Dhismahan ugu horay waxa uu dhisanyahay ku dhawaad 1500 sano waxa uuna ahaa dhismo looga taliyo madahabta ORTODOKS ee boqortooyadii Biizanda ee barriga Caalamka Ka talin jirtay Mudo dheer.
Waxaana dhismahan masjid u badalay MAXAMED AL FAATİX ninkii furtay ISTANBUUL ( ISLAAM BUUL) sanadkii 1453dii Sida ay Cadymo ay Soo xigatay maxkamada Sare ee Türkigu waxay sheegtay in maxamed AHN uu hantidiisa gaarka ah ku iibiyey dhismaha Ka dibna masjid u badalay.
Qarniyaal Ka dhib waxaa matxaf U badalay Ninkii Cilmaaniga ahaa Ee MUSTAFE KAMAAL ATAATOOTKI sanadkii 1934tii halkaas oo loo soo dhaawasho tagi jiray ilaa sanadkaas ilaa maanta lagana helaayo Waxkasta oo dhaqan ah Laakiin u badan waxyaabo Diinta Islaamka Caksi Ku ah.
86 sano Ka dib waxaa suura galay dadaalo ay samaysay Hay'ada Diinta iyo Awqaafta iyo MADAXWEYNAHA Hadda talada haya waxay ku guulaysteen inay maxkamada Sare ee Türkiga Ka dhaadhiciyaan in dib loogu celiyo Masjidkii uu ahaa. Waxay soo bilaabtay doodan ah in lagu celiyo Masaajid 2004 tii ilaa wakhtigan .Waxaan la furidonaa sida Madaxweyne ERDOĞAN sheegay 24 bishan aan Ku jiro oo ku beegan maalin jimca ah.
Afti laga qaaday Xisbiyada Wadanka marka laga reebo Hal xisbi oo taageerayaashiisu 66% ay u codeeyeen in mataxfkii hore lagu daayo halka Labada xisbi kale oo uu Ka midyahay midka Taladahay ee Madaxweyne ERDOĞAN 90% ay u riyaaqeen in lagu soo celiyo masjidkuu ahaa.
Halka Dawladaha , RAASHIYA, MARAYKANKA, MIDAWGA YURUB, GIRIIGA, KINIISADAHA IYO UNESCO ay Cambaarayn kala dul dhaceen go'aanka Madaxweyne ERDOĞAN iyo Dawladiisa
Laakiin Allah SWT Awoodiisa iyo Qudradiisa ayaa Ka weyn Waxbana Ka badali mayaan in sha allah
بحول الله قوته
Waxaan sugnaaba Waa KHALIIFADII ISLAAMKA Insha Allah Tacaalaa.
Share dheh Walaal mahadsanid.
Hashi Nur Abdulkadir
No comments:
Post a Comment
waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda