Tuesday, April 5, 2022

HAMBALYADA SHACAA'IRTA MUSLIMIINTA.

HAMBALYADA SHACAA'IRTA MUSLIMIINTA. 

Inta babadan Munaasabadaha Muslimiinta Sida Ciidaha,soonka iyo Xajka IWM waxaa dhacda inay Hambalyo ku aadan Shacaa'irtaas İslaamka Ay madaxda wadamo Aan İslaam ahayni Laakin shuacuubkooda Muslimiin ay ka midyihiin ay guud ahaan Muslimiinta Caalamka u diraan, Sidaa darteed waxaan mudnayd iyadoo laga Tixraacayo jidaydanta Sharciga ee gaadhsiin Dacwada İslaamka aduunkoo dhan Kalmada Xaqa ah Sidii Uu Sameeyey Suubanuhu boqortooyooyinkii Xiligiisii jiray in ay madaxda wadamada Islaamku İyaguna u diraan Warqado ay ugu yeedhayaan Hanuunka inay İyaguna Warqado. 
Dadka qaarbaa waxaa lagayaabaa inay dhahaan Dawlado kaa xoogbadan oo kaa hubadan sideed madaxdooda Warqad noocaas ah loogu tirikaraa, laakiin arinku intaas waa Ka weynyahay.

Hadii la sameeyo maxaa dhici kara? Sidii horayba u dhacday Waxaa dhici kara uun laba Arimood: 

1. İnay Cadhoodaan oo ay warqada jeexjeexaan sidaa uu sameeyey KISRAA BOQORKII FAARIX isagana Allah SWT boqortooyadiisii jeexjeexay.
2. İn Allah SWT hanuuniyo oo ay İslaamaan sidii BOQORKII CABASHIDA NAJAASHI iyo MUQAWQIS BOQORKII MASAR oo isagu jawaab Wanaagsan iyo hadiyado u soo diray Nabiga SCW Kana mid ahayd MAARIYA AL QIBDHIYAH oo u dhashay IBRAAHIM. İnuu islaamay iyo in kalana Culumada waa isku khilaafeen. 

Allah SWT wuxuu Rasuulkiisa Ku dhahay waxaad ku dhahdaa Ehlu Kitaabka( Yuhuud iyo Nasaara) 

قال الله جل وعلى:
قُلْ يَا أَهْلَ الْكِتَابِ تَعَالَوْا إِلَىٰ كَلِمَةٍ سَوَاءٍ بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ أَلَّا نَعْبُدَ إِلَّا اللَّهَ وَلَا نُشْرِكَ بِهِ شَيْئًا وَلَا يَتَّخِذَ بَعْضُنَا بَعْضًا أَرْبَابًا مِّن دُونِ اللَّهِ ۚ فَإِن تَوَلَّوْا فَقُولُوا اشْهَدُوا بِأَنَّا مُسْلِمُونَ (64)آل عمران
صدق الله العظيم.
U kaalaya Ehlu Kitaabaw Kalmad aan u simanahay anaga iyo idinkuba oo inoo dhaxaysa Taas oo ah inaynaan Allah SWT cibaadadiisa aynaan cid kale la wadaajinin, oo aydaan badhkiin badhka kale rabbiyaal Ka yeelanin allah Ka sakow, hadii ay ku diidaan yeedhitaanka kalmadaa Xaqa ah, Idunku u sheega in Aad Musliintihii oo aydaan Allah SWT kaligii Caabudaan una cibaadaysataan. 

Ma kulatahay inuu jiro maanta hogaamiye xambaarsan Fariintaas???? Bal hoos ku sheeg.

Thursday, February 24, 2022

DAWALADI KAAMA DAMBAYN MADAXWEYNE!

DAWALADI KAAMA DAMBAYN MADAXWEYNE!

Ninbaa hadda Ka hor lagu yidhi war hebel MADAX FOOLXUMIDAA, markaasaa suu ku jawaabay  waxba igama galin foolxumidiisa ee INDHAHAAN KU WATAA! 

İn laga sheekeeyo sida Dawlad loo dhiso qofkasta oo Ciwaankaas soo diyaari la yidhaahdaa waa soo diyaari karaa waana Ka hadli karaa laakiin İn la Dhaqan galiyaa QOFKASTAAYI MA AWOODO. 

Qalooca Dawldnimada la raadinayo wuxu ka soo bilowday Carta burburkii Ka dib toosina mayso İnta Qaloocasi jiro, waana Riwaayad iyo madadaalo aan dhamaanayn Dawladnimada Soomaaliyeed ee la raadinayaa,

Lixdii maxadweyne ee burburkii  Ka dib soo maray wadanka  hal mid ah oo inuu Dawlad Somaaliyeed Dhiso daacad Ka ahaa Ma jiro marka dhamaantood fiiriso Dhaqankood qalbigoo Allah SWT baa oge,   danahooda iyo Dana shisheeyey Waxaan Ka ahayn maysan Qabanin. 

Meesha ugu yar ee aad Ka eegi karto lixdaa aan kor ku soo sheegay  mid kasta isaga iyo Ra'iisulwasaarihiisii ayaa Xukunka ku heshiin waayey Kuwa qaarkood 2 ilaa 3 Ayaa Soo martay mid kastaana wuxuu cuskadaa qodob Uu leeyahay Dastuurkaa i siiyey  ilaa iyo hadana waxba lagama qaban Qodobkaas Kuwa soo socdaana waa horyaalaa,  marka Saw ma ahan filim aan la rabin inuu dhamaad yeesho.

Sida xogaha qaarkood Ay sheegaana waxaaba jira wasiirkasta oo loo magacaabo Wasaarada lagu magacaabo DASTUURKA xitaa haduuba daacad noqdo oo waxbaan Ka qabanyidhaahdo waa la badalaa ama waaba la dilaa sida Dhawr wasiir ku dhacday xoosh jibriilba ha ugu dambeeyee, xukuumad kastana  mashruuca Lagu TUUGSADO Ayuu u noqday "DIB U EEGISTA DASTUURKU" waxbana lagama Qabto, ileen waa wax aan daacad laga ahayne. 

Ilowsho dhawaantu waa dhibka kaliya ee Ina haysta runtii hadaan Soomaalinahay!   Kolbi Kii u dambeeya  ayey leeyihiin WAA Tuug Shalay Xasan Sheekh Ayey lahayeen Waa Tuug marabna isbadalbaan rabnaa markuu Tagayna waxay kuleeyihiin DAWLADI KAAMA DAMBAYN, Maantana Farmaajo waa Tuug Barri markuu xilka Ka tagana waxay kuleeyihiin DAWLADI KAAMA DAMBAYN! Xasankii shalay DUUGA AHAA MAANTA WAA BOQOR.
 War intaan waxaas İska dayno Aafada qoloqlada inoo kala qaybisana aynu Ka tashano aynu Danaheena wax İska weydiino, Dantii moogi Mar Duug ah horteedbuu dhamaadaa bay Somaali horay ugu maahmaadaye.

Matalayaasha riwaayadahaas aan kor ku soo xusayna waa kuwa lagu sheego BEESHA CAALAMKA  oo hadda noqotayba meel lagu kala ashkatoodo xitaa laba haween ah daris ah haday is qoonsadaan waxaa u sahlan inay dhahaan BEESHA CAALAMKU ha na soo kala gaadho! .

Hashi Nur Abdulkadir 

Friday, February 11, 2022

15 ka hor maanta oo kale 30,12, 2006 Maalin ciid ah!

15 ka hor maanta oo kale 30,12, 2006 Maalin ciid ah! 

Maalmihii Qadaadhaa ee Mulminta Soo maray mid Ka mid ah, Marmarsiimadii Beenta ahayn Ee Maraykan İlaa hadda wey socotaa iyadoo Waliba ay jiraan Kuwa Caadaqaatayaal ah Oo Muslimta madax u ah.  NAXARIISLAAWAYAAL , FULAYAAL , DAMIIRLAAWAYAAL, DIINLAAWAYAAL, Dadkoodii, Dalkoodii iyo Diintoodiiba ku badashay DOOLLLAR Ka Maraykan ee Waliba Deynta ah. 

SADAAM XUSEEN qofkastaaba waxuu rabo ha Ku sheegee Waxa uu ku dhintat Isagoo rumaysan İnaanad Dhimanin laba jeer ee aad dhimato Hal mar oo sharafku jirto 

Allah SWT ha u Naxariisto isaga intii kale Gacanta Cadwga allah gacantooda KU dhimatay.
Hashi Nur Abdulkadir

30,12,2021

14 SANNO HALKAGALKII EE GUMESIGA AHAA! AMISOM TO ATMIS

14 sanno  OO aynu ku jirnay  Howhalka Guumeysiga  AMISOM  miyaa Caawana Guumeysi kale oo Magac Cusub leh u guurnay!

ATMIS (AU Transitional Mission to Somalia)

Afrika 1950-60 ayaa xorimo la siinbaa loo sheegay gumestihii intuu Albaabka Ka baxay ayuu daaqada Ka soo galay! Yacnihii xukunkii wuxuu u dhiibay KU midabkooda leh laakiin Maskaxdii gumeystaha ku shaqeeya. 

14 kalaa mise Ka badan mooji! Ma muuqato Somali İs Aamintaa oo Amnigooda lagu Aaminaa. Tusaale Waxaa kugu filan waxa Ka jira labada xafiis ee İska soo horjeeda ee ay kala ilaaliso AMISOM, iyagoo Si Guud Amnigooda Gacanta ugu haysa ayey haddana İyaga kala ilaalisaa Cajiib!!!!  İlaahay CEEBTIINA MA ASTURO war miyeyna Ceeb Ka baqayn.

Waligoodba magaca ha loo badalo  Soomaaliya rageedii wali uma dhalan.

Hashi Nur Abdulkadir
09,02,2022

Thursday, March 25, 2021

MA ISLAAMKA MISE REER GALBEEDKA??

MA ISLAAMKA MISE REER GALBEEDKA??

Wakhti wakhtiyada Ka mid ah YURUB Sheekoyinkooda aan hadafka lahayn, Farnsiyiintu Waxay damceen ina dumarka waxogaa xuquuqdooda kor loo qaado (sinaan) Ka dib Waxay go'aansadeen İn arintaas doodo iyo Cilmibaadhisyo laga sameeyo. İskadaa wax kale oo lagu heeshiiyee Waxay isku Khilaafeen Xitaa İnay tahay INSAAN( Banii'aadam)!!! Waxay Ka sheegeen in gabigeedaba loo Abuuray Duli iyo İhaano!!

Xaashaa!!!  Marka 
وفي طور من أطوار الحياة اوربا الضاربة على غير هدى، رأى الفرنسيون (الفرنحة)  أن يمنحوا المرأة شيئا من الإنصاف فقرروا جدال ونقش وخلاف، أن المرأة إنسان! الإأنها خلقت للذل والهوان!!

İslaamuku wuu sharfay oo wuu karaameeye Wuuna Asturay wuu Ka dhigay boqorad, Reergalbeedkuna wey qaawiyeen Waxayna Ka dhigeen wax kasta oo Liita in lagu xayeysiiyo iyadoo Qaawa. Allah SWT idin abuuraybaan idinku dhaariyeye yaa ilaaliyey xuquuqda ay indhaha inaga galinayaan ee beenta ah, ma kuwa ku dooday inayna Banii'aadamba ahayn mise ...

MA ISLAAMKA MISE REER GALBEEDKA??

Sunday, February 14, 2021

GUUMAYSTIHII SHALAY IYO MIDKA MAANTA

GUUMAYSTIHII SHALAY IYO MIDKA MAANTA! 

Dhamman Halganadaasi waxay ahaayeen Kuwo gumaysi la dirir ah oo walhtiyo kala duwan iyo Duruufo kala duwan soo maray, Dagaalkaasina uu inagala fdhaxeeyey Dad aynu Diin, Midab, Af, iyo dhaqan intaba  aynu ku kala duwanayn.

Laakiin maanta kuwa intaasba aynu wadaago oo inaga inaga mid ah ayey inoo dirsadeen oo ku jira Golayaasha Xukunka inoo haya laakiin aynaan Ka war qabin inay Danahii Gumaystayaasha inay Ka shaqaynayaan.

Hadii BAARLAMAANKII 1961dii ee la weydiiyey Xukunka İslaamka iyo Midka reer Galbeedka midkeen Isku Xukunaa Ee ay 120 Ka mid Ah ay diideen Xukunkii İslaamka, maanta maxaad Ka filaysaa 329 Ka labada gole Hadii la weydii lahaa Midkeen Qaadana labadaas Xukun oo Runtii In la is barbar dhigaaba Ay Diin Ka baxtahay. ( Nacuudu bilaahi Mina Shirki) !!

Kuwa maanta ina Xukumaa waa Ka Liitaan Gumaystayaashii Weyna Ka Naxariis daranyihii Xaqiiqdii, Markaynu U fiirsano Hab dhaqankooda Foosha xun.

Somaalidu waxay ku Maahmaahdaa Doqontu wey qufici Meel laga Soo raacayna ma taqaan! 

Hadda inaga meesha la inaga haysto weynu ognahay laakiin ma rabno inaan İska Daaweyno.

قال عمر رضي الله عنه :"نحن قوم أعزَّنا الله بالإسلام فمهما ابتغينا العزَّة في غيره أذلَّنا الله".

Meel aan İslaamka Ahayn ayaan Sharaf iyo karaamo Ka raadinay maxaase aynu Ka dhaxalnay Dulinimo iyo karaamo darro. !!

Thursday, January 28, 2021

KA JOOJI BULSHADA FAHAADKA ( AROOSYADA)

KA JOOJI BULSHADA FAHAADKA ( AROOSYADA) 

baryahan dambe waxaa soo badanaya waxyaabo ka baxsan Akhlaada suuban ee Islaamka iyo mid Soomaaliyeed, oo aan loo adkaysan karin. 

waxaynu arkaynaa wax aroos (guur) lagu sheegayo oo runtii fasahaad ah hadii sidan wax ku sii socdo waxaa hubaal ah in Ciqaabta allah SWC nagu soo degdegi doonto, waxan arkaynaa lamaane is qaba ama hadda is aroosaya oo samaynaya ficiladii   guriga loogu talagalay dadka hortooda ku samaynaya, Aawey Imaankii iyo xishoodkii Islaamku. maxaad ku kala duwantihiin adiga midkii gaalka ah ee aan rumaysnayn khaaliqii Abuurayba. 
Arinta layaabka leh waxatahay waxaad arkaysaa dad sii dhiiri galinaya dhaqanka noo caas ah oo sii faafinaya Sawirada iyo Muuqaalada ANSHAXA IYO EDEBTA ISLAAMKA KA BAXSAN.

Guurku heerka uu islaamka ka joogo waan garanaynaa iyada oo laga duulayo in dhawrsanaanta bulshada dhaxdeeda ah ay wanaagsanaato macsiduna ay yaraato, bulshada waxaa lagu qiimeeyaa Akhlaaqdeeda haday muslimtahayna weyba ka sii xagjirtaa. allah swc ummdan waxa uu ku sheegay ınaytahay mıd wanaaga  ıs farta munkarkana ıska reebta, sida ayaadan hoose tilaamayso. hadii taas lawaayana  waxaa dhicidoonta Cuqubda alle SWC xagiiska ahaatay.

قال الله تعالي :{وَلْتَكُن مِّنكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ المُنكَرِ وَأُوْلَئِكَ هُمُ المُفْلِحُونَ }[آل عمران : 104] .

khayrka oo aan la is farin iyo munkarka oo aan la iska reebin waxay sababaan halaag iyo hoog sida ayadan hoose ay tilmaamayso sigaara waxay ka hadlaysaa REER BANUU ISRAA`IL

قال تعالى :{ لُعِنَ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ بَنِي إِسْرَائِيلَ عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ ذَلِكَ بِمَا عَصَوْا وَكَانُوا يَعْتَدُونَ ، كَانُوا لاَ يَتَنَاهَوْنَ عَن مُّنكَرٍ فَعَلُوهُ لَبِئْسَ مَا كَانُوا يَفْعَلُونَ } [المائدة : 78-79]

ugu dambeayn waxaan ugu baaqayaa Bulshada Somaaliyeed oo ay ugu horeeyaan Culumada, waxgaradkaba in arimaha noocan oo kale looga digo dadka samaynaya.
FG: ma rabin inaan idin lawadaago sawirkan, laakiin waxa uu ka mid yahay sawirada la isla dhaxmarayey Maalmihii u dambeeyey iyagoo dadka qaarna ku sheegayen AAFADA LGU SHEEGAY ROOMAATIG oo ay reer galbeedku u yaqaanaan is bulshada dhaxdeeda lagu sameeyo wax xooluhu xitaa aysan samaynin, laakiin Islaamku sidaas ma qabo. 

 fadlan ka qeyb noqo inta khayrka faafisa oo share dheh qoraalkan Mahdsanidiin.

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...