Thursday, July 16, 2020

QAYBTA 2AAD


Qaybta 2aad
tusaalaha 3aad
xaalada GUUR CUSUB
Nin baa  horay waxa uu qabay hal xaas ama laba xaas, waxaana uu soo guursaday xaas saddexaad oo kale. Xaaskaas cusubi waxa ay xaq u leedahay toddoba maalin iyo maalmahoodii  waa haddii ay GABADHTAHAY( bikrah), haddii GAROOBTAHAY (thayiba / carmal) saddex maalin iyo habeennadoodii oo waliba isku xigxiga. Markii ay dhammaadaan toddobadaasi ama saddexdaasi ayuu wareeggii Sharciga ahaa bilaabayaa ee mid kasta ay xaqa u lahayd. Culumada qaarkood waxa ay leeyihiin: ninka caruuska ah xitaa salaadaha jamaacada ah inuu masaajidka aado waa laga dhaafay, siiba kuwa xilliga habeenkii ah sida: SALAADDA MAQRIB, CISHA, IYO SALAADDA SUBAX. Waxaa kale oo Culumada Shaficayada laga soo wariyaa waxyaabo kale oo dheeri ah, waxaa ayna leeyihiin: dhammaan SalaadahaJamacada iyo waliba Salaada Jimcaha waa laga dhaafay.
Tusaale yar oo kale  ka warran, haddii nin soo guursaday xaas cusub, habeenkii koowaad waa ay isla baryeen, habeekii labaad ayuu masaajidka iska seexday ama meel kale ayuu iska aaday, habeenkii saddexaad ayuu imaaday, sax ma noqonayso xisaabtaasi. Sidaas darteed, waa in uu hadda bilaabaa laakiin habeenkii koowaad ee hore dumarka kale waa uu u soo qalaynayaa ( gudayaa), wareegga caadiga ah waa in uu ahaadaa mid xidhiidh ah, tusaale ahaa haddii uu xalay Xamdi  la joogay waa in uu Xaliimana caawa u tagaa, laakiin haddii uu habeen mid u tago, habeen kalana meel kale iska aado, haddana habeenka saddexaad middii kale u tago, lama oggola sidaas, caddaalad-darro ayaa ka imaanaysaa. Waxaa kale oo u bannaan in uu labada habeen midba keeda siiyo, waa haduu laba xaas qabo ka dib markii uu wareegga kale bilaabi lahaa meel iska aado, taas wax dhib ah ma lahan haddii uu afar xaas qabana, waa sidaas oo kale oo markii uu wareegga dhammeeyo ayuu meeshii uu rabo adi karaa, midda kale waxaan la oggolayn in wareegga dhaxda lagu kala gooyo.
XAALADA SAFARKA
Xaaladda safarku waa arrin iyaduna u baahan maarayn sharci ah oo u dhaxaysa dumarka la isla qabo. Nin halka xaaslaha ah ikhtiyaar ayuu leeyahay haddii uu rabo waa ay is raacayaan, haddii kalena waa uu ka tagi karaa mar waa siday xaladahooda ku xalisan karaan taas mushkilad badan ma lahan, laakiin ninka xaasaska badan qaba waxaa laga rabaa xal sharci ah, ee ma leh ikhiyaar isagu uu kula dooran karo dumarkiisa mida safarka u raacaysa.  Saddex arrimood ayaa u furan: 1. In uu u qori tuuro. 2. In ay iyagu mid ka mid ah ku raalli noqdaan oo ay dhahaan, hebla ayaan raalli ka nahay in ay ku raacdo. 3. In uu dhammaantood ka wada tago. Qodobka 1aad iyo 2aadba, haddii ay dhacdo qof dumarkiisa ka mid ah ayaa raacaysa saw ma ahan? Haa, haddaba, inta safarka uu ku maqanyahay waa lagu xisaabtamayaa, waxaana laga bilaabayaa wakhtiga uu gaaro meeshii uu safarka u ahaa,  inta uu sii socdo iyo inta uu soo socdo lama xisaabinayo,  tusaale :  ka warran isaga iyo xaaskiisii waa ay is raaceen laakiin isku meel maysan seexan jirin inta safarka ay ku maqnaayeen, tusale ahaan Xaj ayeyba aadeen  oo laba meelood ayey kala dageen, wakhtigaas lama xisaabinayo, waxaana shardi ah in ay isku meel ku hoyan jireen inta ay safarka ku maqnaayeen.  

ADDEECIDA DUMARKA EE SAYGOODA
Waxaan ka soo hadalnay caddaalad u samaynta ragga ee dhinaca wakhiga iyo nafaqada ee dumarkooda, waxaa dumarka iyagana intaas baddelkeeda xaq loogu leeyahay addeecid ay ninkeeda adeecdo, iyo ilalinta maalkiisa, sharaftiisa Amaanadiisa iwm iyada oo labada dhinacba laga rabo is addeecid iyo dhaganuglaan midba midka kale u sameeyo, haddana waxaa la sii adkaynayaa in ay gabadhu saygeeda addeecdo sida ku soo aroortay Addillada Sharciga ah, haddii ay addeeci weydo maxaa ka dhalanaya? Waxaa ka dhalanaya xaquuqdii ay ninka kulahayd in ay weydo/ oo ay qaadato magacan hoos ku xusan NUSHUUZA.  
NUSHUUZA MAXAA LA DHAHAA?
 Waxaa loo la jeedaa gabadha oo gudan weyda oo caasida ninkeeda, kana gaabisa xaqii uu ninkedu ku lahaa, iskana dhagatirto addeecidii ninkeeda, haddii ninku ka u maleeyo in aysan xaskiisu u dhaganuglayn ama waxyaaba kale oo xuquuqdiisa ah uu arko iyada oo ka gaabinayso, waxaa u bannaan in uu marka hore u sheegto uuna dhaho: XAQII AAN KUGU LAHAA ALLAH SWT KAGA CABSO OO ISII; wacdi iyo waanana ugu daro, taas waa markii uu maleeyo kaliya haddii uu xaqiiqsado oo uu arko waxyaabihii uu ka shakisanaa oo xaqiiqa ah, waxaa u bannaan in uu gogasha uga haajiro, haddii isbaddel uu ka waayo, waxaa kale oo u bannaan in uu ku uleeyo ul aan dhibaato u gaysanayn laakiin garaacida waxaa laga hormariyaa ilaa shan shardi:1. In uu xaqiijiyo NUSHUUZNIMADEEDA. 2. In uu ka dheeraado wax kasta oo halis u keeni kara sida wajiga ama meel kale oo halis ah in uu wax kaga dhufto. 3. In uu u maleenaya in ay kaga waatoobayso waxa uu ku arkay, haddii uu u maleeyo in aysan ku waantoobayn in uu iska dhaafo ayaa u khayr badan. 4. In aysan keenayn wax keeni kara dulmi (jariima). Ugu dabayn gabdhu haddii ay noqoto NUSHUUZA, waxaa ninka ka dhacaya xuquuqdii ay ku lahayd ninka dhamaanteeda, sida: nafaqadii IWM. Sadexdaas marxaladoodana waxaa tilaamaysa  Suuradda  NISAA, ayaad 34aad.
وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا (34)
Ugu dabayn, waxa aan ku soo gabagabaynayaa laba dardaaran oo aan u jeedinayo gabdhaha Muslimiinta ah, gaar ahaan, gabdhaha Soomaaliyeed iyo ragga muslimiinta garaan ahaan ragga Soomaaliyeed. Dumarka haddii aan ku hormaro, waxa aan leeyahay iska ilaaliya luggooyada Reer Galbeedka ee lagu sheegay XUQUUQDA DUMARKA taas oo aan waxba ka jirin. XUQUUQDA DUMARKA Diinteenna Islaamka ayaa lagu sheegay taas oo ilaalisay sharafta iyo karaamada gabadha muslimada ah. Ha u qaadan marka lagu leeyahay addeec ninkaaga in ay tahay addoonsi iyo wax la mid ah sida in badan oo dumarka maanta jooga ah laga dhaadhiciyey, ee waa cibaado Adduunkana aad ku liibanayso, Aakhirna JANNO ku galayso. Waxaa jira xadiis NABIGA SCW ka sugnaaday oo macnihiisu yahay sidan: Gabadha muslimadda ah ee SHANTA SALAADOOD TUKATA, BISHA RAMADAANA SOONTA, FARJIGEEDANA XAFIDDA, NINKEEDANA ADDEECDA, waxaa la leeyahay maalinta qiyaamaha JANNADA albaabka aad rabto ka gal. Haddaba, miyeysan cibaado ahayn wax aad Jannada ku kasbnayso. Sidaa caksigeeda, haddii aad diidmo iyo caasinimo la imaadaanna, waxaa kasbanaysaa dambi iyo cadhada allah SWT .
Dardaranka dhinaca raggana, waxa aan leeyahay, kaliya laga ma rabo dumarka kaliya addeecida ee idinkana waa la idinkarabaa. Gabdha muslimadda ah ee Allah swt xaqeeda ku saaray waxaa lagaa rabaa in aad ka soo baxdo una muujiso NAXARIIS, DULQAAD, IXTIRAAM IYO CADDAALAD. Xaaskaagu waa guushaada adduun iyo aakhiro, haddii aadan u caddaalad samayn dumarka aad kulmisay waxaad ku dhacaysaa dabmi iyo caasinnimo Allah SWT, dhiciisana cadho ayaad kala kulmaysaa. Haddii aad is og tahay in aadan u caddaalad samayn karin, waxaa kuu wanaagsan in aad mid kaliya ku ekaato, waana sida sunnada ah ee culumo badan oo Islaamka qudwa u ah ( lagu daydo)  ay qabaan.

Ugu dambayn, waxaan naftada iyo tiinaba kula dardaarmayaa midka  cabsidiisu ay waajibka inagu tahay oo  Allah SWT, waxaana ka baryeynaa dambi dhaaf iyo raxmadiisa oo inagu manaysto. Aamiin.
Wixii tixraac iyo caddayma ah, waxaad ka raadin kartaan KITAABKA FIQIGA AH EE FATXUL QARIIB AL MUJIIB ( فتح القريب المجيب)
W/Q: HASHI NUR CABDULKADIR
FG: Waad la wadaagi kartaa asxaabtaada, waadna ku soo daabici kartaa bartaada gaarka ah.
Mahadsanidiin,

No comments:

Post a Comment

waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...