Tuesday, November 10, 2020

BOOQASHADII JOHN JERRY EE MUQDISHO

John f Kerry May, 5 , 2015 Garonka Aadan Cadde. ( Booqashadii xoghayii hore ee Maraykanka) 

John Kerry: Bal marka hore Magacyadiina ii sheeg Sheega , adiga geeska xiga magacaa?

Axmed İslaam Aniga miyaa : Axmed Modoobe waxaan ahay MD Dawladda Jubarland.

Aniga miyaa! SHARİİF Sakiin waxaan ahayd MD Dawlada Koonfur Galbeed 

Adigana? Cabdiwali Gaas, waxaan ahay MD Dawlada Putland, 

Adigana? Cumar Cabdirashiid waxaan ahay Ra'isulwasaaraha Dawlada Somaaliya,

Adigana? Xasan Sheekh Maxamuud MD Dawlada Somaaliya. 

John Kerry: Haa gartay oo waxaan idin weydiiyey miyeydaan hal dal ahayn maxaad ahaydeen intiinan oo madaxweyne ?

Xasan Sheekh : waanu nahay laakiin Fadaraal baanu nahay! 

Kerry: fadaraalku miyuuna ahayn midka la yaqaano ee Anaguba haysano ee Halka madaxweyne leh?

Cabdiwi Gaas: Wuuyahay laakiin midkanagu Waa mid lagu wareeray! 

Kerry: waxaan idin weydiiyey miyaad kala Awood badantihiin Mise isku Awood baa tihiin sideed isu maamushaan?

Shariif Xasan: haa Maya een een laakin isku midbaa nahay maxaayeelay mid kasta Xildhibaano ayaa soo doorta.  

Kerry: Waxaan idiin Soo booqday İnaan Arimaas aan idin weydiiyey iyo kuwa kaleba ogaado haddana 1saac iyo badh ayaan idinla jogaaye waan sii baxayaaye wax yar baan idiin wadaye Yaan idiinku dhiibaa ?

Axmed Modoobe: qofna ha noogu dhiibine noo qeybi Maxaayeelay Aaminaad La'aani waatii halkan na wadakeentay ee noo qeybi, Hadii Aaminaadi jiri lahayd Mid kaliya ayaan Ku soo diri lahayn oo kula kulmi lahaaye! 

Kerry: idiin qaybinmaayee isi soo Aamina waan idiin Soo laaban donaaye, hadii aad is Aamini weydeen Anaguna idin Aaminimayno!!!. 

Hashi Nur Abdulkadir

Thursday, July 16, 2020

QAYBTA 2AAD


Qaybta 2aad
tusaalaha 3aad
xaalada GUUR CUSUB
Nin baa  horay waxa uu qabay hal xaas ama laba xaas, waxaana uu soo guursaday xaas saddexaad oo kale. Xaaskaas cusubi waxa ay xaq u leedahay toddoba maalin iyo maalmahoodii  waa haddii ay GABADHTAHAY( bikrah), haddii GAROOBTAHAY (thayiba / carmal) saddex maalin iyo habeennadoodii oo waliba isku xigxiga. Markii ay dhammaadaan toddobadaasi ama saddexdaasi ayuu wareeggii Sharciga ahaa bilaabayaa ee mid kasta ay xaqa u lahayd. Culumada qaarkood waxa ay leeyihiin: ninka caruuska ah xitaa salaadaha jamaacada ah inuu masaajidka aado waa laga dhaafay, siiba kuwa xilliga habeenkii ah sida: SALAADDA MAQRIB, CISHA, IYO SALAADDA SUBAX. Waxaa kale oo Culumada Shaficayada laga soo wariyaa waxyaabo kale oo dheeri ah, waxaa ayna leeyihiin: dhammaan SalaadahaJamacada iyo waliba Salaada Jimcaha waa laga dhaafay.
Tusaale yar oo kale  ka warran, haddii nin soo guursaday xaas cusub, habeenkii koowaad waa ay isla baryeen, habeekii labaad ayuu masaajidka iska seexday ama meel kale ayuu iska aaday, habeenkii saddexaad ayuu imaaday, sax ma noqonayso xisaabtaasi. Sidaas darteed, waa in uu hadda bilaabaa laakiin habeenkii koowaad ee hore dumarka kale waa uu u soo qalaynayaa ( gudayaa), wareegga caadiga ah waa in uu ahaadaa mid xidhiidh ah, tusaale ahaa haddii uu xalay Xamdi  la joogay waa in uu Xaliimana caawa u tagaa, laakiin haddii uu habeen mid u tago, habeen kalana meel kale iska aado, haddana habeenka saddexaad middii kale u tago, lama oggola sidaas, caddaalad-darro ayaa ka imaanaysaa. Waxaa kale oo u bannaan in uu labada habeen midba keeda siiyo, waa haduu laba xaas qabo ka dib markii uu wareegga kale bilaabi lahaa meel iska aado, taas wax dhib ah ma lahan haddii uu afar xaas qabana, waa sidaas oo kale oo markii uu wareegga dhammeeyo ayuu meeshii uu rabo adi karaa, midda kale waxaan la oggolayn in wareegga dhaxda lagu kala gooyo.
XAALADA SAFARKA
Xaaladda safarku waa arrin iyaduna u baahan maarayn sharci ah oo u dhaxaysa dumarka la isla qabo. Nin halka xaaslaha ah ikhtiyaar ayuu leeyahay haddii uu rabo waa ay is raacayaan, haddii kalena waa uu ka tagi karaa mar waa siday xaladahooda ku xalisan karaan taas mushkilad badan ma lahan, laakiin ninka xaasaska badan qaba waxaa laga rabaa xal sharci ah, ee ma leh ikhiyaar isagu uu kula dooran karo dumarkiisa mida safarka u raacaysa.  Saddex arrimood ayaa u furan: 1. In uu u qori tuuro. 2. In ay iyagu mid ka mid ah ku raalli noqdaan oo ay dhahaan, hebla ayaan raalli ka nahay in ay ku raacdo. 3. In uu dhammaantood ka wada tago. Qodobka 1aad iyo 2aadba, haddii ay dhacdo qof dumarkiisa ka mid ah ayaa raacaysa saw ma ahan? Haa, haddaba, inta safarka uu ku maqanyahay waa lagu xisaabtamayaa, waxaana laga bilaabayaa wakhtiga uu gaaro meeshii uu safarka u ahaa,  inta uu sii socdo iyo inta uu soo socdo lama xisaabinayo,  tusaale :  ka warran isaga iyo xaaskiisii waa ay is raaceen laakiin isku meel maysan seexan jirin inta safarka ay ku maqnaayeen, tusale ahaan Xaj ayeyba aadeen  oo laba meelood ayey kala dageen, wakhtigaas lama xisaabinayo, waxaana shardi ah in ay isku meel ku hoyan jireen inta ay safarka ku maqnaayeen.  

ADDEECIDA DUMARKA EE SAYGOODA
Waxaan ka soo hadalnay caddaalad u samaynta ragga ee dhinaca wakhiga iyo nafaqada ee dumarkooda, waxaa dumarka iyagana intaas baddelkeeda xaq loogu leeyahay addeecid ay ninkeeda adeecdo, iyo ilalinta maalkiisa, sharaftiisa Amaanadiisa iwm iyada oo labada dhinacba laga rabo is addeecid iyo dhaganuglaan midba midka kale u sameeyo, haddana waxaa la sii adkaynayaa in ay gabadhu saygeeda addeecdo sida ku soo aroortay Addillada Sharciga ah, haddii ay addeeci weydo maxaa ka dhalanaya? Waxaa ka dhalanaya xaquuqdii ay ninka kulahayd in ay weydo/ oo ay qaadato magacan hoos ku xusan NUSHUUZA.  
NUSHUUZA MAXAA LA DHAHAA?
 Waxaa loo la jeedaa gabadha oo gudan weyda oo caasida ninkeeda, kana gaabisa xaqii uu ninkedu ku lahaa, iskana dhagatirto addeecidii ninkeeda, haddii ninku ka u maleeyo in aysan xaskiisu u dhaganuglayn ama waxyaaba kale oo xuquuqdiisa ah uu arko iyada oo ka gaabinayso, waxaa u bannaan in uu marka hore u sheegto uuna dhaho: XAQII AAN KUGU LAHAA ALLAH SWT KAGA CABSO OO ISII; wacdi iyo waanana ugu daro, taas waa markii uu maleeyo kaliya haddii uu xaqiiqsado oo uu arko waxyaabihii uu ka shakisanaa oo xaqiiqa ah, waxaa u bannaan in uu gogasha uga haajiro, haddii isbaddel uu ka waayo, waxaa kale oo u bannaan in uu ku uleeyo ul aan dhibaato u gaysanayn laakiin garaacida waxaa laga hormariyaa ilaa shan shardi:1. In uu xaqiijiyo NUSHUUZNIMADEEDA. 2. In uu ka dheeraado wax kasta oo halis u keeni kara sida wajiga ama meel kale oo halis ah in uu wax kaga dhufto. 3. In uu u maleenaya in ay kaga waatoobayso waxa uu ku arkay, haddii uu u maleeyo in aysan ku waantoobayn in uu iska dhaafo ayaa u khayr badan. 4. In aysan keenayn wax keeni kara dulmi (jariima). Ugu dabayn gabdhu haddii ay noqoto NUSHUUZA, waxaa ninka ka dhacaya xuquuqdii ay ku lahayd ninka dhamaanteeda, sida: nafaqadii IWM. Sadexdaas marxaladoodana waxaa tilaamaysa  Suuradda  NISAA, ayaad 34aad.
وَاللَّاتِي تَخَافُونَ نُشُوزَهُنَّ فَعِظُوهُنَّ وَاهْجُرُوهُنَّ فِي الْمَضَاجِعِ وَاضْرِبُوهُنَّ ۖ فَإِنْ أَطَعْنَكُمْ فَلَا تَبْغُوا عَلَيْهِنَّ سَبِيلًا ۗ إِنَّ اللَّهَ كَانَ عَلِيًّا كَبِيرًا (34)
Ugu dabayn, waxa aan ku soo gabagabaynayaa laba dardaaran oo aan u jeedinayo gabdhaha Muslimiinta ah, gaar ahaan, gabdhaha Soomaaliyeed iyo ragga muslimiinta garaan ahaan ragga Soomaaliyeed. Dumarka haddii aan ku hormaro, waxa aan leeyahay iska ilaaliya luggooyada Reer Galbeedka ee lagu sheegay XUQUUQDA DUMARKA taas oo aan waxba ka jirin. XUQUUQDA DUMARKA Diinteenna Islaamka ayaa lagu sheegay taas oo ilaalisay sharafta iyo karaamada gabadha muslimada ah. Ha u qaadan marka lagu leeyahay addeec ninkaaga in ay tahay addoonsi iyo wax la mid ah sida in badan oo dumarka maanta jooga ah laga dhaadhiciyey, ee waa cibaado Adduunkana aad ku liibanayso, Aakhirna JANNO ku galayso. Waxaa jira xadiis NABIGA SCW ka sugnaaday oo macnihiisu yahay sidan: Gabadha muslimadda ah ee SHANTA SALAADOOD TUKATA, BISHA RAMADAANA SOONTA, FARJIGEEDANA XAFIDDA, NINKEEDANA ADDEECDA, waxaa la leeyahay maalinta qiyaamaha JANNADA albaabka aad rabto ka gal. Haddaba, miyeysan cibaado ahayn wax aad Jannada ku kasbnayso. Sidaa caksigeeda, haddii aad diidmo iyo caasinimo la imaadaanna, waxaa kasbanaysaa dambi iyo cadhada allah SWT .
Dardaranka dhinaca raggana, waxa aan leeyahay, kaliya laga ma rabo dumarka kaliya addeecida ee idinkana waa la idinkarabaa. Gabdha muslimadda ah ee Allah swt xaqeeda ku saaray waxaa lagaa rabaa in aad ka soo baxdo una muujiso NAXARIIS, DULQAAD, IXTIRAAM IYO CADDAALAD. Xaaskaagu waa guushaada adduun iyo aakhiro, haddii aadan u caddaalad samayn dumarka aad kulmisay waxaad ku dhacaysaa dabmi iyo caasinnimo Allah SWT, dhiciisana cadho ayaad kala kulmaysaa. Haddii aad is og tahay in aadan u caddaalad samayn karin, waxaa kuu wanaagsan in aad mid kaliya ku ekaato, waana sida sunnada ah ee culumo badan oo Islaamka qudwa u ah ( lagu daydo)  ay qabaan.

Ugu dambayn, waxaan naftada iyo tiinaba kula dardaarmayaa midka  cabsidiisu ay waajibka inagu tahay oo  Allah SWT, waxaana ka baryeynaa dambi dhaaf iyo raxmadiisa oo inagu manaysto. Aamiin.
Wixii tixraac iyo caddayma ah, waxaad ka raadin kartaan KITAABKA FIQIGA AH EE FATXUL QARIIB AL MUJIIB ( فتح القريب المجيب)
W/Q: HASHI NUR CABDULKADIR
FG: Waad la wadaagi kartaa asxaabtaada, waadna ku soo daabici kartaa bartaada gaarka ah.
Mahadsanidiin,

XAQA KA DHAXEEYA LAMAANAHA MUSLIM KA AH


Xaqa ka dhaxeeya LAMAANAHA MUSLIM KA AH
Qaybta 1AAD
كتاب النكاح
فصل القسم والنشوز

Maqaalkan kooban waxaan si faahfaahsan ogaga hadli doonnaa waxyaabo ku saabsan Axkaamta Sharciga ah ee ka dhaxaysa lammaanayaasha muslimiinta ah kuwaas oo midba midka kale xaq ugu lee yahay, kuwaas oo kala ah:
1.      U Caddaalad samaynta Raga ee dhinaca dumarka. (القسم
2.     Addeecid la’aanta dumarka ee raggooda (النشوزة)
Qodobka hore ee ah ALQASMA,  caddaalad samaynta waxaa laga rabaa ragga, halka qodobka dambe oo ah NUSHUUZA  laga rabo addeecada dumarka, laakiin mararka qaarna ninku NUSHUUZ waa noqon karaa.
Si aan u fahano labadaas qodob ee aan kor ku soo xusnay ayaa waxaan si faahfaahsan uga hadlaynaa Axkaamta Sharciga ah ee ku soo aroortay iyo Ciqaabta ama cuqubada ka dhalanaysa haddii midba mid kale ka waayo wixii uu xaqa ugu lahaa:
CADDAALAD SAMAYNTA RAGGA DHINACA WAKHTIGA
Sida  ay qabto Shareecada Islaamku waxaa ku waajib ah  ninka ragga ah marka uu guursado bixinta nafaqada xaaskiisa iyo carruurtiisaba, waxaa kale oo laga rabaa haddii uu xaasas badan guursadana in uu u caddaalad sameeyo xagga nafaqada, hoyga iyo wakhtiga, intubana waa waabjib sharci ah oo ninka saaran, waxaana aad loo sii adkeeyey u caddaalad samaynta dumarka la isla qabo, sida ku cad Suuradda NISAA, ayaadda Sadexaad. Allah SWT waxa uu lee yahay ka  guursada dumarka Labo, saddex ama afar laakiin haddii aad ka baqdaan in aad u caddaalad samayn weydaan mid kaliya ku gaabsada iyo addoomaha ay gacantiinu mulkiday.
Nafaqada iyo hayga inta badan waxaa dhici karta in aad ilaaliso laakiin dhinaca wakhtiga ayaan bal iftiimindonaa insha Allah. Ugu horrayn waa in aan isla garanaa wakhtiga la qeybinayo sida uu noqonayo. Sida aan wada og nahay shaqooyinka wey kala duwanyihiin, waxaana u kala qaadaynaa sidan hoos ku xisidoono, waxaa kale oo aan tusaaloyin ka bixinaynaa ragga xaasaska badan qaba iyo kuwa halka xaas qaba, labadaba:
Shaqooyinka waxaan u kala qaadaynaa sida soo socota:
1.     Nin shaqeeya maalintii sida caadiga ah, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waa habeenkii, maalintuna wey raacaysaa, haddii uu fursad helo iyo haddii kaleba – midkan habeenkii ayaa asal ah maalintuna waa farac.
2.     Nin habeenkii shaqeeya  sida waardiyaha oo kale, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxa uu noqonayaa maalintii, habeenkuuna waa uu raacayaa -midkana maalinta ayaa asal u ah habeenku waa farac.
3.     Nin shaqeeya habeen iyo maalinba, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxa uu noqonayaa wakhtiga uu firaaqo helo - midkana wakhtiga uu firaaqada helo ayaa asal ah waktiyada shaqaduna waa farac.
TUSAALAHA 1aad
Ninka hal xaaslaha waxaa xaq loogu leeyahay afartii habeenba habeen ka mid ah, waana darajada ugu hoosaysa, haddii uu san jirin cudurdaar sida safar, xaanuun, ama shaqo IMW in uusan cidlayn xaaskiisa ayada oo laga tusaale qaadanayo. Haddii uu afar dumar ah qabi lahaa saddex habeen markuu ka mqanadaba habeenka afaraad wuu imaan lahaa haddii ka sii badiyana waa sidii la rabay, ajarkiisa ayaa u sii badanaya sida uu tilaamaya xadiiska saeexa ah ee Nabiga laga waariyey .
TUSAALAHA 2aad
Ninka xaasaska badan qaba sida: 2, 3 iyo 4, sida Shareecada Islaamkuba ay qabto, waa sida aan kor ku soo sheegnay, wakhtiga lagu xisaabtamayaa waxay ku xiran tahay ninka shaqadiisa, sidaa darteed, haddii Faarax shaqdiisu tahay maalin, xaasaska uu qabaana ay yihiin laba oo kala ah : Ruqiya iyo Faadumo, waxa uu siinayaa midba habeenkeeda, waxbana kama dhimi karayo haddii aysan imaan laba arimood midkood: 1. XAAJA( danyar  ) adeegga ama arrin kale uu dhacday darteeda IWM. 2. DARUURA (wax lagama maarmaan ah) sida xaalada degdeg ah oo ku imaaday xaaskiisii kale sida xanuun IWM. Haddii xaajo timaaddo, maalintii waa uu u tagi karaa xaaskiisa kale wakhtiga faraca ah oo ah maalintii, laakiin haddii ay DARUURO timaaddo labada wakhtiba waa u tagi karaan wakhtiga asalka ah iyo midka faraca ahba.
 Si aan labadan u kala fahanno, aan tusaalooyin ka bixinno. Tusaale Faarax xalay waxa uu la joogay Ruqiya, shaqadii ayuu saaka aaday laakiin fasax ayuu ka soo helay, suuqa ayuu soo maray, waxa uu ka soo iibiyey adeeg uu ugu talagalay xaasaskiisa, waxaa uuna ku hormaray Faadumo, adeeggii ayuu qeybteedii siiyey wuuna ka soo tagay, ku leexashadaas Faadumo waa ay bannaantahay, haddii uusan samayn arrimahan midkood: waa in uu wakhtiga uu la jogaa Faadumo uu san ahaanin mid dhee, waa in uusan samayn wax kulan ah ( Galmo ah). Haddii uu wkhiga uu la joogo Faadumo dheeraado, waa uu soo magdhabayaa  maalinta kale ee ay Faadumo leedahay (soo qalayn), haddii uu Faadumo wax kula ah la sameeyana, Xaqii Ruqiya ayaa dayacmaaya oo waa uu dambaabay waana XAARAAM KULAN KAASI.

LA SOCO QAYBTA XIGTA ....


Saturday, July 11, 2020

AYAASOOFİYA

 

Dhismahan ugu horay  waxa uu  dhisanyahay  ku dhawaad 1500 sano waxa uuna ahaa dhismo looga taliyo madahabta ORTODOKS ee boqortooyadii Biizanda ee barriga Caalamka Ka talin jirtay Mudo dheer. 

Waxaana dhismahan masjid u badalay MAXAMED AL FAATİX ninkii furtay ISTANBUUL ( ISLAAM BUUL) sanadkii 1453dii Sida ay Cadymo ay Soo xigatay maxkamada Sare ee Türkigu waxay sheegtay in maxamed AHN uu hantidiisa gaarka ah ku iibiyey dhismaha Ka dibna masjid u badalay. 

Qarniyaal Ka dhib waxaa matxaf U badalay Ninkii Cilmaaniga ahaa Ee MUSTAFE KAMAAL ATAATOOTKI sanadkii 1934tii halkaas oo loo soo dhaawasho tagi jiray ilaa sanadkaas ilaa maanta lagana helaayo Waxkasta oo dhaqan ah Laakiin u badan waxyaabo Diinta Islaamka Caksi Ku ah. 

86 sano Ka dib waxaa suura galay dadaalo ay samaysay Hay'ada Diinta iyo Awqaafta iyo MADAXWEYNAHA Hadda talada haya waxay ku guulaysteen inay maxkamada Sare ee Türkiga Ka dhaadhiciyaan in dib loogu celiyo Masjidkii uu ahaa. Waxay soo bilaabtay doodan ah in lagu celiyo Masaajid 2004 tii ilaa wakhtigan .Waxaan la furidonaa sida Madaxweyne ERDOĞAN sheegay 24 bishan aan Ku jiro  oo ku beegan maalin jimca ah.

Afti laga qaaday Xisbiyada Wadanka marka laga reebo Hal xisbi oo taageerayaashiisu 66% ay u codeeyeen in mataxfkii hore lagu daayo halka Labada xisbi kale oo uu Ka midyahay midka Taladahay ee Madaxweyne ERDOĞAN  90% ay u riyaaqeen in lagu soo celiyo masjidkuu ahaa. 

Halka Dawladaha , RAASHIYA, MARAYKANKA, MIDAWGA YURUB, GIRIIGA, KINIISADAHA IYO UNESCO ay Cambaarayn kala dul dhaceen go'aanka Madaxweyne ERDOĞAN iyo Dawladiisa 

Laakiin Allah SWT Awoodiisa iyo Qudradiisa ayaa Ka weyn Waxbana Ka badali mayaan in sha allah

 بحول الله قوته
Waxaan sugnaaba Waa KHALIIFADII ISLAAMKA  Insha Allah Tacaalaa.

Share dheh Walaal mahadsanid.

Hashi Nur Abdulkadir

Saturday, June 13, 2020

JIRITAANKA UMADI JIRTO WAXAY KU XIDHANTAHAY JIRITAANKA LUUQADEEDA.

JIRITAANKA UMADI JIRTO WAXAY KU XIDHANTAHAY JIRITAANKA LUUQADEEDA

Luuqada waxaa lagu tilmamaa inay ka mid tahay muuqaalada nololeed ee Bani’aadamka sidaa tarteed baa waxaa la timamaa inay ka mid tahay waxyaabaha door muhiimka ah ka qaata jiritaanka ummada caalamka aan ku noolahay waxaa looga hadlaa dunida in ka badan 7,000 oo luuqadood ku waas oo kala gadisan dalka papua oo kaliya ayaa lagu tilmaamaa in looga hadlo 852 luuqadood dalkaas oo ka tirsan qaarada Yurub. Dadka dunida ku noola waxaa lagu qiyaasaa 7.62billion tirakoobkii u danbeeyey. 

Luuqadu waa mid ka mid ah dhaxalka ugu mihiimsan ee laga dhaxlo Hooyo ama Bulsho waana habka ugu wanaagsan ee dadku ku wada xiriiraan waana afgarashada , Qoomiyadaha iyo shucuubta kala ga disan isku afgartaan. Hay’ada dhaqanka iyo cilimga  Qaramada Midoobay u qaabilsan ee  UNESCO waxay sheegaysaa in 2,500 oo luuqadaha dunida laga hadlo ay khatar ugu jiraan inay dhintaan (lumaan)  waxaa kale oo ay leedahay labadii isbuucba ee kasta ay dhunta hal luuqad oo ka mid ah ay dhunto waxaa kale oo ay sheegaysaa 516 ka mid ah luuqadahaas ayaa qarka u saaran inay dhintaan oo ay tirtirmaan  boqolka sanno ee soo socota, Luqadahaas 46 ka mid ah hal qof ayaa manta ku hadla iyo wax ka sii yar.

Luuqadaha adduunka loogu hadli badan yahay waxaa ka mid ah Shiinayska, Isbaanishka, Hinduuga ,Ingiriisiga iyo Carabiga waa shatnta ugu horaysa sida ay u kala horeeyaan. Fartii ugu horaysay ee la qorona waa tii faracinadu is ticmaali jirtay Luuqada dunida ugu xarfo badan waa luuqada Kaamboodiya oo leh 75 xarfood, Qaabka ay u qormaana farta ugu baahsan waa farta laatiinga ee ay farteena soomaligu ku qorantahay. Luuqadaha rasmiga ee Qaramada Midoobay (UN)  looga hadlo waa lixdaan luuqadood oo kala ah Ingiriisi, Faransiis, Carabi, Ruusiyaanka, Shiinays iyo Isbaanish. Hadaba wadanka luuqado badan oo si rasmi ah u adeegsada waa dalka Koonfur afrika oo looga hadlo luuqado garaaya 11 luqadood. 
5 Shanta luuqadood ee aan kor ku soo xusnay Ayaan fiirin donaa dadka ku hadla mid kasta tirada ay dhanyihiin:
1. Shiinaha :     897 billion oo qof
2. Isbanishka :  436 million oo qof
3. Ingiriika :     360 million oo qof
4. Hindi :         329 Million oo qof
5. Carabiga :    290 million

Sidaa darteed dunidii oo noqotay hal tuulo ama hal qol waxaa xaqiiqo ah inay luuqadaha waaweyn sida ingiriiska iyo shiinaysku ay luuqadaha yar yar si tartiib tartiib ah u liqayaan . luuqada af Soomaaliga oo ku jira luqadahaas la tilmaamay inay dhumayaan Ayaan tilaami donaa waxyaabha sababaha u ah lumitaankiisa waxaana ugu horeeya ka mid ah :
B) ku Badhxida luuqadaha qalaad sida ingiriiska iyo carabiga
T) Musalsalka laga turjumay filimaanta qalaad (FANBAROJO)
j) Warbaahinta oo sidii la rabay aan u istimaalin oo ku tacadida adeesigeeda
kh) dhalinyarada oo ku soo kordhisay erayo aan ka mid ahayn luuqada lakin ayga kaliya ay isku  fahmaan.
X) Qoraalada lagu qoro baararka jidadka laga taago ee xayeysiiska ah intaas in ka kaleba waa u sabab.

 Soomaaliya oo ah wadanka kaliya ee qaarada Afrika  ee ku hadla hal Luuqad kaliya ka ma hadlayo lahjado iyo wixii la mid ah, hadaba si ay u sii jirto qarniyada soo socda waxay u baahantahay halgal weyn oo loo galo sidii loo badbaadin lahaa waxa uuna xil ka saaranyahay dadka Soomaaliyeed siday u badbaadin lahaayeen si gaar  waxaan u soo jeedinayaa dadka maamula  goobaha waxbarsha inay xilgaar ah iska saaraan siiba jaamacadaha oo ay ku daraan maadooyinka laga bixiyo oo waliba ay ka dhigaan ku wa ugu horeeya sida wadada dunidaba marka aad jaamacad u aado waxaa lambarka koobaad ah inaad luuqadooda barto oo ay waajib kugu tahay. Waxaa kale oo aan si gaar dardaaran u soo jeedinayaa Hooyada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto in ay Ilmahooda (caruurtooda) ay ku dadaalaan inay kula hadlaan Af Soomaali siiba kuwa  jooga Qurbaha (dibada) sidoo kale madaxda iyo masuuliyiinta inay qaabka ay hada u dhaqamaan badalaan oo ay ka daayaan badhxida ay ku badhaxayaan luuqadaha kale marka ay nala hadlayaan iyo cid kasta oo Soomaali ah xil ayaa ka saaran ilaalinta Afkeena Hooyo.

Waxa aan shaki ku jirin hadii ay inaga lunto in aynu inaguna lumayno waxaana taarikhda lagu hayaa marka la rabo in bulsho la dhalan rogo halka ugu horeeya ee la abaaro waa in laga badalo afka ay ku wadda hadlaan ee u gaarka ah Tusaale ahaa waxaa jirtay Qiso laga wariyo islaan madaw ah oo ku noolayd wadan ka mid ah Wadamada la isku yiraahdo iskandaneefiyaanka hal kaas oo taarikh ahaan la ogyahay dad madaw oo qaaradan Afrika u dhashay inay ku noolaan jireen ayaa waxay ku dardaaratay in marka ay dhimato aan maydkeeda la aasin (duugin) markii la weydiiyeyna sababtana  waxay ku jawaabta in ay arkaan dadka ka danbeeya muqaalkeeda oo la ogaado in dad madaw ay ku noolaanjireen waxaana dhalan roga ku dhacay dadkii halkaa ku noolaa ee ay islaantaasi ka mid ahayd  ugu horaysay dhalan roga ku dhacay Afkoodii ka dibna sidaa ay oga tirtirmeen. 

Ugu danbayn soo jeedintayda ugu danbaysa waxaan u jeedinayaa Qalinlayda Soomaaliya inay sameeyaan kacdoon lagu badbaadinayo Afkeena hooyo. Mahadsanidiin.

FG: qormadan hadii aad la dhacday waad ku soo qori kartaa bartaada facebook lakiin waa in aadan ka Jarin Magaca qoraaga hadii kale Waa dhac. 

W/Q Xaashi Nuur Cabdiqadir (Waddani)

Wednesday, June 10, 2020

حديث الخصال الخمس                                                             
---------------------------------------------------------------------------                           
عبد الله بن عمر - رضي الله عنهما - قال: أقبل علينا رسول الله - صلى الله عليه وسلم - فقال: (يا معشر المهاجرين، خمسٌ إذا ابتليتم بهن وأعوذ بالله أن تدركوهن: لم تظهر الفاحشة في قوم قطُّ حتى يعلنوا بها إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن في أسلافهم الذين مضوا، ولم يُنقصوا المكيال والميزان إلا أُخذوا بالسنين وشدة المؤونة وجور السلطان عليهم، ولم يمنعوا زكاة أموالهم إلا مُنعوا القطر من السماء، ولولا البهائم لم يُمطروا، ولم ينقضوا عهد الله وعهد رسوله إلا سلط الله عليهم عدوًّا من غيرهم فأخذوا بعض ما في أيديهم، وما لم تحكم أئمتهم بكتاب الله ويتخيروا مما أنزل الله إلا جعل الله بأسهم بينهم) رواه ابن ماجه في سننه.
الخصلة الأولى: (لم تظهر الفاحشة في قوم قطُّ حتى يعلنوا بها، إلا فشا فيهم الطاعون والأوجاع التي لم تكن في أسلافهم الذين مضوا)،
الخصلة الثانية: (ولم يُنقصوا المكيال والميزان إلا أُخِذوا بالسنين وشدة المؤونة وجور السلطان عليهم)
الخصلة الثالثة: (ولم يمنعوا زكاة أموالهم إلا مُنعوا القطر من السماء، ولولا البهائم لم يُمطروا)
الخصلة الرابعة: (ولم ينقضوا عهد الله وعهد رسوله إلا سلط الله عليهم عدوًّا من غيرهم فأخذوا بعض ما في أيديهم)
الخصلة الخامسة: (وما لم تحكم أئمتهم بكتاب الله ويتخيروا مما أنزل الله إلا جعل الله بأسهم بينهم)
Maanta runtii Shantan Arimood ee Xadiisku sheegayo wey muuqataa
Waliba mid mid ayaa loo arki karaa Xalaada Dadka Muslimiinta ah ay maanta marayaan
Sida Xadiisku Sheegayba wuxuu Allah SWT inoogu naxariisanayaa Bahaa'imta

Friday, June 22, 2018

YEY DANI UGU JIRTAA HESHIISKA DAKADAHA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA

YEY DANI UGU JIRTAA  HESHIISKA DAKADAHA ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA

Sabtidii 16/06/2018  waxa boqasho aan laga sii warqabin ku Yimid Muqdisho Ra’isul wasaraha Itoobiya Abi Axmed. marka dhinac laga fiiriyo wax lalayaabo ma ahan maxaayeelay wey imaan jireen madaxdii isaga ka horaysay hadaba maqaalkan kooban waxaan ku fiirin donaa heshiiska afarta DAKADOOD ee siyaabaha kala duwan loo fasiray waxaana ka fiirin donaa labo dhinac oo kala ah SIYAASADA Iyo DHAQAALAHA waxaa kale oo aan ka eegi donaa faa’iidada ugu jirta labada dhinac heshiiyada la kala saxiixday.

DHINACA SIYAASADDA: Ugu horayn marka la fiiriyo wixii ka dabeeyey is casiladii xayle maryama oo ahaa Ra’isul wasarihii kan ka horeeyey waxaa dhacay waxyaabo yisaasada Itoobiya aan lagu aqoon oo la is dhihi karo waxaa la yimid nin kan cusub. Waxaan ognahay in uu booqashooyin ku kala bixiyey wadamada Geeska Africa Sida KIINYA, JABUUTI, SUUSAAN iyo waliba MASAR oo aynu ognahay inay xasarad ka dhalatay biyaha wabiga Niil  ay kala dhaxayso Itoobiya. waxaa kale oo isbadal weyn ka muuqtaa Siyaada gudaha Itoobiya oo ay dhibato badani ka jirtay sida mucaaradka oo gacan adag lagula dhaqmi jiray, waxaa xabsiyada laga soo daayey dad badan oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa xabsiyada Dalka oo ay Soomaali ku jiratay xaaladii Deg Dega ahayd ee dalka saarnayd oo laga qaaday, isbadalkii lagu sameeyey taliska ciidamada,colaadii kala dhaxaysay Eratareeya oo heshiis laga gaaray oo walba loo ga tanaasulay Dhul aad u baaxad weyn, iyo waxyaabo kala duwaan oo aana halka ka wada gaarin.

DHINACA DHAQAALAHA : dhaqaalaha itoobiya waxaa lagu tiriyaa baryahan danbe mid sare u kac wada iyada oo ay intaas u dheeratahay qalalaase jiray sanadihii u danbeeyey hadana waa mid xawli ku socda Daraasadihii u danbeeyey ee dunida dhinaca Dhaqaalha waxay ku jirtay wadamada safka hore ka galay marka la fiiriyo juqurafi ahaa dadka ku nool dalka waxaa lagu qiyaasaa 100milyan waxaana waxa soo saarka ama waxa loo yaqaan Gaross Domestic product (GDP) ga itoobiya lagu qiyasaa 72.37 billion . Soomaaliyana dadka ku nool waa 12.5 milyan waxaana lagu qiyasaa GDP dalkeena 6.217 billion waxaana halkaas ayeyna ka muuqataa farqiga inoo dhaxeeya hadaba maxay tahay heshiiska dhanka dadkaha ee dhaxmaraya labada dal.

Waxaan ognahay inaysan lahayn Itoobiya wax dakad ah Soomaaliya ku dhawaad 8 dakadood ay leedahay ku waas oo intooda badan la adeegsado lakiin aysan ahay sidii loogu talo galay hadaba inaga oo intaas oo dakadood leh hadana dadka soomaaliyeed wey baahan yihiin oo meel walba oo dunida iyo dalka gudihiisaba waxaa ku haysta dhibaato dhanka cuno iyo bara la’aan taas oo ay u sii dheertahay Colaada ragaadiyey taasna waxaa u sabab ah gaajada dalka ka jirta, Daraasad lagu sameeyey Dakadaha Soomaaliya wakhti aan dhaweyn  aya waxay leedahay hadii laba dakadood kaliya laga  dhisi lahaa oo dhisan  farsamada casriga ah ee haatan dunidu isticmaasho qof Soomaali ah oo baahi haysaa lama arkeen iyada oo aan sidaa nahay bal aan u soo daadagno qorashaha dakadaha iyo in heshiisyo maalgashi lala gala Hay’ado ama Dawlado shisheeye. Iyada oo aan ka warqabno marika Istiraatiijiga ah ee dalkeenu ku yaalo inay maalin walba ay maraan markiibta dunada dacaladeeda u kala gooshta ku waas oo u baahan meelo ay ku nastaan shidaal iyo waxy u baahdana ka qaataan lakiin nasiib daro lama hayo arintaas.

HESHIISKA MAAGASHIGA DAKADAHA EE ITOOBIYA
Waxaan ka fiirin donaa faa’iidada ugu jirta labad dal mustaqbalka dhaw iyo midka dheer waxaan tusale u soo qadanaynaa waddamo sidan oo kale u kala qortay heshiiyo ganacsi oo dhinaca dadkahada ah  tusaalaha 1aad waxaan oganahay itoobiya ganacsiga ugu badan ee ay dakad kala soo dagtaa waa dakada Jabuuti waana heshiis gancsi oo dhaxmaray labada dawladood waana dal marka soomaaliya loo barbar dhigo baaxad ahan iyo dad ahaan intaba inga yar, soomaaliya. lamana dhaho dakada Jabuuti waxaa qaadatay itoobiya, halkaasna waxaa ka cad inaysan itoobiya wax dakad ah oo Soomaaliya gudaheeda ku taala aysan qaadan Karin waaba dawlad afrikaan ahe 3 sadex dawladood oo cadaan ah ayaa waxba ka qaadan waayey taas horta iska ilaw cabsina ha ka qabin.  aan u soo gudubno faa’iidhada ugu horayn Soomaaliya waxay u baahantahay in kastoo aysan shuruudaha maalgashiga qebaha ugu waaweyn aysan buuxin Karin wakhti xadirkan la joogo, haduunsan wax is badalin , bal ka ba soo qaad 4ta dakadood ee is afgaradka lagu sheegay hadii laba ka mid ah ay ka soo dagaan midkiiba ugu yaraan 100tan oo badeco ah canshuurta kaliya ayaaba faa’iido ugu filan Dawlada Soomaaliyeed iskaba daal wixii kale ee kiro ama xamaali ah ee dakada ka shaqeeya ay helaan  weynu ognahay dadkeena shaqa la’aanta haysta marka waxaad ogaanaysaa inaysan waxba tarayn dakado Ayaan haystaa sida looga faa’iidaytana garan maayo ama maba awoodno maalgashi shisheeyana ma rabo.

Soomaalida marka ay Itoobiya maqasho waxaa dhagahooda ku soo dag daga colaadii iyo dhibtadii soo kala dhax martay waa run oo taasi wey jirtaa lakiin marka xaqiiqda loo gudbo waxaa inaga dhaxeya wax badan oo aan is tari karo way inoo baahanyihiin inaguna waan u bahanahay Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa Buda qabe iyo Biyo qabe way isu baahanyhayihiin  ee waxa kaliya ee in la iska hagajiyo u baahan waa sida loo wada noolaanayo ee aan midna midka kale aan ku xad gubayn. Dadka Soomaliyeed oo ah dadka geeska Africa ugu firfircoon dhinaca ganacsiga, ayaa waxay dalalka qaarkood ku joogaan dhuumasho taas oo u horseeda in maalin walba lagu dilo, xoolahoodiina la ga dhaco  sida wadanka koonfurta Africa iyo kuwo kale oo badan sidaa darteed waxay u baahanyihiin suuqyo xor ah oo ay dawladoodu heshiisyo dhaxmaro ayna ku ganacsadaan naftooda iyo maalkooduna damaanad qaad ku helaan.  sida qodbada heshiiska ku cad waxaa ka mid ah ganacsiga xorta in la is dhaafsado sidaa darteed maxaa diidaaya inay  helaan suuqyada waaweyn ee wadamada dariskeena ah kana faa’idaysano inagoo waliba damaanad qaad ku joogna.
Arinta kale ee dad badan oo Soomaali ah ka dhax guuxaysa ayaa waxay tahay Itoobiya weynaga dad badantahay oo weyna liqi marka sidaa darteed waxbanama dhaxmari karo,
arintaas waxba kama jiro lama joogo xiligii ay sidaasi dhici jirtay oo wadanba wadanka uu ka xoog weynyahay uu liqi jiray inag iyo Itoobiya waxaynu nahay laba dal oo xor ah oo mid kasta kursi ku leeyahay golaha Guud ee Qaramada midoobay (UN) sidaa si lamid ah waxaynu kawda tirsanahay Ururo badan oo caalami ah sida : African Union (AU)  Intergovernmental Authority Development  (IGAD) iyo maxkamdo caalami ah,   sida inaga iyo itoobiya colaadu inoo dhaxmartay waxaa jira wadamo badan inagsii darnaa sida CHANIA Iyo CHAPAN  oo is dilay malaayiin qof oo dhulal kala qabsaday hadana wey wada ganacsadaan sidaa si lamid waxaad u jeedeen inay maalintii dhaweyn Singabuur kulan ku wada qaateen labadii dal (US iyo Kuuriya) ee dunida isugu necbaa, sida ka muqatay wax uuna wey ku heshiiyeen.
 Aan waxa yar ka sheego  qorshaha Horumarinta Africa oo ah Qorshe xeel dheer oo mudo lagu hawlanaa.


Qorasha Cusub ee qaarada Africa siiba Geeska Africa kaa oo la qoray mudo haatan lag joogo ku dhawaad 30 sano ayaa dhaqan galkiisii la gaaray kaas oo dhamaan qaarada Hormar dhaqaale oo aad u sareya gaarsiinaya qorshahan oo horay loogu soo tijaabiyey South America ayaa waxaa hada lagu dhaqi donaa Qaarada Africa sidaan ognahay waxaa loo qeybiyaa qaarada Africa 5 qeybood oo kala ah 1) Northern Africa. 2) Westren Africa. 3) Central Africa. 4) Eastren Africa. 5) Southren Africa.  Marka dhankasta laga eego  waxaa la ogaaday in Eastren Africa (bariga Africa)  ay ugu dhibaato badan tahay, dhanka gaajada, maamul xumadda, qalaasaha joogtada ah. horumarkastana waxaa  ka hor istaagaya deganaasho la'aanta siyaasadeed. Taas awgeed waxaa qasab noqonaysa  in Eastren Africa loo qaybiyo laba qaybood oo kala ah 1- Great Horn of Africa. iyo 2- Great Lakes of Africa.
  a) Great horn of Africa waxaa la is  raaciyay 5 dowladood oo kala ah Ethiopia, Somalia, Djabuti, Sudan and Elittrea.

Hadaba midka koobaad oo aan inagu ku jirno Ayaan ka hali donaa midka kale hada inama quseeyo mar kale Ayaan ka hadli donaa, Qorshahan markii si fiican loo daraaseeyey waxaa la soo ogaaday  meelaha ugu dhibka badan ee Africa waxay noqotay Great Horn of Africa, oo kala ah:  SUDAN waxay u kala go'day labada dal oo aan sal badan ku taagnayn SOMALIA waxaa ka taagan dagaal in kastoo hada xasilooni laga dareemayo, ETHIOPIA waxay ku dhawaatay dagaal sokeeye , , ELETAREIA iyo JABUUTI labadaba ma laha Madaxwayne ku xigeen,  laakin jabuuti ayaa hada leh Ra’isul wasaare magac u yaal ah awood badna aan lahanyn oo xukunka wuxuu ku kooban yahay shaqsi oo labadaas dalba xuduudkooda ay joogaan dowlado kala ilaaliya oo marar badan isku dhawaaday inay isku dhacaan,

 qorshahaan ma fuli karo ayadoon siyaasadaha dalalkaas wax laga badalin si ay ula qabsadaan ama uga fa'ideeystaan qorshahaan lagu kobcinaayo dhaqaalaha Geeska Africa sida ay qabaan dadka qorshahaan dejiyay, kamana marna inay ayaguba ay leeyihiin dano u gaar ah. Waan mid loogu talo galay waa is dhaxgal dhaqaale ama waxa loo yaqaan (Economic integration) milan dhaqaale mid siyaasadeed (Political intergration) milan siyaasadeed iyo gacasiga xorta ah lagtiisa (free flow of goods ). Ganacsiga xorta ah Iyo waxyaabo badan oo ku hoos jira haba jiraan sida ka muuqata qorasha. lakiin waa midka kaliya ee wax looga qaban karo baahida iyo daganaan sha la’aanta qaarada siiba Bariga Africa.

Qorashahaan waa muhiim marka dhinaca fiican laga fiiriyo  Ethiopiana wayku qasban tahay Soomaaliyana way ku qasbantahay waayo labada dhinacba ma hayaan lagac ay ku fuliyaan qorshahaan. Waxaan dadka  Soomaaliyeed ka codsanayaa inay waxbadan ka ogadaan qabka manta dunidu isu badashay ee ay iska dhaafaan waxayaabaha aan meel fog gaarsiinayn waxaa kale oo aan leeyahay dadka siyaasiyiinta ah ee mucaaradka ah inay dadka jahwareerka ka dayaan taas oo sababi karta kicin dadweyne mucaarad nimadu wey banaan tahay marka wax lagu toosinayo lakiin khatarteeda ayey leedahay marka wax lagu dumanayo.  waxabaa laqaadan iyo waa la ina liqu waxba kama jiro maxaayeelay  waxaynu soo jirnay qarniyaal  wax nalaga qaadayna malahan, hadii aaynu midoowno waxaa hubaal ah in aan ku filanahay ilaalinta madaxbanaanida dalkeena, dadkiisa iyo diinteena.  Waxay soomaalidu ku maah maahdaa marka waxa isu sheega laga hadalayo “Sixun waxa u sheege Sixir le waa ka daranyahay” oo macanheedu tahay warka oo sida qaldan loo fasaro, Heshiiska Ethiopia iyo Soomaaliya waa biloow dowlado badan ay soo raaci doonaan sidaan horey idinkugu sheegay, hadii loo helo qorshahaan dad Soomaaliyeed oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh arimahaan waxaa hubaal ah dadka ka fa'ideeysan doono ay yihiin Soomaaliya, sababo badan awgeed oo hada aan diyaar u ahayn inaan afka ku dhufto waana hab dalkeena  Soomaaliya u isticmaali karo inuu guuleeysto, mustaqbalka fog.

 Ugu danbeyn Waxaan rabaa dadka  Soomaaliyeed inaan u sheego  inay fahmaan sida casriga ah ee  aduunka looga nool yahay ma jiro dal kaligiis gooni u istaagi kara, dhaqaalaha aduunka wuxuu noqday mid isku wada xiran oo la isu wada baahanyahay hadaynaan la jaanqaadin ( la qabsanin) waxaa hubaal ah inaann dib oga dhici doono aduunka.  Inagoo mudo aad u dheer kaba maqnayn saaxada Dunida. Dadka , Dadka iyo Diintenaba waxaan ku ilaashan karnaa wada jirkeena dal wax inaga qaadi karana majiro Weynua guulaysan Mahadsanidiin.

Ka dhiibo Fikirkaaga Maqaalkan siday kula tahay iyo qorshahan Cusub.

FG: waad ku soo daabici kartaa Bogaaga laakin waa inaadan Qoraha magaciisa Xaqirin Wall ee aad ku xustaa.

W/Q Xaashi Nuur Cabdiqadira (Wadda)
Email: Naajix15@gmail.com
.

WIXII SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY MAXAA INAGALA GUDBOON?

 WIXII  SHALAY HAREERAHEENA KA DHACAY  MAXAA INAGALA GUDBOON? 15,Agosto, 2021. Afganistan! Asharf gani O...