Friday, June 22, 2018

YEY DANI UGU JIRTAA HESHIISKA DAKADAHA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA

YEY DANI UGU JIRTAA  HESHIISKA DAKADAHA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA

Sabtidii 16/06/2018  waxa boqasho aan laga sii warqabin ku Yimid Muqdisho Ra’isul wasaraha Itoobiya Abi Axmed. marka dhinac laga fiiriyo wax lalayaabo ma ahan maxaayeelay wey imaan jireen madaxdii isaga ka horaysay hadaba maqaalkan kooban waxaan ku fiirin donaa heshiiska afarta DAKADOOD ee siyaabaha kala duwan loo fasiray waxaana ka fiirin donaa labo dhinac oo kala ah SIYAASADA Iyo DHAQAALAHA waxaa kale oo aan ka eegi donaa faa’iidada ugu jirta labada dhinac heshiiyada la kala saxiixday.

DHINACA SIYAASADDA: Ugu horayn marka la fiiriyo wixii ka dabeeyey is casiladii xayle maryama oo ahaa Ra’isul wasarihii kan ka horeeyey waxaa dhacay waxyaabo yisaasada Itoobiya aan lagu aqoon oo la is dhihi karo waxaa la yimid nin kan cusub. Waxaan ognahay in uu booqashooyin ku kala bixiyey wadamada Geeska Africa Sida KIINYA, JABUUTI, SUUSAAN iyo waliba MASAR oo aynu ognahay inay xasarad ka dhalatay biyaha wabiga Niil  ay kala dhaxayso Itoobiya. waxaa kale oo isbadal weyn ka muuqtaa Siyaada gudaha Itoobiya oo ay dhibato badani ka jirtay sida mucaaradka oo gacan adag lagula dhaqmi jiray, waxaa xabsiyada laga soo daayey dad badan oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa xabsiyada Dalka oo ay Soomaali ku jiratay xaaladii Deg Dega ahayd ee dalka saarnayd oo laga qaaday, isbadalkii lagu sameeyey taliska ciidamada,colaadii kala dhaxaysay Eratareeya oo heshiis laga gaaray oo walba loo ga tanaasulay Dhul aad u baaxad weyn, iyo waxyaabo kala duwaan oo aana halka ka wada gaarin.

DHINACA DHAQAALAHA : dhaqaalaha itoobiya waxaa lagu tiriyaa baryahan danbe mid sare u kac wada iyada oo ay intaas u dheeratahay qalalaase jiray sanadihii u danbeeyey hadana waa mid xawli ku socda Daraasadihii u danbeeyey ee dunida dhinaca Dhaqaalha waxay ku jirtay wadamada safka hore ka galay marka la fiiriyo juqurafi ahaa dadka ku nool dalka waxaa lagu qiyaasaa 100milyan waxaana waxa soo saarka ama waxa loo yaqaan Gaross Domestic product (GDP) ga itoobiya lagu qiyasaa 72.37 billion . Soomaaliyana dadka ku nool waa 12.5 milyan waxaana lagu qiyasaa GDP dalkeena 6.217 billion waxaana halkaas ayeyna ka muuqataa farqiga inoo dhaxeeya hadaba maxay tahay heshiiska dhanka dadkaha ee dhaxmaraya labada dal.

Waxaan ognahay inaysan lahayn Itoobiya wax dakad ah Soomaaliya ku dhawaad 8 dakadood ay leedahay ku waas oo intooda badan la adeegsado lakiin aysan ahay sidii loogu talo galay hadaba inaga oo intaas oo dakadood leh hadana dadka soomaaliyeed wey baahan yihiin oo meel walba oo dunida iyo dalka gudihiisaba waxaa ku haysta dhibaato dhanka cuno iyo bara la’aan taas oo ay u sii dheertahay Colaada ragaadiyey taasna waxaa u sabab ah gaajada dalka ka jirta, Daraasad lagu sameeyey Dakadaha Soomaaliya wakhti aan dhaweyn  aya waxay leedahay hadii laba dakadood kaliya laga  dhisi lahaa oo dhisan  farsamada casriga ah ee haatan dunidu isticmaasho qof Soomaali ah oo baahi haysaa lama arkeen iyada oo aan sidaa nahay bal aan u soo daadagno qorashaha dakadaha iyo in heshiisyo maalgashi lala gala Hay’ado ama Dawlado shisheeye. Iyada oo aan ka warqabno marika Istiraatiijiga ah ee dalkeenu ku yaalo inay maalin walba ay maraan markiibta dunada dacaladeeda u kala gooshta ku waas oo u baahan meelo ay ku nastaan shidaal iyo waxy u baahdana ka qaataan lakiin nasiib daro lama hayo arintaas.

HESHIISKA MAAGASHIGA DAKADAHA EE ITOOBIYA
Waxaan ka fiirin donaa faa’iidada ugu jirta labad dal mustaqbalka dhaw iyo midka dheer waxaan tusale u soo qadanaynaa waddamo sidan oo kale u kala qortay heshiiyo ganacsi oo dhinaca dadkahada ah  tusaalaha 1aad waxaan oganahay itoobiya ganacsiga ugu badan ee ay dakad kala soo dagtaa waa dakada Jabuuti waana heshiis gancsi oo dhaxmaray labada dawladood waana dal marka soomaaliya loo barbar dhigo baaxad ahan iyo dad ahaan intaba inga yar, soomaaliya. lamana dhaho dakada Jabuuti waxaa qaadatay itoobiya, halkaasna waxaa ka cad inaysan itoobiya wax dakad ah oo Soomaaliya gudaheeda ku taala aysan qaadan Karin waaba dawlad afrikaan ahe 3 sadex dawladood oo cadaan ah ayaa waxba ka qaadan waayey taas horta iska ilaw cabsina ha ka qabin.  aan u soo gudubno faa’iidhada ugu horayn Soomaaliya waxay u baahantahay in kastoo aysan shuruudaha maalgashiga qebaha ugu waaweyn aysan buuxin Karin wakhti xadirkan la joogo, haduunsan wax is badalin , bal ka ba soo qaad 4ta dakadood ee is afgaradka lagu sheegay hadii laba ka mid ah ay ka soo dagaan midkiiba ugu yaraan 100tan oo badeco ah canshuurta kaliya ayaaba faa’iido ugu filan Dawlada Soomaaliyeed iskaba daal wixii kale ee kiro ama xamaali ah ee dakada ka shaqeeya ay helaan  weynu ognahay dadkeena shaqa la’aanta haysta marka waxaad ogaanaysaa inaysan waxba tarayn dakado Ayaan haystaa sida looga faa’iidaytana garan maayo ama maba awoodno maalgashi shisheeyana ma rabo.

Soomaalida marka ay Itoobiya maqasho waxaa dhagahooda ku soo dag daga colaadii iyo dhibtadii soo kala dhax martay waa run oo taasi wey jirtaa lakiin marka xaqiiqda loo gudbo waxaa inaga dhaxeya wax badan oo aan is tari karo way inoo baahanyihiin inaguna waan u bahanahay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Buda qabe iyo Biyo qabe way isu baahanyhayihiin  ee waxa kaliya ee in la iska hagajiyo u baahan waa sida loo wada noolaanayo ee aan midna midka kale aan ku xad gubayn. Dadka Soomaliyeed oo ah dadka geeska Africa ugu firfircoon dhinaca ganacsiga, ayaa waxay dalalka qaarkood ku joogaan dhuumasho taas oo u horseeda in maalin walba lagu dilo, xoolahoodiina la ga dhaco  sida wadanka koonfurta Africa iyo kuwo kale oo badan sidaa darteed waxay u baahanyihiin suuqyo xor ah oo ay dawladoodu heshiisyo dhaxmaro ayna ku ganacsadaan naftooda iyo maalkooduna damaanad qaad ku helaan.  sida qodbada heshiiska ku cad waxaa ka mid ah ganacsiga xorta in la is dhaafsado sidaa darteed maxaa diidaaya inay  helaan suuqyada waaweyn ee wadamada dariskeena ah kana faa’idaysano inagoo waliba damaanad qaad ku joogna.
Arinta kale ee dad badan oo Soomaali ah ka dhax guuxaysa ayaa waxay tahay Itoobiya weynaga dad badantahay oo weyna liqi marka sidaa darteed waxbanama dhaxmari karo,
arintaas waxba kama jiro lama joogo xiligii ay sidaasi dhici jirtay oo wadanba wadanka uu ka xoog weynyahay uu liqi jiray inag iyo Itoobiya waxaynu nahay laba dal oo xor ah oo mid kasta kursi ku leeyahay golaha Guud ee Qaramada midoobay (UN) sidaa si lamid ah waxaynu kawda tirsanahay Ururo badan oo caalami ah sida : African Union (AU)  Intergovernmental Authority Development  (IGAD) iyo maxkamdo caalami ah,   sida inaga iyo itoobiya colaadu inoo dhaxmartay waxaa jira wadamo badan inagsii darnaa sida CHANIA Iyo CHAPAN  oo is dilay malaayiin qof oo dhulal kala qabsaday hadana wey wada ganacsadaan sidaa si lamid waxaad u jeedeen inay maalintii dhaweyn Singabuur kulan ku wada qaateen labadii dal (US iyo Kuuriya) ee dunida isugu necbaa, sida ka muqatay wax uuna wey ku heshiiyeen.
 Aan waxa yar ka sheego  qorshaha Horumarinta Africa oo ah Qorshe xeel dheer oo mudo lagu hawlanaa.


Qorasha Cusub ee qaarada Africa siiba Geeska Africa kaa oo la qoray mudo haatan lag joogo ku dhawaad 30 sano ayaa dhaqan galkiisii la gaaray kaas oo dhamaan qaarada Hormar dhaqaale oo aad u sareya gaarsiinaya qorshahan oo horay loogu soo tijaabiyey South America ayaa waxaa hada lagu dhaqi donaa Qaarada Africa sidaan ognahay waxaa loo qeybiyaa qaarada Africa 5 qeybood oo kala ah 1) Northern Africa. 2) Westren Africa. 3) Central Africa. 4) Eastren Africa. 5) Southren Africa.  Marka dhankasta laga eego  waxaa la ogaaday in Eastren Africa (bariga Africa)  ay ugu dhibaato badan tahay, dhanka gaajada, maamul xumadda, qalaasaha joogtada ah. horumarkastana waxaa  ka hor istaagaya deganaasho la'aanta siyaasadeed. Taas awgeed waxaa qasab noqonaysa  in Eastren Africa loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah 1- Great Horn of Africa. iyo 2- Great Lakes of Africa.
  a) Great horn of Africa waxaa la is  raaciyay 5 dowladood oo kala ah Ethiopia, Somalia, Djabuti, Sudan and Elittrea.

Hadaba midka koobaad oo aan inagu ku jirno Ayaan ka hali donaa midka kale hada inama quseeyo mar kale Ayaan ka hadli donaa, Qorshahan markii si fiican loo daraaseeyey waxaa la soo ogaaday  meelaha ugu dhibka badan ee Africa waxay noqotay Great Horn of Africa, oo kala ah:  SUDAN waxay u kala go'day labada dal oo aan sal badan ku taagnayn SOMALIA waxaa ka taagan dagaal in kastoo hada xasilooni laga dareemayo, ETHIOPIA waxay ku dhawaatay dagaal sokeeye , , ELETAREIA iyo JABUUTI labadaba ma laha Madaxwayne ku xigeen,  laakin jabuuti ayaa hada leh Ra’isul wasaare magac u yaal ah awood badna aan lahanyn oo xukunka wuxuu ku kooban yahay shaqsi oo labadaas dalba xuduudkooda ay joogaan dowlado kala ilaaliya oo marar badan isku dhawaaday inay isku dhacaan,

 qorshahaan ma fuli karo ayadoon siyaasadaha dalalkaas wax laga badalin si ay ula qabsadaan ama uga fa'ideeystaan qorshahaan lagu kobcinaayo dhaqaalaha Geeska Africa sida ay qabaan dadka qorshahaan dejiyay, kamana marna inay ayaguba ay leeyihiin dano u gaar ah. Waan mid loogu talo galay waa is dhaxgal dhaqaale ama waxa loo yaqaan (Economic integration) milan dhaqaale mid siyaasadeed (Political intergration) milan siyaasadeed iyo gacasiga xorta ah lagtiisa (free flow of goods ). Ganacsiga xorta ah Iyo waxyaabo badan oo ku hoos jira haba jiraan sida ka muuqata qorasha. lakiin waa midka kaliya ee wax looga qaban karo baahida iyo daganaan sha la’aanta qaarada siiba Bariga Africa.

Qorashahaan waa muhiim marka dhinaca fiican laga fiiriyo  Ethiopiana wayku qasban tahay Soomaaliyana way ku qasbantahay waayo labada dhinacba ma hayaan lagac ay ku fuliyaan qorshahaan. Waxaan dadka  Soomaaliyeed ka codsanayaa inay waxbadan ka ogadaan qabka manta dunidu isu badashay ee ay iska dhaafaan waxayaabaha aan meel fog gaarsiinayn waxaa kale oo aan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee mucaaradka ah inay dadka jahwareerka ka dayaan taas oo sababi karta kicin dadweyne mucaarad nimadu wey banaan tahay marka wax lagu toosinayo lakiin khatarteeda ayey leedahay marka wax lagu dumanayo.  waxabaa laqaadan iyo waa la ina liqu waxba kama jiro maxaayeelay  waxaynu soo jirnay qarniyaal  wax nalaga qaadayna malahan, hadii aaynu midoowno waxaa hubaal ah in aan ku filanahay ilaalinta madaxbanaanida dalkeena, dadkiisa iyo diinteena.  Waxay soomaalidu ku maah maahdaa marka waxa isu sheega laga hadalayo “Sixun waxa u sheege Sixir le waa ka daranyahay” oo macanheedu tahay warka oo sida qaldan loo fasaro, Heshiiska Ethiopia iyo Soomaaliya waa biloow dowlado badan ay soo raaci doonaan sidaan horey idinkugu sheegay, hadii loo helo qorshahaan dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arimahaan waxaa hubaal ah dadka ka fa'ideeysan doono ay yihiin Soomaaliya, sababo badan awgeed oo hada aan diyaar u ahayn inaan afka ku dhufto waana hab dalkeena  Soomaaliya u isticmaali karo inuu guuleeysto, mustaqbalka fog.

 Ugu danbeyn Waxaan rabaa dadka  Soomaaliyeed inaan u sheego  inay fahmaan sida casriga ah ee  aduunka looga nool yahay ma jiro dal kaligiis gooni u istaagi kara, dhaqaalaha aduunka wuxuu noqday mid isku wada xiran oo la isu wada baahanyahay hadaynaan la jaanqaadin ( la qabsanin) waxaa hubaal ah inaann dib oga dhici doono aduunka.  Inagoo mudo aad u dheer kaba maqnayn saaxada Dunida. Dadka , Dadka iyo Diintenaba waxaan ku ilaashan karnaa wada jirkeena dal wax inaga qaadi karana majiro Weynua guulaysan Mahadsanidiin.

Ka dhiibo Fikirkaaga Maqaalkan siday kula tahay iyo qorshahan Cusub.

FG: waad ku soo daabici kartaa Bogaaga laakin waa inaadan Qoraha magaciisa Xaqirin Wall ee aad ku xustaa.

W/Q Xaashi Nuur Cabdiqadira (Wadda)
Email: Naajix15@gmail.com
.

Sunday, May 27, 2018

JIRITAANKA UMADI JIRTO WAXAY KU XIDHANTAHAY JIRITAANKA LUUQADEEDA
Luuqada waxaa lagu tilmamaa inay ka mid tahay muuqaalada nololeed ee Bani’aadamka sidaa tarteed baa waxaa la timamaa inay ka mid tahay waxyaabaha door muhiimka ah ka qaata jiritaanka ummada caalamka aan ku noolahay waxaa looga hadlaa dunida in ka badan 7,000 oo luuqadood ku waas oo kala gadisan dalka papua oo kaliya ayaa lagu tilmaamaa in looga hadlo 852 luuqadood dalkaas oo ka tirsan qaarada Yurub. Dadka dunida ku noola waxaa lagu qiyaasaa 7.62billion tirakoobkii u danbeeyey.
Luuqadu waa mid ka mid ah dhaxalka ugu mihiimsan ee laga dhaxlo Hooyo ama Bulsho waana habka ugu wanaagsan ee dadku ku wada xiriiraan waana afgarashada , Qoomiyadaha iyo shucuubta kala ga disan isku afgartaan. Hay’ada dhaqanka iyo cilimga  Qaramada Midoobay u qaabilsan ee  UNESCO waxay sheegaysaa in 2,500 oo luuqadaha dunida laga hadlo ay khatar ugu jiraan inay dhintaan (lumaan)  waxaa kale oo ay leedahay labadii isbuucba ee kasta ay dhunta hal luuqad oo ka mid ah ay dhunto waxaa kale oo ay sheegaysaa 516 ka mid ah luuqadahaas ayaa qarka u saaran inay dhintaan oo ay tirtirmaan  boqolka sanno ee soo socota, Luqadahaas 46 ka mid ah hal qof ayaa manta ku hadla iyo wax ka sii yar.
Luuqadaha adduunka loogu hadli badan yahay waxaa ka mid ah Shiinayska, Isbaanishka, Hinduuga ,Ingiriisiga iyo Carabiga waa shatnta ugu horaysa sida ay u kala horeeyaan. Fartii ugu horaysay ee la qorona waa tii faracinadu is ticmaali jirtay Luuqada dunida ugu xarfo badan waa luuqada Kaamboodiya oo leh 75 xarfood, Qaabka ay u qormaana farta ugu baahsan waa farta laatiinga ee ay farteena soomaligu ku qorantahay. Luuqadaha rasmiga ee Qaramada Midoobay (UN)  looga hadlo waa lixdaan luuqadood oo kala ah Ingiriisi, Faransiis, Carabi, Ruusiyaanka, Shiinays iyo Isbaanish. Hadaba wadanka luuqado badan oo si rasmi ah u adeegsada waa dalka Koonfur afrika oo looga hadlo luuqado garaaya 11 luqadood.
5 Shanta luuqadood ee aan kor ku soo xusnay Ayaan fiirin donaa dadka ku hadla mid kasta tirada ay dhanyihiin:
1. Shiinaha :     897 billion oo qof
2. Isbanishka :  436 million oo qof
3. Ingiriika :     360 million oo qof
4. Hindi :         329 Million oo qof
5. Carabiga :    290 million

Sidaa darteed dunidii oo noqotay hal tuulo ama hal qol waxaa xaqiiqo ah inay luuqadaha waaweyn sida ingiriiska iyo shiinaysku ay luuqadaha yar yar si tartiib tartiib ah u liqayaan . luuqada af Soomaaliga oo ku jira luqadahaas la tilmaamay inay dhumayaan Ayaan tilaami donaa waxyaabha sababaha u ah lumitaankiisa waxaana ugu horeeya ka mid ah :
B) ku Badhxida luuqadaha qalaad sida ingiriiska iyo carabiga
T) Musalsalka laga turjumay filimaanta qalaad (FANBAROJO)
j) Warbaahinta oo sidii la rabay aan u istimaalin oo ku tacadida adeesigeeda
kh) dhalinyarada oo ku soo kordhisay erayo aan ka mid ahayn luuqada lakin ayga kaliya ay isku  fahmaan.
X) Qoraalada lagu qoro baararka jidadka laga taago ee xayeysiiska ah intaas in ka kaleba waa u sabab.
 Soomaaliya oo ah wadanka kaliya ee qaarada Afrika  ee ku hadla hal Luuqad kaliya ka ma hadlayo lahjado iyo wixii la mid ah, hadaba si ay u sii jirto qarniyada soo socda waxay u baahantahay halgal weyn oo loo galo sidii loo badbaadin lahaa waxa uuna xil ka saaranyahay dadka Soomaaliyeed siday u badbaadin lahaayeen si gaar  waxaan u soo jeedinayaa dadka maamula  goobaha waxbarsha inay xilgaar ah iska saaraan siiba jaamacadaha oo ay ku daraan maadooyinka laga bixiyo oo waliba ay ka dhigaan ku wa ugu horeeya sida wadada dunidaba marka aad jaamacad u aado waxaa lambarka koobaad ah inaad luuqadooda barto oo ay waajib kugu tahay. Waxaa kale oo aan si gaar dardaaran u soo jeedinayaa Hooyada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Ilmahooda (caruurtooda) ay ku dadaalaan inay kula hadlaan Af Soomaali siiba kuwa  jooga Qurbaha (dibada) sidoo kale madaxda iyo masuuliyiinta inay qaabka ay hada u dhaqamaan badalaan oo ay ka daayaan badhxida ay ku badhaxayaan luuqadaha kale marka ay nala hadlayaan iyo cid kasta oo Soomaali ah xil ayaa ka saaran ilaalinta Afkeena Hooyo.
Waxa aan shaki ku jirin hadii ay inaga lunto in aynu inaguna lumayno waxaana taarikhda lagu hayaa marka la rabo in bulsho la dhalan rogo halka ugu horeeya ee la abaaro waa in laga badalo afka ay ku wadda hadlaan ee u gaarka ah Tusaale ahaa waxaa jirtay Qiso laga wariyo islaan madaw ah oo ku noolayd wadan ka mid ah Wadamada la isku yiraahdo iskandaneefiyaanka hal kaas oo taarikh ahaan la ogyahay dad madaw oo qaaradan Afrika u dhashay inay ku noolaan jireen ayaa waxay ku dardaaratay in marka ay dhimato aan maydkeeda la aasin (duugin) markii la weydiiyeyna sababtana  waxay ku jawaabta in ay arkaan dadka ka danbeeya muqaalkeeda oo la ogaado in dad madaw ay ku noolaanjireen waxaana dhalan roga ku dhacay dadkii halkaa ku noolaa ee ay islaantaasi ka mid ahayd  ugu horaysay dhalan roga ku dhacay Afkoodii ka dibna sidaa ay oga tirtirmeen.
Ugu danbayn soo jeedintayda ugu danbaysa waxaan u jeedinayaa Qalinlayda Soomaaliya inay sameeyaan kacdoon lagu badbaadinayo Afkeena hooyo. Mahadsanidiin.
FG: qormadan hadii aad la dhacday waad ku soo qori kartaa bartaada facebook lakiin waa in aadan ka Jarin Magaca qoraaga hadii kale Waa dhac.


W/Q Xaashi Nuur Cabdiqadir (Waddani)  

Thursday, March 1, 2018

#Gurigii_mala_dhameeyey

#Gurigii_mala_dhameeyey
Nin bay xaaskiisu soon iyo salaaba aad ay ugu dadaali jirtay lakin asagu inuu kufo moyee waligii fooda dhulka ma dhigin islaantii ayaa ninkii wacdiday oo ku dhahday
Cabdiyow ilaahay ka cabso saalada iyo soonkaba la imaw waa waajibka alle adoomahiisa Ku leeyahaye.
Ka dibmarka aad intaas la timaado janada ayaa guri lagaaga dhisayaaye 
Ninkii islaanta wacdigeedii alle waa Ku anfacay oo waa bilaabay salaadii iyo soonkiba
Markii Ku dhawaad laba isbuuc lava soo wareegay buu islaantii weydiiyey oo waxa uu dhahay
Ceeblaay "Gurigaygii jannada dhismihiisi saacadan waa gabagabo sow mahan kollay malaa igabaa dhisaysa oo wax ka deg deg bad an ma jiraane".
Kaasay islaantii Ku dhahday ko magarabalay inlaaga dhisayo ayaad u qabtay
Mayeee in ma isoo Waco ayaan sugayey hadii kale wan iska nasan lahaaye maxaad ii daalisay.
Hadaba walaalayaal Inta aynaan dhiman aan ku dadaalno xiriirka alle inagala dhaeeya
Mahadsanidiin
#waaxid_waaxid_iigu_imaada
Nin Xaaji ah ayaa isaga acmashii xajka Ku gudojira ayuu xanuunsaday ka dib waxa uu Ku dax miyir beelay dhawaafka dhaxdiisa.
Ka dib ayaa dhkhtar la geeyey muddo markii uu jiifay ayuu soo baraarugay waxa uuna idhaha kala qaaday isaga oo leh axl axl Alxamdulilaah asaga oo Ku cel celinaayo mahadnaqaa alle ayaa waxaa Ku soo dhaqaaqay Kalkaalisooyin dhawr ah 
Asagu markaa waxa uu moodayaa inuu janadii joogo ileen waa nin meel barakaysan jaagaye .markay dhiniciisa u soo dhaqaaqeen ayuu u qaatay gabadhihii janada (Xawraciidii) janadda
Markaas ayuu Ku qayliyey waaxid waaxid waaxid iigu imaada.
Oo u LA jeedo mid mid iigu imaada
Mahadsanidiin
W/Q Xaashi nuur (waddani)
#Sheeeeeeko
Madaxweynaha Dalka suudaan ayaa markuu xilka qabtay waxa uu mam nuucay khamrada in laga ganacsado marka uu muddo xilka hayey ayuu la taliyashiisii weydiiyey majiraan meelo lagu iibiyo khamaradii aan mam nuucnay markasay waxay dhaheen meelo lagu qariyo ayaa wali jira .
Ka dib waxa uu sameeyey inuu qof shacaba oo caadiya intuu iska soo dhigay ayuu babuurta dadweynuhu racaan mid ka mid ah iska soo raacay Tax
Tax siilihii ayaa waxa uu Ku dhahay Cumar wall waxaad igaysaa meel khamarada lagu iibiyo
Tax siilihii ayaa dhahay waayahay itii ay dhaxda sii socdeen ayaa uu Su' aalo weydiiyey Cumar isaga oo waraysanaya Tax siilihii
Sheekadi iyaga oo dhaxda u marayso ayaa waxa uu dhahay Al Bashkir saaxiib inta aan meesha ka gaarayno hadii aad adigu wax khamro ah haysato fur ii shub ninkii gaariga watay ayaa in tuu Dhalo uu qarsanayey Fur oga soo shubay ayuu u dhiibay ka dib Cumar xasa al Bashiir ayaa ninkii inta uu la hadlay Ku yiri miyaad lgaranaysaa
Ninkii gaariga watay ayaa yiri Maya inaad Nin shacab ah tahay kaliya ayaan Ku malaynayaa.
Markaas ayuu Ku dhahay waxaan ahay Madaxweynihii dalka Cumar Xasan Al bashiir
Ninkii gaariga watay intuu Qolay oo murayada ka fiiriyey kulahaa oo hal Fur kaliya ayaanba kuu shubay kaa saad madaxwyne sheeganysaaye hadii hal dhaloaan Ku shubi lahaa maxaad sheegayn lahay
Ma Abuu Aadam.
W/Q Xaashi nuur waddani

Friday, January 26, 2018

Burburka dalka Beesha Caalamka ayaa u sabab ah







dhibaata soomaaliya meesha ay ka xasili la dahay waxaa kalinta 1aad ka ga jira beesha caalamka umana baahna wax cadaymo ah runtii 
waxaybaha ay ka fakarayaan haday soomaaliya xasisho la waayi doono waxaa ka mid ah xafiisyada waa wayn ee meelo badan oo aduunka ka mid ah ayaa la xiri donaa sida ku wa ku yaala keenya Nairobi iyo Addis-Ababa waxaan maqalnaa soomaaliya waxaa lagu leeyahay $50,000,000,000,000, oo dayn ah ayaa lagu leeyahay la cagta cadadkaa dhan ka soo gaarto dadka soomaaliyeed ee abaaruhu halakee yeen waxa dhan 15% waa hadii aan badiyo 85% waxaa lagu cunaa xafiisyada dhaqalaha soomaaliya lagu cuno ee ku kala yaalo meelaha aan kor ku soo xusay. 




Thursday, January 25, 2018

SOOMAALIDU QABIIL IYO QARANKA KEEBAY QADARIYAAN

Soomaalidu qabiil iyo  Qaranka keebay qadariyaan
Taarikhda nolosha bani’aadamka waqtiba waqtiga ka sii danbeeya waxay u gudbaysay marxalad horumar sare ah ama waxa looyaqaano (higher development stage. ) talaabadii ugu horeasay ee bani’aadamku xaqiijiyey waxay ahayd markuu baratay ugaadhsiga. Hadana waxa uu gaaray heer wax soosaar beereed. Kolki laga gudbay marxaladii daganansho la’aanta oo loogudbay daganaansho ayey , dhasheen tuulooyin, iyo magaalooyin, ilbaxnimaduna bilabatay.
Hadaba qofka oo horay u ahaa xubin ka mid ah qoys, waxa uu noqday xubin ka mid ah koox (qabiil) , hadana horumarku wuxuu keenay in qofku noqdo xubin ka mid ah bulsho. Himiladii ugu horaysay ee qofka bani’aadamka ihi  leeyahay waxay tahay in uu ka nabad galo dhibaato sida: adoonsi, dil, dhcagumaysi, xarig, midabtakoor, ihaano, yasid, iyo dhiigmiirad, oo uu helo, liibaan iyo manfaco.
Nidaamka ugu casrisan  ee bulsho meel ku wada nolaan kartaana waa dawladnimo taas oo  dhawrta qofkasta maslaxadiisa, midda khaas ah iyo midda caamka ahba taas oo ka dhalato wax is dhaafsi (services ) , oo ah wax kala iibsigii iyo waliba waxyabihii kale ee loo baahnaa sida Waxbarshadii, cafimaadkii, wada nolanshihii , dadkii bulshada u adeegi lahaa iwm. Dawladu waa qaran leh shicbi, dhul, madaxbanaani (Sovereignty ) , laguna yaqaan astaab , calan u gaar ah waana halka kaliya ee la isu wafajinkaro danta guud ee bulshada iyo mida gaarka ah ee qofka qabiilkuna waa ka soo horjedaa arintaas mana ogola qodobada aan kor ku soo xusay dhamaantood marka laga reebo danta shaqsiga iyo qabiilka .
Qabiilku waa dad sheegta in ay isku abtirsi yihiin qabyaaladduna dhinac ku hayso waana habdhaqan salka ku haya dhaqaale haraa ah. Waana marxalad dunidu soo wada martay . sida ay qabto diinteenu qabiilku waa wax jira laakiin qabyaalada ayaa bi,isay. Dabdeedna ka gudubtay hormarka aqoonta iyo dhaqaalaha oo is badalay dartiis. Soomaaliduse wali kama gudbin siyaabo jira awgeed sida aqoonta oo inagu yar, dadka oo aan fahmsanayn nidaamka dawliga iwm. Hadii qabiilku ka gacansareeyo qaranimada, hay’adaha dawladda ayaa awooddoodu wiiqanataa, dabadeedna waxaa bata boobka, hantida qaranka, ku tumashada xuquuda qofka. Midaasina waxay dhashaa fowdo iyo daganansho la’aan siyaasadeed, waana arinta aan manta ku jirno runtii.
Tusaale hadii aan ka bixiyo qofkasta oo soomaali ah ruuxdiisa waxaa ku loolamaya  3 sadex dareen oo kale ah : 1. kelinimo (individualism) , 2. qabyaalad, (taribalisam), 3. waddanimo (nationalisam), sadexdaa dareen kolba mid ayaa xoogaysata. Xiligii gobanimadoonka waddanimada ayaa xoogroonaatay , xiligii musumashuqa qabyaaladda ayaa xoogroonaatay, xiligii dalwdana wadaniyada ayaa xoogroonaatay.  Hadaba waxaan qormadan ku afmeerayaa waano ku socota bulshada soomaaliyeed taas oo odhanaysa waad ku dasheen qabyaalade ka wardoona qaranimo. Sida heestii kooda Deegaan ee odhanaysay  “ qaxooti waad ka dharagteen, quudhsi waadka dharagteen, tahriib waad ku dhimateen, dhib aduunka soomara kuli waadhadhamiseen, dhimashada iyo dhawca malyan dhaaftay tiradii  iyo waliba suugaan badan ayaa tilmaamaysa tibatadeda qabyaaladda. Hadaba  waxaan kuleeyahay qaado qaranka kanatag qabyaaladda



nnn1.jpg

W/Q xaashi Nuur Cabdulqaadir (waddani)
Email.  Naajix15@gmail.com


WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...