Thursday, March 1, 2018

#Gurigii_mala_dhameeyey

#Gurigii_mala_dhameeyey
Nin bay xaaskiisu soon iyo salaaba aad ay ugu dadaali jirtay lakin asagu inuu kufo moyee waligii fooda dhulka ma dhigin islaantii ayaa ninkii wacdiday oo ku dhahday
Cabdiyow ilaahay ka cabso saalada iyo soonkaba la imaw waa waajibka alle adoomahiisa Ku leeyahaye.
Ka dibmarka aad intaas la timaado janada ayaa guri lagaaga dhisayaaye 
Ninkii islaanta wacdigeedii alle waa Ku anfacay oo waa bilaabay salaadii iyo soonkiba
Markii Ku dhawaad laba isbuuc lava soo wareegay buu islaantii weydiiyey oo waxa uu dhahay
Ceeblaay "Gurigaygii jannada dhismihiisi saacadan waa gabagabo sow mahan kollay malaa igabaa dhisaysa oo wax ka deg deg bad an ma jiraane".
Kaasay islaantii Ku dhahday ko magarabalay inlaaga dhisayo ayaad u qabtay
Mayeee in ma isoo Waco ayaan sugayey hadii kale wan iska nasan lahaaye maxaad ii daalisay.
Hadaba walaalayaal Inta aynaan dhiman aan ku dadaalno xiriirka alle inagala dhaeeya
Mahadsanidiin
#waaxid_waaxid_iigu_imaada
Nin Xaaji ah ayaa isaga acmashii xajka Ku gudojira ayuu xanuunsaday ka dib waxa uu Ku dax miyir beelay dhawaafka dhaxdiisa.
Ka dib ayaa dhkhtar la geeyey muddo markii uu jiifay ayuu soo baraarugay waxa uuna idhaha kala qaaday isaga oo leh axl axl Alxamdulilaah asaga oo Ku cel celinaayo mahadnaqaa alle ayaa waxaa Ku soo dhaqaaqay Kalkaalisooyin dhawr ah 
Asagu markaa waxa uu moodayaa inuu janadii joogo ileen waa nin meel barakaysan jaagaye .markay dhiniciisa u soo dhaqaaqeen ayuu u qaatay gabadhihii janada (Xawraciidii) janadda
Markaas ayuu Ku qayliyey waaxid waaxid waaxid iigu imaada.
Oo u LA jeedo mid mid iigu imaada
Mahadsanidiin
W/Q Xaashi nuur (waddani)
#Sheeeeeeko
Madaxweynaha Dalka suudaan ayaa markuu xilka qabtay waxa uu mam nuucay khamrada in laga ganacsado marka uu muddo xilka hayey ayuu la taliyashiisii weydiiyey majiraan meelo lagu iibiyo khamaradii aan mam nuucnay markasay waxay dhaheen meelo lagu qariyo ayaa wali jira .
Ka dib waxa uu sameeyey inuu qof shacaba oo caadiya intuu iska soo dhigay ayuu babuurta dadweynuhu racaan mid ka mid ah iska soo raacay Tax
Tax siilihii ayaa waxa uu Ku dhahay Cumar wall waxaad igaysaa meel khamarada lagu iibiyo
Tax siilihii ayaa dhahay waayahay itii ay dhaxda sii socdeen ayaa uu Su' aalo weydiiyey Cumar isaga oo waraysanaya Tax siilihii
Sheekadi iyaga oo dhaxda u marayso ayaa waxa uu dhahay Al Bashkir saaxiib inta aan meesha ka gaarayno hadii aad adigu wax khamro ah haysato fur ii shub ninkii gaariga watay ayaa in tuu Dhalo uu qarsanayey Fur oga soo shubay ayuu u dhiibay ka dib Cumar xasa al Bashiir ayaa ninkii inta uu la hadlay Ku yiri miyaad lgaranaysaa
Ninkii gaariga watay ayaa yiri Maya inaad Nin shacab ah tahay kaliya ayaan Ku malaynayaa.
Markaas ayuu Ku dhahay waxaan ahay Madaxweynihii dalka Cumar Xasan Al bashiir
Ninkii gaariga watay intuu Qolay oo murayada ka fiiriyey kulahaa oo hal Fur kaliya ayaanba kuu shubay kaa saad madaxwyne sheeganysaaye hadii hal dhaloaan Ku shubi lahaa maxaad sheegayn lahay
Ma Abuu Aadam.
W/Q Xaashi nuur waddani

Friday, January 26, 2018

Burburka dalka Beesha Caalamka ayaa u sabab ah







dhibaata soomaaliya meesha ay ka xasili la dahay waxaa kalinta 1aad ka ga jira beesha caalamka umana baahna wax cadaymo ah runtii 
waxaybaha ay ka fakarayaan haday soomaaliya xasisho la waayi doono waxaa ka mid ah xafiisyada waa wayn ee meelo badan oo aduunka ka mid ah ayaa la xiri donaa sida ku wa ku yaala keenya Nairobi iyo Addis-Ababa waxaan maqalnaa soomaaliya waxaa lagu leeyahay $50,000,000,000,000, oo dayn ah ayaa lagu leeyahay la cagta cadadkaa dhan ka soo gaarto dadka soomaaliyeed ee abaaruhu halakee yeen waxa dhan 15% waa hadii aan badiyo 85% waxaa lagu cunaa xafiisyada dhaqalaha soomaaliya lagu cuno ee ku kala yaalo meelaha aan kor ku soo xusay. 




Thursday, January 25, 2018

SOOMAALIDU QABIIL IYO QARANKA KEEBAY QADARIYAAN

Soomaalidu qabiil iyo  Qaranka keebay qadariyaan
Taarikhda nolosha bani’aadamka waqtiba waqtiga ka sii danbeeya waxay u gudbaysay marxalad horumar sare ah ama waxa looyaqaano (higher development stage. ) talaabadii ugu horeasay ee bani’aadamku xaqiijiyey waxay ahayd markuu baratay ugaadhsiga. Hadana waxa uu gaaray heer wax soosaar beereed. Kolki laga gudbay marxaladii daganansho la’aanta oo loogudbay daganaansho ayey , dhasheen tuulooyin, iyo magaalooyin, ilbaxnimaduna bilabatay.
Hadaba qofka oo horay u ahaa xubin ka mid ah qoys, waxa uu noqday xubin ka mid ah koox (qabiil) , hadana horumarku wuxuu keenay in qofku noqdo xubin ka mid ah bulsho. Himiladii ugu horaysay ee qofka bani’aadamka ihi  leeyahay waxay tahay in uu ka nabad galo dhibaato sida: adoonsi, dil, dhcagumaysi, xarig, midabtakoor, ihaano, yasid, iyo dhiigmiirad, oo uu helo, liibaan iyo manfaco.
Nidaamka ugu casrisan  ee bulsho meel ku wada nolaan kartaana waa dawladnimo taas oo  dhawrta qofkasta maslaxadiisa, midda khaas ah iyo midda caamka ahba taas oo ka dhalato wax is dhaafsi (services ) , oo ah wax kala iibsigii iyo waliba waxyabihii kale ee loo baahnaa sida Waxbarshadii, cafimaadkii, wada nolanshihii , dadkii bulshada u adeegi lahaa iwm. Dawladu waa qaran leh shicbi, dhul, madaxbanaani (Sovereignty ) , laguna yaqaan astaab , calan u gaar ah waana halka kaliya ee la isu wafajinkaro danta guud ee bulshada iyo mida gaarka ah ee qofka qabiilkuna waa ka soo horjedaa arintaas mana ogola qodobada aan kor ku soo xusay dhamaantood marka laga reebo danta shaqsiga iyo qabiilka .
Qabiilku waa dad sheegta in ay isku abtirsi yihiin qabyaaladduna dhinac ku hayso waana habdhaqan salka ku haya dhaqaale haraa ah. Waana marxalad dunidu soo wada martay . sida ay qabto diinteenu qabiilku waa wax jira laakiin qabyaalada ayaa bi,isay. Dabdeedna ka gudubtay hormarka aqoonta iyo dhaqaalaha oo is badalay dartiis. Soomaaliduse wali kama gudbin siyaabo jira awgeed sida aqoonta oo inagu yar, dadka oo aan fahmsanayn nidaamka dawliga iwm. Hadii qabiilku ka gacansareeyo qaranimada, hay’adaha dawladda ayaa awooddoodu wiiqanataa, dabadeedna waxaa bata boobka, hantida qaranka, ku tumashada xuquuda qofka. Midaasina waxay dhashaa fowdo iyo daganansho la’aan siyaasadeed, waana arinta aan manta ku jirno runtii.
Tusaale hadii aan ka bixiyo qofkasta oo soomaali ah ruuxdiisa waxaa ku loolamaya  3 sadex dareen oo kale ah : 1. kelinimo (individualism) , 2. qabyaalad, (taribalisam), 3. waddanimo (nationalisam), sadexdaa dareen kolba mid ayaa xoogaysata. Xiligii gobanimadoonka waddanimada ayaa xoogroonaatay , xiligii musumashuqa qabyaaladda ayaa xoogroonaatay, xiligii dalwdana wadaniyada ayaa xoogroonaatay.  Hadaba waxaan qormadan ku afmeerayaa waano ku socota bulshada soomaaliyeed taas oo odhanaysa waad ku dasheen qabyaalade ka wardoona qaranimo. Sida heestii kooda Deegaan ee odhanaysay  “ qaxooti waad ka dharagteen, quudhsi waadka dharagteen, tahriib waad ku dhimateen, dhib aduunka soomara kuli waadhadhamiseen, dhimashada iyo dhawca malyan dhaaftay tiradii  iyo waliba suugaan badan ayaa tilmaamaysa tibatadeda qabyaaladda. Hadaba  waxaan kuleeyahay qaado qaranka kanatag qabyaaladda



nnn1.jpg

W/Q xaashi Nuur Cabdulqaadir (waddani)
Email.  Naajix15@gmail.com


Duulaanka Dakadaha Soomaaliya

                                         Duulaanka Dakadaha Soomaaliya
Dal walba oo dunida ka mid  ah waxa uu leeyahay muhiimad gooni ah oo isaga khaas ku ah waxaa kale oo uu leeyahay wax uu kaga sareeyo wadamada kale ha noqoto bad ama barri sidaa darted waxaan leenahay dalka dunida ugu cajiibsan marka aan cajiibsan ku leeyahay iga ma ahan amaan ee waa xaqiiqo  bal ila fiiri maqaalkan aad ciwankiisa kor ku soo aragtay waxana ka ogow muhiimada uu adduunka u leeyahay dalkeenu.
Inaad wax ka ogaato xog jirta ama dhacdo dhacday waxa aad u baahantahay inaad hesho qoraal cadaynaya waxa aad u bahantahay iyada oo ay taasi jirto ayaan waxaan rabaa in aan si kooban oga hadlo ah miyada xeebaheenu ay leeyihiin  iyo loo lanka loogu jiro hadaba su aasha meesha taala ayaa ah muxuu ku qotomaa loo lankan  loo gu jiro xeebaha Soomaaliya marka laga soo tago xeebaha Afrika  waxaan dhihi karnaa waa ahmiyada ay leeyihiin oo ah  meesha  istiraatijiga ah ee ay dhacaan  Dakadaheenu.
Xeebata  Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 3333kms  halka xeebaha Imaaradka lagu qiyaaso  500kms  oo kaliya xeebaheenu waa marinka aduunka isugu yimaado Suez, Bada, Cas, Gacanka Cadan, Badda Carabta /faarisiga.
Marka la is barbar dhigo badeena iyo xeebaha imaaraadka Tusaale ahaan markabaka ka yimaada Yurub Suez soo mara Suez ilaa Caluula waxa lagu qiyasaa 1600Nautical miles iyo 6 maalmood halka  Halka Suez ilaa dakada Dubai uu yahay 3051 Nautical miles iyo 13 maalmood marka ma kulatahay fogaanshiiyaha  intaa la eg in uu mari lahaa hadii la dhisi lahaa dakadaheena  sida:  Caluula, xaafuun, ama Raas casayr   dakad weyn laga hirgalin lahaa waxaa hubaal ah in ay xirmi lahayd Dubai oo ah meesha dunidu xoolaheeda ku aamintay
Markabka ka yimaada China,Hindia,Singapore, cape Town, Yurub Ama Suez baa waxay dhamaantood isugu imaan la haayeen Raas casayr oo wax badan run ahaantii oga dhaw ogana fudud Qalooca Dakada Dubai oga kharasha yar waxaynuna oganahay waxa lagu xisaab tamaa aduunka maanta waa shidaalka markabka ama Doontu cunayso.
Soomaaliya waa wadanka Afrika ugu xeebta dheer marka laga reebo Konfur Afrika sidaa darted ayuu  ahmida ugu fadhiyaa dunida oo dhan waxaana hubaal ah hadii loo helo fikir dheer iyo aragti midaysan oo maskax Soomaaliyeed ka soo baxday in dadka soomaaliyeed dhamaantood ay ku filaan lahaayeen labo Dakadood oo kaliya oo sifiican loo dhisay khayraadkii kale ee dalkulahaa inta aan la gaarin .
Waxaa si aan dhuumasho lahayn dakadaheena looga maaro la’yahay dawladdo badan oo caalamka ah waxaase ka xusi karaa 3sadex oo labo daris inala yihiin midna Carabta ka mid tahay . waxayana kala yihiin:  1. Emirates (UAE) 2. Ethopia 3. Kenya aan mid mid u dul istaagno .
§      Imaaraad ka carabta (UAE) waxaa waa yadan danbe dhagihiina ku soo laa laabata dakad hebla waxaa lagu wareejiyey Imaaraadka sida BARBARA IYO BOOSAASO iyo waliba kuwo kale oo lagu xanto waa maxay sabata ka danbaysa boobka aan meel loogu soo gabado lahayn ee Imaaaraadka carabtu ku doonayo dakadaheena waxaa laga yaabaa in ay maskaxdaada ku soo dhacdo faa’iido ayaa inoogu jirta oo si casri ah ayuu u dhisayaa Dakadaheena  hadaba arintu  wey ka weyntahay taas aduunka manta waxaa ka jira loolan adag oo loogu jiro dalaka dhulkoodu  Cariinyahay (Bikro) ee aan waxba laga soo saarin badiisa iyo waliba barigiisaba  aan u soo dago ujeedka rasmiga ah ee DPWorld  qorshaha ugu muhiimsan ee  ay ka leedahay Dakadaha Soomaaliya waa in la curyaamiyo oo dunida laga idhotiri sida ku cad heshiiska BARBAR 30sano oo lagu daray 10 sano oo dheeri ah marka waa mudo 40 sano ah saamiyada lakala sexeedana sida ayey u qornayeen DPWorld 65 %  mamulka SL 35%  inkastoo mardabe ay soo baxday 19% la siiyey Ethopia marka wax uu Imaaraad ku talo galay in mudadaas aan wax la taaban karo laga qaban macaashka ugu badana uu isagu qaato.
§      Ethopia Sidaan oganahay wadanka aan darika nahay ee Ethopia ma lahan wax dakada ah hadaba  waxaan rabaa inaan waxyar  ka idiinka iftiimiyo Doorka iyo halganka ay ugu jirto dakadaha Soomaaliya waxaan gadaal ka maqalnay marka uu hesiiska BARBARA uu dhacay waxaa Ethopia la siiyey saami dhan 19% hadaba garanay DPWorld iyo SL waxaa is weydiinta mudan halka ay ka soo gashay Ethopia halkii canshuurta dakada lagu badin lahaa ileen sidaan oganahay waa marika ugu badan ee ay wax ka la soo dagto waa Barabara e.
Hadaba marka aad fiiriso sida wax u socdo waxaad soo xasuusanaysaa HINDISIHII MELES ZENAWI ee ka koobnaa 5ta qodo oo mid ka mid ah uu ahaa in ay Ethopia yeelato labo dakadood oo Soomaaliya gudaheeda ku yaala  waxa uuna u qornaa  sidan:
Ø  Labo dekadood oo xabshidu sharciyan u leedahay oo ay maamulato in laga siiyo Badda-cas iyo Badweynta hindiya
Arintaa Run ahaantii Meles oo dhintay ayey muuqanaysaa oo lanagu haysataa dakadihii Soomaliya sida "Barbara & Boosaaso"oo gacanta xabashida ku sii socda hadaan lagu baraarugin  waana halka ay ka duulayso mustaqbalka dhaw iyo midka dheerba  Ethoia
§      KENYA : waa wadanka kaliya ee ay inagala dhaxayso muran dhinaca badda ah oo waliba dacwad ku socoto waana wadanka marka loo fiiriyo labada dal ee  aan kor ku soo xusay ka saamaynta yar marka loo fiiriyo dhinaca Cadawtinimada ay inoo qabaan  in kasta oo Kenya lafteedu  ay gacanta si dadban ugu hayso Dakada Kismaayo oo dhaqale badan ay ku qabto hadana samayn xogan kuma lahan marka la fiiriyo arimahan  
Waxaa la rumaysanyahay in meesha lagu muransayahay uu ku jiro kayd shidaal waxayna dood ugu badan ka taagantahay in uu heshii u dhexeeye labada dawladdood taas oo aan wali la xaqiijin waxayna wasaarad arimaha dibada Kenya ay sheegatay in hadii dacwada bada ay Soomaaliya ku guulaysato ay Kenya bad la’aan ku dhici doonto
Gabab gabadii waxaan maqaalkan kooban ee aan ugu magacdaray DULANKII DAKADAHA SOOMAALIYA ku soo afmerayaa talooyin ku socda dhamaan Dadka soomaaliyeed Gar ahaan in Caqliga iyo garashada u saxiibka ah waxaan leeyahay fadhiga ka kaca oo ka tigtoonaada shirqoolada loo dagayo dalka aad aduunka ku ledihiin
Waxaa kale oo aan u sheegayaa dadka Soomaaliyeed in ay shirqooladan ay kaga guulaysan karaan oo kaliya midnimo iyo wadajir  madax hami iyo hiigsi dheer oo dalka iyo dadkaba u diirnaxaysa  waxaa hubaal ah in hadii la helo arimahaa aan kor ku soo xusay  in laga guulaysan doono Cadaawaha umada Soomaaliyeed

FB_IMG_1508957195901.jpgFB_IMG_1508957203996.jpgFB_IMG_1508957210090.jpg

W/Q  xaashi Nuur Cabdiqaadir
Email: Naajix15@mail.com



WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...