HESHIISKII ABEESADA IYO JIIRKA! SHEEKO!
hada ka hor baa waxaa dab weyni ka kacay kayn weyn, ka dib xawayaankii ku nolaa kaynta ayaa naftoodii kala baxsaday, intii kala cararku socday ayaa waxaa dhankii loo cararayey waxaa isku arkay abeeso iyo Jiir ( Dooli) labadoodii oo midba dhiniciisa u haraadsan ayaa abeesadii baa aragtay jiirkii ka dib isagiina waa arkay ka dib aad buu u naxay jiirkii! abeesadii ayaa u gacan haatisay oo ku dhahday waxba ha iga cararin dhibaato ayaa ina wada haysata adiga iyo nagabee amaan baad iga helaysaa, ee isoo dhawoow, jiirkii waa istaagay ka dib waxa uu ugu jawaabay MA FAHMIN waxaad dhahday!
intay ku soo dhawaatay ayey waxay ku dhahday waxaan ku dhahay waad iga badbaadaysaa inta dhibtani ina haysato waliba waxaan rabaa inaan kaa dhigto saaxiib, kaliya waxaad asxaan igu samaysaa aad baan u oomanahaye biyo ii raadi, jiirkii haye waayahay isoo raac, ka dib waa is raaceen ABEESADII iyo JIIRKII waxayna ugu dambayn gaareen guri jiirku kulahaa meel kaynta gubanaysa ka baxsan, ka dib biyo ayuu u raadiyey muddo ka dib ayuu ku soo laabtay isagoo biyo u sida, biyihii markay cabtay ee ay oonbaxday ayaa waxay ku dhahday jiirkii hurdaa i haysa ee meel aan seexdo oo dagan ma leeyahay gurigaagu? Haa ayuu yidhi
meel ay seexatana waa siiyey, saacado ka dib ayey soo kacday waxayna ku dhahday waryaa i dhagayso! waxaan rabaa inaan aniga iyo adigu HESHIIIS KU WADA GALNO INAAN GURIGAN KU WADA NOOLAANO SI NABAD AH ! oo midkeena midka kale aanu ku xad gudbin! jiirkii talo waa ku cadaatay oo wax uu sameeyo garan la'yahay isagoo heshiiska ka meer meeraya ayuu HAA iska yidhi! Ileen wadiiqo kale uma furnee.
mudo ka dib markii heshiiskii dhacay abeesadiina gurigii isku hubsatay ayuu jiirkii waxa uu ku dhahay ABEESADII waxaan rabaa inaan wax aynu cuno banaanka inoogu raadiyo, haye waayahay ayey dhahday laakiin ha soo daahin ayey ku dhahday! ka dib jiirkii markuu afaafka (iridda) gurigiisa gaadhay ayuu intuu dib u soo fiiriyey ku yidhi NABAD GALIYO DIB KUGU SOO LAABANMAAYO ALLE HA KU BARAKEEYO GURIGAYGANA, NOLOSHAYDA AYAA KA MUHIIMSAN GURIGANE! waanuna isaga dhaqaaqay.
ABEESADII ayaa u dhawaaqday oo ku dhahday maxaad ka cabanaysaa weynuba isku cusubnahaye ma inagaaba gaadhnay wakhti aynu kala shakino, JIIRKII Waxa uu ku jawaabay: “Kani waa heshiis dhex maray xoog badane iyo taag darane, ee ma aha heshiis! Wax awood ah oo aan ku diido ama aan ku yeelo ma lahayn, laakiin waxaan kugu aqbalay cabsi aan adiga kaa qabay! Noloshayduna wey kaa badbaaday hadda ee nabaday!
XIKMADDA SHEEKADA KU JIRTA:
Heshiisyada qaar ee u dhaxeeya tabar yare iyo tabar weyne ma damaanad qaadayaan xuquuqda midka tabarta yar, ee waa in aynu caqli badnaannaa sida jiirkaas oo kale, haddii aanu heshiisku ina ilaalinayn waa in aynu is ticmaalnaa hab kale oo Ina damanaad qaadi kara.
Ugu dambayn: Taariikhda inta la ogyahay ma dhicin heeshiis dhaxmaray tabar yare iyo tabar weyne oo guul laga gaadhay kolba midka xooga leh ayaa siduu doono ka yeelay Tusaalaha ugu fudud ee aynu ku fahmi karo FALASTIIN iyo YAHUUDA heshiisyada ay wada galeen hadaan mid iyo laba ka xusno:
1. Shirkii Nabadda ee Madrid 1991
2. Ku dhawaaqida Heshiiska Mabaadi'da (Oslo 1993)
3. Axdiga Paris (Protocol) (1994)
4.Heshiiskii Gaza-Jericho 1994
5.Heshiiskii Taba (Oslo II) 1995
6. Hab-maamuuska Dib-u-dejinta (Hebron) 1997
intaas iyo ka badan oo heshiis oo dhacay wax ka fulay ma jiro mar kastana yuhuuda unbaa ka baxda.
inaga soomaaliya ahaan meeqa heshiis oo aan galnay inagoon awood u lahayn baan maanta u dulmanahay bay kulatahay?! midka ugu yar ee aan xasuusano waa 15 jirsaday waana soo galitaankii Ciidamada shisheeye AMISOM oo hadda loo badalay ATMIS mana filaayo inay bixi donaan 30 ka sano ee soo socota hadaan sidan wax laga badalin.
Xitaa Ururada Aduunka Ka Jira ee ay Ugu weyntahay: UN Cid gaar ah ayey u dhisanyihiin oo warkoodu Ka fulaa mana dhacdo arimhooda in la keeno Golayaashaas aan sheegnay maxaayeelay ninkii xoogweynbay xaajo u taas taa.
Hashi Nur Abdulkadir