KA JOOJI BULSHADA FAHAADKA ( AROOSYADA)
baryahan dambe waxaa soo badanaya waxyaabo ka baxsan Akhlaada suuban ee Islaamka iyo mid Soomaaliyeed, oo aan loo adkaysan karin.
waxaynu arkaynaa wax aroos (guur) lagu sheegayo oo runtii fasahaad ah hadii sidan wax ku sii socdo waxaa hubaal ah in Ciqaabta allah SWC nagu soo degdegi doonto, waxan arkaynaa lamaane is qaba ama hadda is aroosaya oo samaynaya ficiladii guriga loogu talagalay dadka hortooda ku samaynaya, Aawey Imaankii iyo xishoodkii Islaamku. maxaad ku kala duwantihiin adiga midkii gaalka ah ee aan rumaysnayn khaaliqii Abuurayba.
Arinta layaabka leh waxatahay waxaad arkaysaa dad sii dhiiri galinaya dhaqanka noo caas ah oo sii faafinaya Sawirada iyo Muuqaalada ANSHAXA IYO EDEBTA ISLAAMKA KA BAXSAN.
Guurku heerka uu islaamka ka joogo waan garanaynaa iyada oo laga duulayo in dhawrsanaanta bulshada dhaxdeeda ah ay wanaagsanaato macsiduna ay yaraato, bulshada waxaa lagu qiimeeyaa Akhlaaqdeeda haday muslimtahayna weyba ka sii xagjirtaa. allah swc ummdan waxa uu ku sheegay ınaytahay mıd wanaaga ıs farta munkarkana ıska reebta, sida ayaadan hoose tilaamayso. hadii taas lawaayana waxaa dhicidoonta Cuqubda alle SWC xagiiska ahaatay.
قال الله تعالي :{وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ المُنكَرِ وَأُوْلَئِكَ هُمُ المُفْلِحُونَ }[آل عمران : 104] .
khayrka oo aan la is farin iyo munkarka oo aan la iska reebin waxay sababaan halaag iyo hoog sida ayadan hoose ay tilmaamayso sigaara waxay ka hadlaysaa REER BANUU ISRAA`IL
قال تعالى :{ لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ ، كَانُوا لاَ يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ } [المائدة : 78-79]
ugu dambeayn waxaan ugu baaqayaa Bulshada Somaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Culumada, waxgaradkaba in arimaha noocan oo kale looga digo dadka samaynaya.
FG: ma rabin inaan idin lawadaago sawirkan, laakiin waxa uu ka mid yahay sawirada la isla dhaxmarayey Maalmihii u dambeeyey iyagoo dadka qaarna ku sheegayen AAFADA LGU SHEEGAY ROOMAATIG oo ay reer galbeedku u yaqaanaan is bulshada dhaxdeeda lagu sameeyo wax xooluhu xitaa aysan samaynin, laakiin Islaamku sidaas ma qabo.
No comments:
Post a Comment
waad ku mahadsantahay inaad akhriso qormadayda