Thursday, January 25, 2018

SOOMAALIDU QABIIL IYO QARANKA KEEBAY QADARIYAAN

Soomaalidu qabiil iyo  Qaranka keebay qadariyaan
Taarikhda nolosha bani’aadamka waqtiba waqtiga ka sii danbeeya waxay u gudbaysay marxalad horumar sare ah ama waxa looyaqaano (higher development stage. ) talaabadii ugu horeasay ee bani’aadamku xaqiijiyey waxay ahayd markuu baratay ugaadhsiga. Hadana waxa uu gaaray heer wax soosaar beereed. Kolki laga gudbay marxaladii daganansho la’aanta oo loogudbay daganaansho ayey , dhasheen tuulooyin, iyo magaalooyin, ilbaxnimaduna bilabatay.
Hadaba qofka oo horay u ahaa xubin ka mid ah qoys, waxa uu noqday xubin ka mid ah koox (qabiil) , hadana horumarku wuxuu keenay in qofku noqdo xubin ka mid ah bulsho. Himiladii ugu horaysay ee qofka bani’aadamka ihi  leeyahay waxay tahay in uu ka nabad galo dhibaato sida: adoonsi, dil, dhcagumaysi, xarig, midabtakoor, ihaano, yasid, iyo dhiigmiirad, oo uu helo, liibaan iyo manfaco.
Nidaamka ugu casrisan  ee bulsho meel ku wada nolaan kartaana waa dawladnimo taas oo  dhawrta qofkasta maslaxadiisa, midda khaas ah iyo midda caamka ahba taas oo ka dhalato wax is dhaafsi (services ) , oo ah wax kala iibsigii iyo waliba waxyabihii kale ee loo baahnaa sida Waxbarshadii, cafimaadkii, wada nolanshihii , dadkii bulshada u adeegi lahaa iwm. Dawladu waa qaran leh shicbi, dhul, madaxbanaani (Sovereignty ) , laguna yaqaan astaab , calan u gaar ah waana halka kaliya ee la isu wafajinkaro danta guud ee bulshada iyo mida gaarka ah ee qofka qabiilkuna waa ka soo horjedaa arintaas mana ogola qodobada aan kor ku soo xusay dhamaantood marka laga reebo danta shaqsiga iyo qabiilka .
Qabiilku waa dad sheegta in ay isku abtirsi yihiin qabyaaladduna dhinac ku hayso waana habdhaqan salka ku haya dhaqaale haraa ah. Waana marxalad dunidu soo wada martay . sida ay qabto diinteenu qabiilku waa wax jira laakiin qabyaalada ayaa bi,isay. Dabdeedna ka gudubtay hormarka aqoonta iyo dhaqaalaha oo is badalay dartiis. Soomaaliduse wali kama gudbin siyaabo jira awgeed sida aqoonta oo inagu yar, dadka oo aan fahmsanayn nidaamka dawliga iwm. Hadii qabiilku ka gacansareeyo qaranimada, hay’adaha dawladda ayaa awooddoodu wiiqanataa, dabadeedna waxaa bata boobka, hantida qaranka, ku tumashada xuquuda qofka. Midaasina waxay dhashaa fowdo iyo daganansho la’aan siyaasadeed, waana arinta aan manta ku jirno runtii.
Tusaale hadii aan ka bixiyo qofkasta oo soomaali ah ruuxdiisa waxaa ku loolamaya  3 sadex dareen oo kale ah : 1. kelinimo (individualism) , 2. qabyaalad, (taribalisam), 3. waddanimo (nationalisam), sadexdaa dareen kolba mid ayaa xoogaysata. Xiligii gobanimadoonka waddanimada ayaa xoogroonaatay , xiligii musumashuqa qabyaaladda ayaa xoogroonaatay, xiligii dalwdana wadaniyada ayaa xoogroonaatay.  Hadaba waxaan qormadan ku afmeerayaa waano ku socota bulshada soomaaliyeed taas oo odhanaysa waad ku dasheen qabyaalade ka wardoona qaranimo. Sida heestii kooda Deegaan ee odhanaysay  “ qaxooti waad ka dharagteen, quudhsi waadka dharagteen, tahriib waad ku dhimateen, dhib aduunka soomara kuli waadhadhamiseen, dhimashada iyo dhawca malyan dhaaftay tiradii  iyo waliba suugaan badan ayaa tilmaamaysa tibatadeda qabyaaladda. Hadaba  waxaan kuleeyahay qaado qaranka kanatag qabyaaladda



nnn1.jpg

W/Q xaashi Nuur Cabdulqaadir (waddani)
Email.  Naajix15@gmail.com


No comments:

Post a Comment

waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...