooti waad ka dharagteen, quudhsi waadka
dharagteen, tahriib waad ku dhimateen, dhib aduunka soomara kuli
waadhadhamiseen, dhimashada iyo dhawca malyan dhaaftay tiradii” iyo waliba suugaan badan ayaa tilmaamaysa
tibatadeda qabyaaladda. Hadaba waxaan
kuleeyahay qaado qaranka kanatag qabyaaladda

W/Q
xaashi Nuur Cabdulqaadir (waddani)
Email. Naajix15@gmail.com
No comments:
Post a Comment
waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda