Duulaanka Dakadaha
Soomaaliya
Dal walba oo
dunida ka mid ah waxa uu leeyahay
muhiimad gooni ah oo isaga khaas ku ah waxaa kale oo uu leeyahay wax uu kaga
sareeyo wadamada kale ha noqoto bad ama barri sidaa darted waxaan leenahay
dalka dunida ugu cajiibsan marka aan cajiibsan ku leeyahay iga ma ahan amaan ee
waa xaqiiqo bal ila fiiri maqaalkan aad
ciwankiisa kor ku soo aragtay waxana ka ogow muhiimada uu adduunka u leeyahay
dalkeenu.
Inaad wax ka
ogaato xog jirta ama dhacdo dhacday waxa aad u baahantahay inaad hesho qoraal
cadaynaya waxa aad u bahantahay iyada oo ay taasi jirto ayaan waxaan rabaa in aan
si kooban oga hadlo ah miyada xeebaheenu ay leeyihiin iyo loo lanka loogu jiro hadaba su aasha
meesha taala ayaa ah muxuu ku qotomaa loo lankan loo gu jiro xeebaha Soomaaliya marka laga soo
tago xeebaha Afrika waxaan dhihi karnaa
waa ahmiyada ay leeyihiin oo ah meesha istiraatijiga ah ee ay dhacaan Dakadaheenu.
Xeebata Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3333kms halka xeebaha Imaaradka lagu qiyaaso 500kms oo kaliya xeebaheenu waa marinka aduunka isugu
yimaado Suez, Bada, Cas, Gacanka Cadan, Badda Carabta /faarisiga.
Marka la is
barbar dhigo badeena iyo xeebaha imaaraadka Tusaale ahaan markabaka ka yimaada
Yurub Suez soo mara Suez ilaa Caluula waxa lagu qiyasaa 1600Nautical
miles iyo 6 maalmood halka Halka Suez
ilaa dakada Dubai uu yahay 3051 Nautical miles iyo 13
maalmood marka ma kulatahay fogaanshiiyaha intaa la eg in uu mari lahaa hadii la dhisi
lahaa dakadaheena sida: Caluula, xaafuun, ama Raas casayr dakad
weyn laga hirgalin lahaa waxaa hubaal ah in ay xirmi lahayd Dubai oo ah meesha
dunidu xoolaheeda ku aamintay
Markabka ka
yimaada China,Hindia,Singapore,
cape
Town, Yurub Ama
Suez baa waxay dhamaantood
isugu imaan la haayeen Raas casayr oo wax badan run ahaantii oga dhaw ogana
fudud Qalooca Dakada Dubai oga kharasha yar waxaynuna oganahay waxa lagu xisaab
tamaa aduunka maanta waa shidaalka markabka ama Doontu cunayso.
Soomaaliya waa
wadanka Afrika ugu xeebta dheer marka laga reebo Konfur Afrika sidaa darted
ayuu ahmida ugu fadhiyaa dunida oo dhan
waxaana hubaal ah hadii loo helo fikir dheer iyo aragti midaysan oo maskax Soomaaliyeed
ka soo baxday in dadka soomaaliyeed dhamaantood ay ku filaan lahaayeen labo
Dakadood oo kaliya oo sifiican loo dhisay khayraadkii kale ee dalkulahaa inta
aan la gaarin .
Waxaa si aan
dhuumasho lahayn dakadaheena looga maaro la’yahay dawladdo badan oo caalamka ah
waxaase ka xusi karaa 3sadex oo labo daris inala yihiin midna Carabta ka mid
tahay . waxayana kala yihiin: 1.
Emirates (UAE) 2. Ethopia 3. Kenya aan mid mid u dul istaagno .
§
Imaaraad ka carabta (UAE) waxaa waa yadan danbe dhagihiina ku soo laa laabata dakad hebla
waxaa lagu wareejiyey Imaaraadka sida BARBARA IYO BOOSAASO iyo waliba kuwo kale
oo lagu xanto waa maxay sabata ka danbaysa boobka aan meel loogu soo gabado
lahayn ee Imaaaraadka carabtu ku doonayo dakadaheena waxaa laga yaabaa in ay
maskaxdaada ku soo dhacdo faa’iido ayaa inoogu jirta oo si casri ah ayuu u
dhisayaa Dakadaheena hadaba arintu wey ka weyntahay taas aduunka manta waxaa ka
jira loolan adag oo loogu jiro dalaka dhulkoodu Cariinyahay (Bikro) ee aan waxba laga soo
saarin badiisa iyo waliba barigiisaba aan u soo dago ujeedka rasmiga ah ee
DPWorld qorshaha ugu muhiimsan ee ay ka leedahay Dakadaha Soomaaliya waa in la
curyaamiyo oo dunida laga idhotiri sida ku cad heshiiska BARBAR 30sano oo lagu
daray 10 sano oo dheeri ah marka waa mudo 40 sano ah saamiyada lakala sexeedana
sida ayey u qornayeen DPWorld 65 % mamulka SL 35% inkastoo mardabe ay soo baxday 19% la siiyey
Ethopia marka wax uu Imaaraad ku talo galay in mudadaas aan wax la taaban karo
laga qaban macaashka ugu badana uu isagu qaato.
§
Ethopia Sidaan oganahay wadanka aan darika nahay ee Ethopia ma
lahan wax dakada ah hadaba waxaan rabaa
inaan waxyar ka idiinka iftiimiyo Doorka
iyo halganka ay ugu jirto dakadaha Soomaaliya waxaan gadaal ka maqalnay marka
uu hesiiska BARBARA uu dhacay waxaa Ethopia la siiyey saami dhan 19% hadaba
garanay DPWorld iyo SL waxaa is weydiinta mudan halka ay ka soo gashay Ethopia
halkii canshuurta dakada lagu badin lahaa ileen sidaan oganahay waa marika ugu
badan ee ay wax ka la soo dagto waa Barabara e.
Hadaba
marka aad fiiriso sida wax u socdo waxaad soo xasuusanaysaa HINDISIHII MELES
ZENAWI ee ka koobnaa 5ta qodo oo mid ka mid ah uu ahaa in ay Ethopia yeelato
labo dakadood oo Soomaaliya gudaheeda ku yaala waxa uuna u qornaa sidan:
Ø Labo dekadood oo xabshidu sharciyan u leedahay oo ay
maamulato in laga siiyo Badda-cas iyo Badweynta hindiya
Arintaa Run ahaantii Meles oo dhintay ayey muuqanaysaa oo
lanagu haysataa dakadihii Soomaliya sida "Barbara & Boosaaso"oo
gacanta xabashida ku sii socda hadaan lagu baraarugin waana halka ay ka duulayso mustaqbalka dhaw
iyo midka dheerba Ethoia
§
KENYA : waa wadanka kaliya ee ay inagala dhaxayso muran dhinaca badda ah oo
waliba dacwad ku socoto waana wadanka marka loo fiiriyo labada dal ee aan kor ku soo xusay ka saamaynta yar marka
loo fiiriyo dhinaca Cadawtinimada ay inoo qabaan in kasta oo Kenya lafteedu ay gacanta si dadban ugu hayso Dakada Kismaayo
oo dhaqale badan ay ku qabto hadana samayn xogan kuma lahan marka la fiiriyo
arimahan
Waxaa la
rumaysanyahay in meesha lagu muransayahay uu ku jiro kayd shidaal waxayna dood
ugu badan ka taagantahay in uu heshii u dhexeeye labada dawladdood taas oo aan
wali la xaqiijin waxayna wasaarad arimaha dibada Kenya ay sheegatay in hadii
dacwada bada ay Soomaaliya ku guulaysato ay Kenya bad la’aan ku dhici doonto
Gabab gabadii waxaan maqaalkan kooban ee aan ugu magacdaray DULANKII
DAKADAHA SOOMAALIYA ku soo afmerayaa talooyin ku socda dhamaan Dadka
soomaaliyeed Gar ahaan in Caqliga iyo garashada u saxiibka ah waxaan leeyahay
fadhiga ka kaca oo ka tigtoonaada shirqoolada loo dagayo dalka aad aduunka ku
ledihiin
Waxaa kale oo aan u
sheegayaa dadka Soomaaliyeed in ay shirqooladan ay kaga guulaysan karaan oo
kaliya midnimo iyo wadajir madax hami
iyo hiigsi dheer oo dalka iyo dadkaba u diirnaxaysa waxaa hubaal ah in hadii la helo arimahaa aan
kor ku soo xusay in laga guulaysan doono
Cadaawaha umada Soomaaliyeed
W/Q xaashi Nuur Cabdiqaadir
Email: Naajix15@mail.com