YEY DANI UGU JIRTAA HESHIISKA DAKADAHA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA
Sabtidii 16/06/2018 waxa boqasho aan laga sii warqabin ku Yimid Muqdisho Ra’isul wasaraha Itoobiya Abi Axmed. marka dhinac laga fiiriyo wax lalayaabo ma ahan maxaayeelay wey imaan jireen madaxdii isaga ka horaysay hadaba maqaalkan kooban waxaan ku fiirin donaa heshiiska afarta DAKADOOD ee siyaabaha kala duwan loo fasiray waxaana ka fiirin donaa labo dhinac oo kala ah SIYAASADA Iyo DHAQAALAHA waxaa kale oo aan ka eegi donaa faa’iidada ugu jirta labada dhinac heshiiyada la kala saxiixday.
DHINACA SIYAASADDA: Ugu horayn marka la fiiriyo wixii ka dabeeyey is casiladii xayle maryama oo ahaa Ra’isul wasarihii kan ka horeeyey waxaa dhacay waxyaabo yisaasada Itoobiya aan lagu aqoon oo la is dhihi karo waxaa la yimid nin kan cusub. Waxaan ognahay in uu booqashooyin ku kala bixiyey wadamada Geeska Africa Sida KIINYA, JABUUTI, SUUSAAN iyo waliba MASAR oo aynu ognahay inay xasarad ka dhalatay biyaha wabiga Niil ay kala dhaxayso Itoobiya. waxaa kale oo isbadal weyn ka muuqtaa Siyaada gudaha Itoobiya oo ay dhibato badani ka jirtay sida mucaaradka oo gacan adag lagula dhaqmi jiray, waxaa xabsiyada laga soo daayey dad badan oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa xabsiyada Dalka oo ay Soomaali ku jiratay xaaladii Deg Dega ahayd ee dalka saarnayd oo laga qaaday, isbadalkii lagu sameeyey taliska ciidamada,colaadii kala dhaxaysay Eratareeya oo heshiis laga gaaray oo walba loo ga tanaasulay Dhul aad u baaxad weyn, iyo waxyaabo kala duwaan oo aana halka ka wada gaarin.
DHINACA DHAQAALAHA : dhaqaalaha itoobiya waxaa lagu tiriyaa baryahan danbe mid sare u kac wada iyada oo ay intaas u dheeratahay qalalaase jiray sanadihii u danbeeyey hadana waa mid xawli ku socda Daraasadihii u danbeeyey ee dunida dhinaca Dhaqaalha waxay ku jirtay wadamada safka hore ka galay marka la fiiriyo juqurafi ahaa dadka ku nool dalka waxaa lagu qiyaasaa 100milyan waxaana waxa soo saarka ama waxa loo yaqaan Gaross Domestic product (GDP) ga itoobiya lagu qiyasaa 72.37 billion . Soomaaliyana dadka ku nool waa 12.5 milyan waxaana lagu qiyasaa GDP dalkeena 6.217 billion waxaana halkaas ayeyna ka muuqataa farqiga inoo dhaxeeya hadaba maxay tahay heshiiska dhanka dadkaha ee dhaxmaraya labada dal.
Waxaan ognahay inaysan lahayn Itoobiya wax dakad ah Soomaaliya ku dhawaad 8 dakadood ay leedahay ku waas oo intooda badan la adeegsado lakiin aysan ahay sidii loogu talo galay hadaba inaga oo intaas oo dakadood leh hadana dadka soomaaliyeed wey baahan yihiin oo meel walba oo dunida iyo dalka gudihiisaba waxaa ku haysta dhibaato dhanka cuno iyo bara la’aan taas oo ay u sii dheertahay Colaada ragaadiyey taasna waxaa u sabab ah gaajada dalka ka jirta, Daraasad lagu sameeyey Dakadaha Soomaaliya wakhti aan dhaweyn aya waxay leedahay hadii laba dakadood kaliya laga dhisi lahaa oo dhisan farsamada casriga ah ee haatan dunidu isticmaasho qof Soomaali ah oo baahi haysaa lama arkeen iyada oo aan sidaa nahay bal aan u soo daadagno qorashaha dakadaha iyo in heshiisyo maalgashi lala gala Hay’ado ama Dawlado shisheeye. Iyada oo aan ka warqabno marika Istiraatiijiga ah ee dalkeenu ku yaalo inay maalin walba ay maraan markiibta dunada dacaladeeda u kala gooshta ku waas oo u baahan meelo ay ku nastaan shidaal iyo waxy u baahdana ka qaataan lakiin nasiib daro lama hayo arintaas.
HESHIISKA MAAGASHIGA DAKADAHA EE ITOOBIYA
Waxaan ka fiirin donaa faa’iidada ugu jirta labad dal mustaqbalka dhaw iyo midka dheer waxaan tusale u soo qadanaynaa waddamo sidan oo kale u kala qortay heshiiyo ganacsi oo dhinaca dadkahada ah tusaalaha 1aad waxaan oganahay itoobiya ganacsiga ugu badan ee ay dakad kala soo dagtaa waa dakada Jabuuti waana heshiis gancsi oo dhaxmaray labada dawladood waana dal marka soomaaliya loo barbar dhigo baaxad ahan iyo dad ahaan intaba inga yar, soomaaliya. lamana dhaho dakada Jabuuti waxaa qaadatay itoobiya, halkaasna waxaa ka cad inaysan itoobiya wax dakad ah oo Soomaaliya gudaheeda ku taala aysan qaadan Karin waaba dawlad afrikaan ahe 3 sadex dawladood oo cadaan ah ayaa waxba ka qaadan waayey taas horta iska ilaw cabsina ha ka qabin. aan u soo gudubno faa’iidhada ugu horayn Soomaaliya waxay u baahantahay in kastoo aysan shuruudaha maalgashiga qebaha ugu waaweyn aysan buuxin Karin wakhti xadirkan la joogo, haduunsan wax is badalin , bal ka ba soo qaad 4ta dakadood ee is afgaradka lagu sheegay hadii laba ka mid ah ay ka soo dagaan midkiiba ugu yaraan 100tan oo badeco ah canshuurta kaliya ayaaba faa’iido ugu filan Dawlada Soomaaliyeed iskaba daal wixii kale ee kiro ama xamaali ah ee dakada ka shaqeeya ay helaan weynu ognahay dadkeena shaqa la’aanta haysta marka waxaad ogaanaysaa inaysan waxba tarayn dakado Ayaan haystaa sida looga faa’iidaytana garan maayo ama maba awoodno maalgashi shisheeyana ma rabo.
Soomaalida marka ay Itoobiya maqasho waxaa dhagahooda ku soo dag daga colaadii iyo dhibtadii soo kala dhax martay waa run oo taasi wey jirtaa lakiin marka xaqiiqda loo gudbo waxaa inaga dhaxeya wax badan oo aan is tari karo way inoo baahanyihiin inaguna waan u bahanahay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Buda qabe iyo Biyo qabe way isu baahanyhayihiin ee waxa kaliya ee in la iska hagajiyo u baahan waa sida loo wada noolaanayo ee aan midna midka kale aan ku xad gubayn. Dadka Soomaliyeed oo ah dadka geeska Africa ugu firfircoon dhinaca ganacsiga, ayaa waxay dalalka qaarkood ku joogaan dhuumasho taas oo u horseeda in maalin walba lagu dilo, xoolahoodiina la ga dhaco sida wadanka koonfurta Africa iyo kuwo kale oo badan sidaa darteed waxay u baahanyihiin suuqyo xor ah oo ay dawladoodu heshiisyo dhaxmaro ayna ku ganacsadaan naftooda iyo maalkooduna damaanad qaad ku helaan. sida qodbada heshiiska ku cad waxaa ka mid ah ganacsiga xorta in la is dhaafsado sidaa darteed maxaa diidaaya inay helaan suuqyada waaweyn ee wadamada dariskeena ah kana faa’idaysano inagoo waliba damaanad qaad ku joogna.
Arinta kale ee dad badan oo Soomaali ah ka dhax guuxaysa ayaa waxay tahay Itoobiya weynaga dad badantahay oo weyna liqi marka sidaa darteed waxbanama dhaxmari karo,
arintaas waxba kama jiro lama joogo xiligii ay sidaasi dhici jirtay oo wadanba wadanka uu ka xoog weynyahay uu liqi jiray inag iyo Itoobiya waxaynu nahay laba dal oo xor ah oo mid kasta kursi ku leeyahay golaha Guud ee Qaramada midoobay (UN) sidaa si lamid ah waxaynu kawda tirsanahay Ururo badan oo caalami ah sida : African Union (AU) Intergovernmental Authority Development (IGAD) iyo maxkamdo caalami ah, sida inaga iyo itoobiya colaadu inoo dhaxmartay waxaa jira wadamo badan inagsii darnaa sida CHANIA Iyo CHAPAN oo is dilay malaayiin qof oo dhulal kala qabsaday hadana wey wada ganacsadaan sidaa si lamid waxaad u jeedeen inay maalintii dhaweyn Singabuur kulan ku wada qaateen labadii dal (US iyo Kuuriya) ee dunida isugu necbaa, sida ka muqatay wax uuna wey ku heshiiyeen.
Aan waxa yar ka sheego qorshaha Horumarinta Africa oo ah Qorshe xeel dheer oo mudo lagu hawlanaa.
Qorasha Cusub ee qaarada Africa siiba Geeska Africa kaa oo la qoray mudo haatan lag joogo ku dhawaad 30 sano ayaa dhaqan galkiisii la gaaray kaas oo dhamaan qaarada Hormar dhaqaale oo aad u sareya gaarsiinaya qorshahan oo horay loogu soo tijaabiyey South America ayaa waxaa hada lagu dhaqi donaa Qaarada Africa sidaan ognahay waxaa loo qeybiyaa qaarada Africa 5 qeybood oo kala ah 1) Northern Africa. 2) Westren Africa. 3) Central Africa. 4) Eastren Africa. 5) Southren Africa. Marka dhankasta laga eego waxaa la ogaaday in Eastren Africa (bariga Africa) ay ugu dhibaato badan tahay, dhanka gaajada, maamul xumadda, qalaasaha joogtada ah. horumarkastana waxaa ka hor istaagaya deganaasho la'aanta siyaasadeed. Taas awgeed waxaa qasab noqonaysa in Eastren Africa loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah 1- Great Horn of Africa. iyo 2- Great Lakes of Africa.
a) Great horn of Africa waxaa la is raaciyay 5 dowladood oo kala ah Ethiopia, Somalia, Djabuti, Sudan and Elittrea.
Hadaba midka koobaad oo aan inagu ku jirno Ayaan ka hali donaa midka kale hada inama quseeyo mar kale Ayaan ka hadli donaa, Qorshahan markii si fiican loo daraaseeyey waxaa la soo ogaaday meelaha ugu dhibka badan ee Africa waxay noqotay Great Horn of Africa, oo kala ah: SUDAN waxay u kala go'day labada dal oo aan sal badan ku taagnayn SOMALIA waxaa ka taagan dagaal in kastoo hada xasilooni laga dareemayo, ETHIOPIA waxay ku dhawaatay dagaal sokeeye , , ELETAREIA iyo JABUUTI labadaba ma laha Madaxwayne ku xigeen, laakin jabuuti ayaa hada leh Ra’isul wasaare magac u yaal ah awood badna aan lahanyn oo xukunka wuxuu ku kooban yahay shaqsi oo labadaas dalba xuduudkooda ay joogaan dowlado kala ilaaliya oo marar badan isku dhawaaday inay isku dhacaan,
qorshahaan ma fuli karo ayadoon siyaasadaha dalalkaas wax laga badalin si ay ula qabsadaan ama uga fa'ideeystaan qorshahaan lagu kobcinaayo dhaqaalaha Geeska Africa sida ay qabaan dadka qorshahaan dejiyay, kamana marna inay ayaguba ay leeyihiin dano u gaar ah. Waan mid loogu talo galay waa is dhaxgal dhaqaale ama waxa loo yaqaan (Economic integration) milan dhaqaale mid siyaasadeed (Political intergration) milan siyaasadeed iyo gacasiga xorta ah lagtiisa (free flow of goods ). Ganacsiga xorta ah Iyo waxyaabo badan oo ku hoos jira haba jiraan sida ka muuqata qorasha. lakiin waa midka kaliya ee wax looga qaban karo baahida iyo daganaan sha la’aanta qaarada siiba Bariga Africa.
Qorashahaan waa muhiim marka dhinaca fiican laga fiiriyo Ethiopiana wayku qasban tahay Soomaaliyana way ku qasbantahay waayo labada dhinacba ma hayaan lagac ay ku fuliyaan qorshahaan. Waxaan dadka Soomaaliyeed ka codsanayaa inay waxbadan ka ogadaan qabka manta dunidu isu badashay ee ay iska dhaafaan waxayaabaha aan meel fog gaarsiinayn waxaa kale oo aan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee mucaaradka ah inay dadka jahwareerka ka dayaan taas oo sababi karta kicin dadweyne mucaarad nimadu wey banaan tahay marka wax lagu toosinayo lakiin khatarteeda ayey leedahay marka wax lagu dumanayo. waxabaa laqaadan iyo waa la ina liqu waxba kama jiro maxaayeelay waxaynu soo jirnay qarniyaal wax nalaga qaadayna malahan, hadii aaynu midoowno waxaa hubaal ah in aan ku filanahay ilaalinta madaxbanaanida dalkeena, dadkiisa iyo diinteena. Waxay soomaalidu ku maah maahdaa marka waxa isu sheega laga hadalayo “Sixun waxa u sheege Sixir le waa ka daranyahay” oo macanheedu tahay warka oo sida qaldan loo fasaro, Heshiiska Ethiopia iyo Soomaaliya waa biloow dowlado badan ay soo raaci doonaan sidaan horey idinkugu sheegay, hadii loo helo qorshahaan dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arimahaan waxaa hubaal ah dadka ka fa'ideeysan doono ay yihiin Soomaaliya, sababo badan awgeed oo hada aan diyaar u ahayn inaan afka ku dhufto waana hab dalkeena Soomaaliya u isticmaali karo inuu guuleeysto, mustaqbalka fog.
Ugu danbeyn Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego inay fahmaan sida casriga ah ee aduunka looga nool yahay ma jiro dal kaligiis gooni u istaagi kara, dhaqaalaha aduunka wuxuu noqday mid isku wada xiran oo la isu wada baahanyahay hadaynaan la jaanqaadin ( la qabsanin) waxaa hubaal ah inaann dib oga dhici doono aduunka. Inagoo mudo aad u dheer kaba maqnayn saaxada Dunida. Dadka , Dadka iyo Diintenaba waxaan ku ilaashan karnaa wada jirkeena dal wax inaga qaadi karana majiro Weynua guulaysan Mahadsanidiin.
Ka dhiibo Fikirkaaga Maqaalkan siday kula tahay iyo qorshahan Cusub.
FG: waad ku soo daabici kartaa Bogaaga laakin waa inaadan Qoraha magaciisa Xaqirin Wall ee aad ku xustaa.
W/Q Xaashi Nuur Cabdiqadira (Wadda)
Email: Naajix15@gmail.com
.